Tuugnimada waa iska dayn lahaaye dadkaan hantidooda dayacaya ayaa nagu khasbaya! – Maqaal xiiso badan

Unknown
0


Qore: Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com
Tuug mariyoo madoobeeyey buu ahaa, warkiisuna meel walba waa gaarey. Ehelkiisii iyo dadkii uu ka dhashay oo maalin walba war xumi uga soo yeeri jirey buu berigii dambe miyi ugu yimid.
Culumo ayaa loogu yeeray, Qur’aan baana la saaray, waana loo duceeyey, aadna waa loo wacdiyay inuu tuugada iska daayo. Ogow qarsoodi maahee jifadiisii waa isugu timid rag iyo dumar, yar iyo weynba iyagoo rajeynaya inuu aafadaan ka baxo.
Dhalinyaro geeljire ah oo ilma adeertiis ah baa si gaara ula sheekaystay oo waxay ku yiraahdeen ninyohow maxaad tuugada isaga dayn weyday waa wax xune?. Wuxuu ugu jawaabay: nimanyohow mar kasta oo aan tuugada iska daa is iraahdo kuwo inkaar qaba oo aan woxooda xafidanayn baa igu soo celinaya!.
Gacanta qaadista barata gummaddaa dhaqdhaqaaqa ee kolkuu wax dagan arko ama meel loo dhici karo wuxuu bartay baa ka xoog roonaanaya oo hilmaansiinaya go’aankii uu qaatay ee tuugo iska daynta ahaa.
Ninkaan wuxuu ka cananayaa xoolo dadkiisii dayaceen oo in la xado ay sahlantahay, waxaase taa kasii daran dadka ikhyaarta ah ee aan waligood ku fakarin inay xaaraan cunaan ama ilmohooda ku quudiyaan oo balaayadu lacagta naareed la hoos-ordayso oo waliba lagu baryayo!. Ma waxaas baan wax la qaato ahayn?.
Ninkaan wuxuu go’aansaday inuu baarlamaanka galo oo uu noqdo nin madax ah oo sharaf leh. Intaan meel fogba la gaarin markii magiciisa lagu dhawaaqay waxaa lacag la hoos ordaya niman ka socda murashaxiinta madaxnimada oo anaga noo codee iyo anaga noogu rid ku baryaya.
Ibliis iyo ubadkiisa oo ku dhaartay inay ilma aadan naarta ku hubsadaan in yar mooyee iyo naftii xume farista badnayd iyo baahi gurigii uu ka yimid taaley ayaa isugu darmanaya, kaaga darane nafta iyo shaydaanku kaalay naarta iska gal ku oran maayaane qiil bay kuu samaynayaan aad aaminaysid inaad ku saxanta xoogaaga aad qaadatay, waana lagu hilmaansiin inaad iibsatay diintaadii, sharaftaadii iyo aakhiradaadiiba; waayo xoogaa shaah cab ah iyo shopping yara weeyaan oo saaxiibtinimo laguu siiyey ee laaluushii xaaraanta ahaa maaha!!.
Haddii mar wax laguu laabana waa af wax cunay xishoo, tan kale ilka doofaar sahansan buu ninkaasi noqonayaa oo mar dambe il laga faashan maayo waayo lax walba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa.
Gabagabadii naarta waxaa lagu hareereeyay wax naftu jeceshahay, jannadana waxaa lagu xayndaabay wax naftu necebtahay, lacag naareedkaan la isku baryahayana kama duwana malaygii sabtida ee reer banii israa’iil lagu jirrabay ee kuwii dabtay iyo kuwii ka aamusay la halaagay, kuwii ka joogsaday, dadkana uga digayna Alle badbaadiyey ee ragow yaan lagu dagmin naartaan lasoo meceeyey.
Qore: Axmed C/samad
Fafin Horseed Media 

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)