Sheekadii Shandaranlay oo Dhammays tiran

Unknown
0

Sheekadii Shandaranlay oo Dhammays tiran



“Waxay ahayd goor gabal dhac ah. Waxa godka shalam tidhi cadceedda oo
baradho u eg, kana gondo degtay oo caraabeheeda ku sii gelbiyey lingaxa
falaadho sagal guduud ah, dhulka laftiisa ayaa gucumada sagalka cirka ku
sharfay lingaxa galbeedna kaga suntay hariiryo sidbaaq guduudan.

Xilligu waa diriradii gu’nimo, oo ay laamaha dhirtu si layaab leh u leeg
leegsanayaan, cosobka tabaadi noqday caleentuna hawrtay ayaa dhulka
cadrisay. Jihada bari waxa dhirta baarkeeda ka soo fuuray dayax dhool
qarsaday, oo ka run sheegay suuradda lagu yaqaan bil saddex iyo toban
jirsatay, waana bisha loo yaqaan candhoqoys. Waxa isna I arka yidhi
xiddigga Xamar islegdey oo aalaaba xili roobaadka isku beega xundhurta
cirka. Raxan raxan caraabe ah, oo baalaley ah ayaa mashquul ka dhigtay
jiho kasta oo aad eegto. Ugaadha cawo darranta ka leedaynaysa iyo
duurjoogto kala nooc nooc ah ayaa hareeraha ka dhaafaysa oday goodaad oo
Salaad maqrib ku tukanaya bog-cad burciid xallani ku goglan tahay.
Oday goodaad salaamad-naqsi ka dib markii uu geesta bidix jaleecay ayuu
isha ku dhuftay nirgo dayrcad u badan oo afdhuubyaalaynaya meel qoor ah,
waxaana ugu horeeyey qurbac midabkiisu yahay madaw bacad ah, oo intuu
kurusku yuubmay nirgaha la shamal qaadaya neecowda macaan ee burcada
lebihawle. Goodaad oo aan weli ka kicin fadhigii salaadda, waxa kayn yar
ee oo u dhow qoorteeda kaga soo mudhyidhi wiilal yaryar oo go’yaal ka
waaweyn iyo hadhuub gaalo degta ku sita. Mid ka mid ah wiilashii
yaryaraa ayaa markiiba gartay koofiyadii goodaad, ka dibna xagiisa u soo
cararay isaga oo ku dhawaaqaya “Alla waa aabahay” wiilka yar soo
cararay, waa runtiiye Duqu waa aabihii waxay aabihii goodaad
ismooganaayeen intii geedaha gu’ la cunayey oo gaadhaysa muddo bil iyo
dhowr caanomaal ah. Goodaad waa oday dhako subagle ah, ganka cadina ku
cusubyahay, wuxuuna salaaddaa maqrib ee uu halkaa ku tukanayey usha ka
soo dhigay socoto hal maalin ah, oo uu kaga yimi reerkiisii. Goodaad,
wuxuu denbaabaa Reer weyne dad iyo duunyabo buuxa, wuxuuna leeyahay labo
ooryood, labadiisa aqalna kebduhu marna kama madoobaadaan ee goor walba
sidii geed saarbay uga lushaan.

Goodaad bahdiisa weyni, waa guri ay joogaan hablo nacfi badan oo aan
qabyada rarada isu dhiibban ee ay midwaliba gu’ga iyo jiilaalka dhowr
harrar baarka ka goyso, markaa kaalay arag inta caws duuban ee dhowaan
baarka loo tidcay ama loo jebiyey, raradu waa nooc-banooc, shanle,
toddobaadle, googoos, waaxyaale, isku joog iwm. Sidookale goodaad
bahdiisa yar, udbaha iyo loolka sibaaqu kama dhamaado, iyada oo ay
labada bahood, bah waliba leedahay kadin Adhi ah, oo aan meesina-meesi
lagu darin, ee mid walba gooni loo raaco. Goodaad, maalintii uu Reerka
ka soo socdaalayey, wuxuu la soo ballamay min-weyntiisa oo la yidhaahdo
kor-dahab, wuxuuna ku yidhi “naa hooy, xagaa iyo geelashii ayaan u
socdaalayaaye, intaan maqanahay reerka dayaca ka siiraba, Awrka rarayga
ah ee qooqanina yuu geelasha raacine dabarkaa la ogaada, wananka
sumallada ahna shakaalka la ogaada yaanay idaha sumal xaddine. Marwo
kor-dahab markii ay si dhug leh u dhegaysatay hadalka saygeeda ayey u
diyaarisay anfacadii uu ku safar geli lahaa, waxayna badhax ugu shubtay
sibraar, hilib sollay ahna waxay ugu riday kiish, ka dibna intay kabaha
subag u marisay ayey sahaydii u sudhay sammayda warranka, waxayna ku
tidhi “Alla haku nabad geliyee degsiimadu way kala go’antee haddii aad
caawa ka dhaxdo xerada geela kiishkaa gacanta geli, dhulkana libaax baa
lagu sheegaaye, jaylaaniga qabso, waataynu shaadaligiina karinaye”.

Markii ay kor-dahab intaa tidhi, ayuu goodaad ku yidhi nabadgelyo, ka
dibna wuu dhaqaaqey intuu kabtii suunka u xidhay, warrankii oo labo
shaysammayda u sudhanyihiinna degta saaray. Balse kor-dahab, mar kale
ayey hadal ka dabatuurtay, waxayna tidhi “inanka balayax wuu
arraddanyahay ee magaalada u soo dir callalo haka soo iibsadee”, ka
dibna waxay cabbaar sii milicsatay jaanqaadka goodaad, iyada oo qalbiga
is kala sheekaysanaysa, isuna miisaamaysa oo is barbardhigaysa faraqa u
dhexeeya talaabadii uu fadlin jiray ayaamihii aqal galkooda iyo
maalintaa oo soddon gu’ laga joogo aqal-koodii.

Talaabada goodaad ee is dhintay, kor-dahab kuma darin qiimaynteeda
gabow, laakiin waxay wax ka saartay maydhan oo ah, dangaladeed oo uu
goodaad kaga gogol cusbaa, walow minyarada lafteeda aqal-galkeedii waqti
badani ka soo wareegay. Kor-dahab, waxay weli baaqi ku tahay fir-kanax
masayr, oo markasta oo ay jaleecdo Aqalka tusmada bidix ka xiga, waxa
wejigeeda ka sindhiidhijiray curfi hinaase. Hase yeeshee inkasta oo uu
curfiga hinaasuhu kor-dahab, kaga naxsan jiray, hadana cabbaar ka dib,
labada dumar ah, ee isu dangallada ahi, waxay ahaayeen heshiis sheeko
wadaagna way ahaayeen. Oday Goodaad, socdaalka dhinaca geela laba qisdi
ayuu ka lahaa: inuu danbarka geela dhalay isku soo dacar bixiyo iyo
inankiisa currad oo doob ah, bahda kor-dahabna ah, inuu ku hiyi geliyo
arin guur. Markii uu salaadda maqrib dabadeeda ducaysanayeyna wuxuu
qalbiga ka lahaa Ilaahow gabadh khayr qabta ayaan kaaga baryayaa
wiilkayga. Goodaad, markii uu salaadda maqrib ka baxay waxa bogcaddii uu
ku tukunayey isku soo tuuray wiilkiisii yaraa ee ku soo cararay oo aad
ugu faraxsan.

Aabihii, ka dibna goodaad intuu wiilkiisii yaraa il kalgacal ku
milicsaday ayuu ku farxay sida ay caanaha geelu wiilka yar dhogortiisa u
wanaajiyeen. Goodaad wiilashii yaryaraa ee geel jiraha ahaa, ee ku soo
yaacay, wax hadiyad ah uma sidin, iyaguna ugama fadhiyin, waayo dadkii
hore ma aqoon nac-naca iyo xanjada sedka looga dhigo caruurta xilligan
joogta. Laakiin wuxuu wiilkiisa yar u siday kabo maas ah, oo cusub iyo
makiinad uu ugu talogalay inuu dhowr goor timaha kaga xiiro. Waayo
masuuliyadda ugu weyn ee waqtigaa Aabaha ka saanrayd inankiisa waxay
ahayd, cagaagga oo uu ka rabo iyo timaha oo uu ka xiiro si aan dullin
ugu dhalan. Meesha ay goodaad iyo wiilasha yaryari ku kulmeen, waxay
ahayd Duleedka xerada geela, ka dibna markii ay odaygii iyo inamadii
yaryaraa waxoogaa baarka isu salaaxeen ayaa lagu foofay sidii baylahda
loo dayactiri lahaa, sida Nirgo la xereeyo, xaabo la soo guro iyo
hadhuubbo la culo.

Walaw wiilkii yaraa ee goodaad dhalay aanu galabtaa hawl ka dhakowsiin
oo uu la shaamareersanaa aragtida aabihii oo uu ka uriyey jawi magaalo
iyo udgoon-udgoon, ilayn yarku muddo dheer ayaanu habeed geel mooyaane
wax kale urinne. Geeljirayaashu waxay ka koobnaayeen saddex raqam oo
kala ah doobab, kurray iyo xerojoog. Nooca xerojooga loo yaqaan, waa
kurray soo koraysa, waxaana laga keenay reeraha, iyada oo badiba la soo
kaxeeyo xilliga naqa, gu’ iyo Dayr, hadba kii la doono. Waxtarkooduna
kama badna dabka oo ay shidaan, Nirgaha oo ay ragga geela lisaya ka
celiyaan, shillinta oo ay geela ka guraan iwm. Yaryarkani, hadii ay
yidhaahdaan caanaha waanu ka dheregnay lagama yeelo ee waxa lagu
cabsiiyaa dhenged xoordhuug ah, habeenkiina waxa la seexiyaa Ardaa
debedda u furan si ay saxarada iyo kaadida ula tagaan banaanka ku dhow.
Inanka yar ee laga maqlo waan haraaday oo biyaan rabaa, waxa la
maroojiyaa dhegta, garaangariyo hadal naxariis lehna nin ku yidhaahdaa
xeradaba uma soo hoydo. Wiilka yar ee jil-jileec lagu arkaana waxa loogu
yeedhaa naanayso ay ka mid yihiin habari korisay, Adhimaal iwm.

Wiilasha yaryar si loo carbiyo, waxa lagu odhan jirey, marka geelu dhalo
mandheertiisa ku dul boodbooda, waxayna arintaa iyo kuwo kaleba ka mid
yihiin tacliinta iyo tababarka lagaga baxo Dugsiga Hoose ee cilmiyada
Reer Geeljire. Galabtii goodaad yimi ayaa markii hadhuub gaalladii
culaygii lagu midiiday, ee cidaadda lagu masaxay, waxa lagu foororiyey
dhulka. Nirgihii edegga ku jiray, ayaa mar qudha yuus cirka isku
shareeray, iyaga oo u hal celinaya Reenka, tulud meel durugsan ka soo
ololaysa. Markii la maqlay reenka ka soo yeedhaya ayaa la iska gartay
inuu galyankaasi yahay hal tilmaaman oo loo yaqaan Gobaad. Hashaas oo
maalmaha kareeb cusub ahayd, intay mudhayo iyo maajeen hawrtay, uurka ka
dhaamisay ayay labada gelin, kii horeba afka dhulka ka daysay maalin
oodhan kurraydu juuda-hayeen, darar awgeedna ibo dilaac qarka u saaran.
Kadibna intay candhada gorof legedka ku haynkari wayday, hadba gollaha
dhinac uga tuuraysa, oo ay dambeedadu hibitiqayaan, caanaha gororkooduna
sibraha qooyey.

Ayaa kurraydii oo daallani casar dheere ka hor leexdeen. Ka dibna iyada
oo aad mooddo soddon qad loo horray Darka ceelkii xunbo weyne ayey
cagaha soo Boorimaysatay, halkaas oo ay geelii kale ee eeridhabanka ahaa
sidii eebo la riday soo dhex mudhay. Gobaad markii ay soo gaadhay
xeradii ay ka fooftay, waxay luqunta u ridatay Edeggii Nirgaha, ka dibna
waxay ursatay Nirigteedii. Cawaysinkii markii ay geelashu xeryaha ku soo
dhamaadeen, waxa markiiba loo diiriyey gaawayaasha, waxaana halihii ka
reebka ahaa loogu hor godlay goobaad, oo aanay suurogal ahayn in hal
kale laga hor godlo. Goobaad, waa madi is-nacday, waxaana la isu dabo
joojiyey labo hadhuub gaal oo mid walba mar lagala hoos baxay, isaga oo
xoorku sida koofiyadda isu taagay. Goodaad, wuxuu dhex galay xerada
geela horweynka ah, isaga oo dheehanaya geshiga ka muuqda dhogorta
geela. Baarqabka geella oo dhibidu caaryeysatay ayaa sida danabka uga
sanqadhinaya doobta. Awrka baarqab waa ina qoton, waa neef muuqaalkiisa
laga cawdibilaysto oo sida heego daruur ah, cirka jeex kaa qarinaya. Waa
neef marka uu dhoollaha is mariyo sida ciyowga ugaga dhawaajiya
miciyaha. Hadii uu doobta ridona waxa dhulka ka hinqada haadda iyo
shimbiraha, taas oo uu kula baxay naanays caan ah oo la yidhaahdo
goray-kiciye. Awrkii goray kiciye, markii uu geela ku dhex arkay goodaad
ayuu khoof muujiyey oo uu dhoosha ka jiriqsaday, dhibidana dhabarka saaray.

Goray kiciye markasta oo uu doobta ka cisiiyo, waxa goojo la amaara,
qaalmo badan oo uu tiftii gu’ga jeeniga mariyey, ka dibna abaaho qaatay.
Baarqabkii goray kiciye, wuxuu habeenkaa ku cadho burburay Duq
abaahoqabsanwayday oo geelal kale ka soo wareegtay. Markii geelashii
laga hadhuub dhigay, waxa la isugu yimi golihii geela, oo kash-kaash
sida furaashka loogu goglay. Ka dibna waxa loo dooyeystay waraysi,
waxaana warka laga toomiyey oday goodaad oo socoto ahaa, iyada oo uu
hadalka ka guurayey, nin la yidhaahdo Gaax-nuug oo ka mid ah ragga
geelasha hayey. Oday goodaad, waxa warka lagaga guray jawi xasiloon,
wuxuuna hadalka ku bilaabay “Nimanyahow la idiin warran, Anigu saaka
subixii hore ayaan kabta ka soo illaday reerihii oo yaal meesha la
yidhaahdo Adaadaxa lafcaryaale ee ka sii rogan teedka Cawl ku dhal.
Arladaa dad iyo duunyo wixii joogay way nabadgelyo qabeen, tigaadda
gu’guna ma seegin, geedka adhi la yidhaahdaana,

wuxuu raafka kula dhiriqda gunimo, naylahana qaadhka lagama saarin.
Hadii eebe kuu roonyahay dhulkaa aan soo maray udubka reeruhu ma soo
gaadhin, nimcaduna ma kala go’na oo ma jirto meel aanad cagta ka
dhowrayni. Aniguna tilmaanta xerada ayaan hayey oo waan ku soo tibaday,
oo galabtaba waxaan ku tukaday duleedka xerada”. Gaaxnuug oo oday
Goodaad warka ka guraya, ayaa jiibta haya oo leh “waa kow”.
“Socotadayduna ma ahayn mid idin kama shishaysa, warna waa iga intaa
waryaridaa, warran weriyo meel kale ka timina ma ogi, wax waydiina
ogaal, waa sida” ayuu Goodaad ku soo afjaray warkiisa. Gaaxnuug oo warka
ka guraya oday Goodaad, ayaa yidhi “warkaa meelmar adiga iyo
waalidkaaba, Alle ma cadaabo”.

Intaa markii la isdhaafsaday ee Goodaadna looga waramay xaaladda
geelasha ayaa sheekooyin googoos ah, la isu dhiib dhiibay. Goor ay
cawaysin dambe tahay ayaa la durduurtay caanihii lista ahaa oo hadhuub
gaaladii ku ceegaaga. Hase yeeshee Goodaad iyo wiilkiisii Balayax waxay
isula faq baxeen ardaa gooni ah oo qoryo maaci ahi ka hulaaqayaan.
Balayax, waa wiilka wiilasha Goodaad u weyn, waana 18 jir, intiisa ku
muddakar ah, wuxuuna la dhashay toddoba hablood oo qarkood guryo
leeyihiin, qaarna weli timo tidcan yihiin. Balayax waa wiil la
jecelyahay, oo ay dhaarta ugu dambaysa ku maraan hablaha la dhashay,
waana ninka kadinka geela ah, ee Reer Goodaad u go’ay, ee kayn daaq leh
iyo kob dureemo lehba daajiya. Habeenkaa markii ay Goodaad iyo wiilkiisu
iswaraysteen, oday Goodaad uma sheegin Balayax inuu ku camal jiro inuu
sannadka guursado. Isaga oo Balayax jeclaa inuu aabihii ka taliyo
Arrinta guurikiisa. Waayo Balayax, wuxuu sidaa u yeelayay maadaama uu
yahay bahda weyn, oday Goodaadna minyaro bilcamay, waxaa meesha yaalay
hinaase baheed, sidaa awgeed, wuxuu Balayax door bidayey inay arrintu
xagga odayga ka timaaddo.

Dhinaca kalena, waxa jirtay haar damqanaysay Balayax, oo nabar caashaq
labo jirsaday hurgumo (caabuq) ku soo kicinayey. Waayo wuxuu xusuusteeda
ka lediwaayey gabadh cudbi la yidhaahdo, oo ay dayrnimadii ku ballameen
inay isguursadaan marka ay hoorto dhibicda u horaysa ee gu’gu. Hase
yeeshee werwerka iyo walbahaarka Balayax ku foogani waxa weeye, iyada oo
curashadii gu’ laga joogo bil iyo habeeno, oo ay ballantii muddo
dhaaftay, gabadhii cudbina aan war dambe lagu celin. Goodaad, illayn waa
nin maanta oo dhan socod ahaaye, intuu dabka dhinac u banneeyey ayuu
hurdo lac yidhi. Hase yeeshee Balayax wax baa ka hugmayey oo hurdada
kala tacaalayey, waayo waxa ku rafanaysay xusuusta gabadhii uu jeclaa,
ballantii oo muddo dhaaftay, waxa u muuqatay cudbi oo raagsatay oo nin
kale la baxay. Waxa kale oo talada Balayax sii cakiray qabiilkiisa iyo
qabiilka Cudbi ka dhalatay oo colaadi dhex martay, dhowaana ay dilal
cusubi ka dhex dhaceen oo ay aano cusubi dhextaal, sidaa awgeed labada
qolo isma bixinayaan, balse Balayax Cudbi waa jecelyahay.

Ma jiraan, waqtigaa waraaqo iyo telefoonno la isu diraa. Afkiisa
mooyaane, af kalena amaano uma galo. Haduu doonaanla Cudbi Reerahooduna
Balayax arkaan, lagama yaabo inay bixyaan, waayo Daanno weyn baa kala
dhex miranaysa labada qolo. Hase yeeshee Balayax ma aha nin ka negaanaya
meel kasta oo ay Cudbi joogto. Goodaad, markuu hurdada sardhadii hore
iska rogay wuxuu arkay Balayax oo fadhiya oo dhulka xariiqaya, kadibna
Goodaad, wuu yaabay, dabadeedna intuu soo sare fadhiistay ayuu yidhi
“Aabo maxaa ku helay oo aad la seexan wayday”. Balayax hore uguma
jawaabin odayga, ee cabaar ayuu aamusnaa, waxaana qalbigiisa ku soo
dhacay ereyo gabay ah, oo uu dareenkiisa kaga turjumayo inuu guurdoon
yahay, wuxuuna holladay oo yidhi tixdan gaaban

“waxaan aabo tebayee,
hurdada iga talowsiiyey,
waa taa gadhkii teedyar iyo
timo ka muuqdaane,
tu’yar oo halkeer joogta,
baan taab isleeyahaye,
jeeroon targaafaha ku tago,
teedka qudhacweyne,
timodheerta aan rabo
anoon tuuyo kula loolin.
Hurdo iima taallee,
maxaa adi ku soo toos-shay”.

Goodaad, markuu tixdaa gabayga ah, dhegaystay ayuu isaga laftiisu
godladday, oo uu isna gabay ugu hal celiyay, wuxuuna yidhi:

“haddii Balayaxow timo yar iyo teedku kugu meero,
wiilyahow “Hadaad, telaledood gabadh ku taamayso,
inaan aabbo taban-taabiyaa waa tu waajiba’e.
Gaafkaaga inaan tiiriyoo, tiirsho garabkaaga,
taakulo inaad iga heshaa waa tu’aan rabo e
aabbo anigu waan kula tabciye qaado taladayda.
Taxaashkiyo hadaad tamashle guur, teedka sare gaadho
dumar kala taggane Balayaxow iga tilmaanqaado.
Kol hadday talaabada, sidii tugulo luudayso,
tartarada hadday muujisoy toban dhexqaadayso.
Tamar malaha oo waa mijo cas aad u taag darrane.
Aabow, ha tooyanin hadaad talo iwaydiisay”.

Markii ay Goodaad iyo wiilkiisa Balayax tixahaa gabayga ah is
dhaafsadeen ayey Golaha timi arrintii odayguna la seexday, wiilkuna ka
gam’i waayey, ka dibna markii ay sheekada cabaar gorfeeyeen, waxay isla
garteen inuu Balayax guursado. Dabadeedna Goodaad baa yidhi “aabo
shaydaan wax la yeelye, waxaad yeelaysaa, subaxa aroorta ah, laga
bilaabo hawshii guurkaaga kabta u illo, salaadda horena baqool, reerkii
iyo hooyadaana sii mar, Awrka madow ee rarayga ahna hogaan sudho oo
iibso, ka dibna waxna magaalada kaga soo muraadso, waxna jiscin ka
dhigo”. Balayax, inkasta oo aanu kaarku hawlyaridaa kaga ba’ayn, ayaa
iyada oo ay hurdadu waxoogaa u yara dhadhamayso dhinaca dhulka dhigay oo
yara laabandoodsaday. Ka dibna subixii intuu sibraar weyn caano ka
dhaansaday ayuu baqoole cagaha boorimaystay, isaga oo waxoogaa jarmaado
ah, ku dhuftay. Subaxaa Dhirta dusheeda waxa ku qotoma sayaxii
aroornimo, dhulka oo gadiisuna waa dharab ciid qoyaan leh. Jaqaqarida
iyo geed caleemeedka hawray Waxa dushooda ku qotoma dhibco biyo ah oo
aad mooddo inay ilmo ka gobo leedahay. Hoostoodana waxa subka marab
tigaada ka malan da’ay. Waxa dhulka ku gedfan.

Dhulka waxa ku gedfan qiiq midabka ceeryaamada leh, waxaadna dareemaysaa
cimilo degan iyo jawi diirimaad leh. Kaymihii iyo Arladii tigaadda
lahayd ee uu salaada hore dhex jibaaxayey, ayaa cidh-baha ilaa kubabka
qooyey. Kadlaynta iyo kaynaan socodka Balayax wuxuu ahaa mid saayid ah.
Dhul maalin socod lagu gaadho, ayuu Balayax u socday maalin gelinkeed.
Markuu cagta soo dhigay jiiddii reeraha loogu tilmaamay ayuu jaanta yara
dhimay oo sawaxanka degmada yara nuugsaday, kadibna wuxuu maqlay luuqda
dhawaaq muddo dhegihiisa ka raagay. Waa cod Dumar oo naaxiyad leh,
codkaas oo ay maqalkiisa si isdaba joog ah, hirarka laydhu isaga soo
dabotuurayso. Dhawaaqaasi, wuxuu lahaa “Barranbarshaaleeyey, Buul
shareeraay, ma maantaan bah kuu helay. eedba geedka u dheer laga
garaacyey, galool mudhay mulaaxdiiyey”. Balayax wuxuu markiiba gartay
inuu codkaasi yahay gashaanti la dhalatay, oo walaashii ah. Taas oo wax
ka luuq cuddoonayd oo markay afka kala qaaddo sida fardaha u dannani
jirtay. In yar ka dibna wuxuuba soo gaadhay dudadii gurigooda,
dababdeedna hore uma gelin Aqalka ee wuxuu ku leexday qudhac Damal ah,
oo ku yaal duleedka guriga. Geedka damalka ah, waxa hoos fadhiyay raxan
dumar ah. Waxayna dareerinayaan kebed samaynteeda farta lagu hayo.
Kebeddaa oo ay unugtay gabadh ina Goodaad ahi, waxay ka mid tahay rarada
loogu talogalay guurka iyo Aqal-galka Balayax.

Dabadeedna wuxuu Balayax salaan gacmo taabasho ah iyo bariido
kalgacaltooyo ku dhameeyey rag iyo dumar, caruur iyo waaweyn, wixii dad
gurigooda joogay. Goor ay cawaysinkii habeenimo tahay oo naylaha idaha
loo dhigayo, ayuu Balayax Hooyadii Kor-dahab ku wargeliyey inuu aabihii
Goodaad u ogolaaday inuu guursado. Hooyo Kor-Dahab arintaa riyaaq iyo
raynrayn bay ku ansixisay. Ka dibna Balayax iyo hooyadii Kor-dahab,
waxay gudogaleen fallanqayn ku saabsan Reerkii lagu hagaagi lahaa iyo
inanta la tuhmayaa, ta ay tahay. Hase yeeshee Balayax Cudbi iyo sidii uu
u heli lahaa mooyaane, madoonayo inuu gabadh kale iyo sheeko kale waqti
iskaga lumiyo. Balse Balayax kuma yaaliin carrab iyo labo Dibnood, oo uu
ku yidhaahdo, waxaan doonayaa Cudbi iyo reerkooda. Haddii lagu maqlona,
waa la dayrinayaa, waayo labada Reer dirir mooyaane, doonyeysi guur kama
dhexeeyo.

Kor-Dahab iyo wiilkeeda Balayax waxay wada fadhiyaan ardaa ku yaal
qol-qolka oo ka garab dhisan Aqal-kooda. Kor-dahab, iyada oo wiilkeeda
uurbaadhanaysa, ayey intay ku soo dhawaatay oo garabka midig gacanta ka
saartay, waxay hadal kaftan ah ku tidhi “Hooyo, horta miyaanad hablaha
la haasaawi aqoon, weli inanna afka ma u kala qaaday, oo ma lahaasowday,
takale gabayada iyo maahmaahaha, sidee baad isku tihiin. Ilayn ninka
ammuumiyaha ah, haweenku uma soo joogsadaan, oo waa tii hore loo yidhi
Nin aan hadlin habartiina wax ma siiso’e”. ka dibna Balayax, intuu
dhoola caddeeyey ayuu yidhi “Hooyo gabdhaha iminka joogaa ma maahmaah
iyo gabay inay u baahanyihiin baad moodaysaa, waa loo gacan haadiyaa, oo
way ku soo raacayaane”. Kadibna Kor-dahab, intay afka gacanta saartay
ayey tidhi “waar aniga ha ii soo kaxayn, kuwaa gacan haadiska ku
imanaya, sow hadhowna gacan haadis kale ku dhaqaaqi mayso, maxaad taa u
odhanaysaa, hablo badan oo dhisan karaya, oo dhaqan karaya ayaa dhulka
buuxee, miyaanad arag hablaha gashaantiyaha ah, ee reerkan agteenna ah
bal orda oo intaad inaadeerkaa is-raacdaan gaadha, weliba buulyar oo
gaar ahna way leeyihiin”. Markii ay Kor-dahab iyo wiilkeedu kaftan
dhamaysteen, ayuu Balayax soo jeediyey in horta inta aanu gudo galin
jiidaasha guurmeernimadiisa, uu u baahanyahay inuu magaalada u muraadsi
tago, Awrna uu Reerka ka kaxaysto. Kor-dahabna arintaa hadal kama soo
celin ee waxay tidhi qabuul. Balayax iyo Coolli, oo inaadeerkii ah, ayaa
cawaysinkii ciyaar gud u baxay, ka dibna waxay afka saareen jihada Bari
oo beesha mugeedu u badan yahay.

Qoodh iyo xero, markii ay sawaxanka Reerka ka libdheen ayey geed cufan
dugsigiisa fadhiisteen, dabadeedna waxay sanqadh dhegaysteen sacab iyo
sawaxan ciyaareed. Dhaqdhaqaaqii ayey joojiyeen, dhegahana laydha ayey
la raaceen, cida adhyaha, qaaqda orgida qooqan, dananka Naylaha iyo
sawaxanka xoolaha ee hareerahooda ka baxaya ayaa cabaar dhegahooda
mashquuliyey. Hase yeeshee, waxoogaa ka dib, waxa dhegahooda ku soo
dhacay codka iyo ciyaarta saarayda la yidhaahdo, oo meel daaqsin Geel
jirta ka balwanaysa, kadibna markii ay hubsadeen inay ciyaar tahay ayey
labodooduba, halmar yidhaahdeen “walaahay waa baxaysaa”. Kadibna inta la
kaakacay oo afka la saaray jihadii ciyaartu ka baxaysay ayaa dhababaco
dhegaha la nabay. Kadle iyo kabti, waxay kaymaha cufan ku sii dhex
jibaaxaanba, oo ay dhawaaqa iyo jiibta ciyaarta, kolba laydhu ku
beerqaaddo, waxay ku soo baxeen golihii habeenkaa ciyaarta saarayda loo
butaystay oo laga weegaaray kax banaan. Waa afar iyo tobnaad, intuu
dayaxu mudh iyo gacan iska dhigay cirka xuduntiisa isku beegay, oo ay
falaadhaha iftiinkiisu, arlada dharaar ka dhigeen. Waxa gigida ciyaarta
isku arkay dhalinyaro jibbada iyo balwadda ciyaarta saarka u suuqmay oo
ka soo kala dareeray guryo caanaha gadhoodhka iyo maydhanaanka ahi
furarka ku qotomaan, ciirtana la daadiyo. Golaha ciyaarta, waxa sida
faraawilka ugu heemaallan qaanso gabdho ah, oo intay sararta iyo garbaha
isa saareen, raxlada jaanta iyo kaga dayaaminaya, oo aad jaanqaadkooda
moodo mowjado badeed oo haraaciyaya. Intaa waxa dheer, luuqda sida
fardaha u dananaysa, iyada oo aanay marna isla waayeyn jaanta cagta,
jiibta codka iyo jamaldhowga sacabka.

Waxa Golaha Ciyaartan saarayda ka dhex haloosiyaya wiilka qalambaawiga
ah, ee markuu ku dhufto hoobayda, ay luuqdiisa gabdho daayoo, islaamaha
tukubaha sitaa usha soo qaataan, waa qawdhan yare waa marka ay xaraaradu
cirka gaadho ee ilma ciyaar yaqaan usha lagu kala hore. Balayax iyo
coolli, markii ay ciyaarta qoobka ge.liyeen, waxa dhexdooda ka rablaysay
timo dheer gabadh ah, oo agmarkeeda naftu ku raaxaysanayso, guudkeedana
sumbulo ka duulayaan, lamase aqoonsan reerka ay ka soo baxday ama ay ka
soo cayaar guddey!. Balayax oo Eebe hibo u siiyey luuq baxsan oo marka
uu ciyaarta ku qaadayo hablaha sida caanaha ciirta loo lula u lusha,
ayaa ciyaarta jeeniga geliyay, oo ku dhuftay luuqdiisii coddoonayd,
waxaana erayadii uu ku dhawaaqayey ka mid ahaa “Hoobey, hoobey, hablow
weli qaadka maan baran, ragga qaayib iyo laan, qolmadoobe iyo hawd, qawl
daajiyaan ahay, caawadan qudheedana, anigoo maryaha qubay, qab idhoon
hurdada ledday, ayaa qaraxa sacabkiyo, qalaadkiinu ii baxay. Hablihii
Qaali iyo Qamar, qorshe iyo ugaaso cad, qalbigaa idin doortee,
qaayibaay, nabad ma sheegteen qoyskiinu waa kee?” Ka dibna markuu
Balayax intaa yidhi, waxa u jawaabtay Bullo gabadh ah oo tidhi;
“Caliyow, inaadeer, ciddu way nabdoon tahay, colka dhiigga daadshiyo,
caarodhuubi may dhicin, cudurrada wax laayiyo belo culus ka yaasiin”,
gidiga habeenkii waxay dhalintu jiibta iyo sacabka isu baacisoba, markii
uu waagu hoosta ka soo guduutay ayaa lagu kala dareeray ciyaartii.

Goobtii Dirrida ahayd na waxay u ekaatay gel-gelin boodh leh, cago
habaas leh, ayaa lagala dareeray. Habluhu iyaga oo koox koox ah ayey
intii isku degsiimo dhawaydba jihadii guryahoodu ka xigeen u dhaqaaqday.
Hase yeeshee, raggu, ninna ma aadin jihadii gurigoodu ahaa ee nin waliba
wuxuu ka dabo dhaqaaqay gabadh meel martay, si uu inta yar ee habeenka
ka hadhay, ereyo ula gaadho. Balayax iyo Coolli, waxay jaqaftii horeba
feedha ka raaceen afar hablood oo meel wada maray. Afarta hablood waxa
ka mid ah, gabadh la yidhaahdo Canab, oo ay Collaadda ka hor isku ogog
lahaayeen Cudbi. Labadii wiil, waxay soo qoortaanba waxay gabadhii Canab
ku soo gaadheen dugsi u dhow gurigooda, ka dibna halkaas ayey Balayax
iyo Canab, waxoogaa isku muteen, markii waxoogaa jikaar iyo haasaawe
dhalinyaronimo oo googoos ah, la isu dhiib-dhiibay ayaa aakhirkii
Balayax badheedhihiisa dhiibtay wuxuuna ku tiraabay “Inanyahay waxaynu
joognaa xilli xun, waynuna daallanahay, muraadka ugu badan ee caawa ikaa
soo raaciyey, waxa weeye, waxaan warkeeda doonayaa inantii Cudbi ee kal
hore sheekadu noo socotay, maxaad war iyo wacaal ka haysaa, reerkoodiise
meel uu yaalo ma garanaysaa”.

Canab intay hogatay oo dhexdeeda madagta ah, gacanta ku cuskatay ayey
tidhi; “Horta inanta aad iwaydiinaysaa ismaan lahayn, way isu
baadiyoobaan, waxaase igu maqaalo ah, inuu reerkoodu ka mid yahay beesha
degan idhanka xuunshaale, inankoodii weynaana, Colaadii dhowayd ayaa
gaade lagu dilay, balse ismaan lahayn Balayax waxbaa ugu baaqi ah, Cudbi
iyo reerkooda, iminkana waan hoyanayaaye, Alle baadida hakuu soo dhoweeyo”.

Balayax wuxuu tashigiisii maalintaa ku gaadhay go’aan adag, oo qof dookh
caashaq la ibtiloobay mooyaane, qof kale jar iska xoornimo ula ekaanaya.
Wuxuuna go’aansaday wax kasta hakala kulmee, inuu subaxa aroorta ah,
afka saaro jihada ay Cudbi ka xigto. Sidaa awgeed awrkii uu sayladda
Hargeysa ku waday wuxuu kaga tegay Reer Tuulada uu u hoyday agyaal oo ay
qaraabo ahaayeen, wuxuuna ku yidhi; “Awrka seeto adag ku xidha beertana
ha daaqo, labo habeen baa idinka maqnahaye”. Ka dibna wuu dhaqaajiyey,
socodkiisu wuxuu ahaa mid jar iska xoornimo ah, oo uu ku beegsanayo
halka ay degan yihiin Cudbi beeshoodu, “Nin Cudbi ka maqan tahay
dhiirranaa” ayaa qalbigu ku xanshaashaqayay, jidka uu marayaa fogaa oo
cabsi badanaa, Balayax wuxuu afka saaray ay jiq ah, oo ay kaga horeeyaan
dad cadow u ah, oo hadii ay arkaan aan bixinayn, waxa kale oo ka horeeya
cadow dugaag iyo kaymo libaaxu awda ka hayo, iyada oo aarka kaymahaa
jamal dhabanayaa ka badan yahay ayaxii wartimire, balse Balayax, waxaasi
uma muuqdaan oo arinkiisu waxa weeye “Nin meeli u caddahay, meeli ka
madow”, cidna talo ma waydiin ee hortaa banaan buu isaga dhaqaaqay.
Baxdo iyo dhacdo, gidiga maalintii wuxuu ku jiray gucle iyo talaabadheer
fadalku dabo yaalo, xiiq tirashona iskuma deyin, degsiimadu waa kala
go’an weliba col joogeen ah, halka uu ka yimi iyo halka uu ku socdo dab
uma dhexeeyo, wuxuu fadliyaba goor habeen badh ah, ayuu hulaabtay go,
madow oo uu tuurta ku sitay, halkaas oo qiyaas ahaan kala badh ah halka
uu ka yimi iyo meesha uu ku socdo, waxaana weeye kayn cidlo ciirsila ah,
oo ay sabaana nuux dad iyo duunyo ugu dambaysay.

Habeenkaa ciyawoga wiiqda haya, jiriqaaga dhiidha haya iyo sawaxanka
shimbiraha hareerihiisa ka shallaadaya ayaa wehel u ah. Balayax,
habeenkaa socodkii kama jimcin, wuxuu ku talo jiraa inuu nuska hore ee
habeenka ka gudbo soohdinta libaax galeenka badan. Balayax, ma ahayn nin
fulinimo lagu yaqaan, oo libaaxa ka baqa, habeenkaana wax hub ah, toorri
buu sitay farolaabna waxa u ahayd, dhenged baarka hore feedhan. Waayo
sida uu socdaalka ugu doqomaysan yahay ayuu hubkana nacas ka yahay.
Libaaxa meesha uu marayo ku nooli, wuxuu libaaxyada jiidaha kale, ku
nool dheeryahay waa Libaax dhadhamiyey hilib dad, oo wuxuu ku hororoobay
colaado ka dhacay jiiddaa, oo uu hilibkooda cunay maydadka, raggii ay
iska laayeen labada Col; Balayax, wuxuu saqda dhexe jeerrinka iyo
qansaxa jilibka ku dhuftaba, mar qudha ayuu meel dhabarkiisa ku beegan,
kamaqlay sanqadh iyo ci siba’an u hanqaadhaysa, ka dib ninkii Balayax,
waxa kor iyo kal isku jebisay jidhiidhico ba’an dareen cabsiyeed ayaa
isku gadaamay, xaadda jidhkiisa ayaa isla oogsatay, xubin kasta oo
jidhkiisa kamid ah, waxa siidhi ku wargeliyey dareenka cabsiyeed ee
saaqay. Kubabka ilaa gacmaha waxa ku baahay firka nax cabsiyeed, garaaca
wadnihiisa ayaa feedha bidix ka rugle, garray wuxuu inuu libaax yahay.
Mar kale ayuu maqlay sanqadh tii hore ka yar oo u dhawaaqaysa
(Fuu-Fuuf-Fuuf). Waxa weeye aar Libaax oo raadkiisa sanka la raacaya,
waa bahal mamay oo uu hilibka dadku u soo hillaacayo. Balayax, cabsidii
ayaa ku siikorodhay, ka dibna orod buu miciinsaday, libaaxii awelba orod
buuku jiree, isna wuu eryaday.

Hase yeeshee, Balayax, habaq-habaqdii orodka ayuu xusuustay tabihii
libaaxa la isaga difaaci jiray. Ka dib go,iisii ayuu hudhunka gacanta
bidix ku duubtay, wuxuuna ku leexday guri madhan oo laga guuray,
dabadeedna markuu arkay inaanu si kale ku baxsanayn ayuu geed oodda guri
caska laga guuray ku dhexyaal degdeg u koray. Libaaxii isaga oo
goojinaya oo balayax raadkiisa sanka ku haya ayuu dhakhso u soo gaadhay
balayax oo geedkii sii koraya, ka dibna cidiyaha ayuu la haabhaabtay,
isaga oo gurxamaya, laakiin Balayax wuu ka baxsaday oo ma gaadhin
libaaxii, ka dibna intuu geedkii dhakada uga baxay ayuu rako yar badhida
saaray, gacmahana labo laamood oo kala durugsan ku kala cuskaday.
Libaaxii intuu indhaha kor u laliyey, afkana kala waaxay ayuu geedka
hoostiisa istaagay. Belaayo, kolba ta dambe ayaa darane, Balayax, oo
geedkii fuushan oo is leh, belaayadii waad ka badbaaday iskanaeegaya
inuu libaaxu ku soo boodo, ayuu hadana maqlay sanqadh kale oo geedka
gebigiisaba wada ruxday, wuxuu maqlay shamamax, ur aad u qadhmuuna waa
uriyey. Kor buu eegay, saa wuxuu arkay bahal mas ah, oo dabadu orgi
le,ektahay oo madaxiisa balaadhka aad yaabto, oo intuu laan kale kaga
soo gudbay gacantiisa soo dhaafay, aadna u miliqsanaya oo galaabi xiniya
carrab labo faraarle ah, oo aad xadhig moodo. Waxa labo iyo luqun
modoobe aad u dhalay oo geedkaasi hoygiisa yahay, gurigana reerkii
degaaba uga qaxay. Ninkii Balayax dhidid buurbuuran ayaa shax ka soo
yidhi oo tin iyo cidhib qooyey. Ka dibna intuu balayax indhaha galka ka
rogay, oo afku in taako le’eg kala tegay ayuu gacantii masku ka soo
korayey si degdeg ah, kor ula booday, isaga oo qaylinaya oo firka
naxsan, ayuu luquntii maska gacanta si xooggan ugu daafadeeyey,
dabadeedna maskii ayaa dhulka u dhacay.

Culayska masku qof buu miisaan le’eg yahay, ka dibna meel Libaaxii u
dhow ayuu gab ku yidhi, dabadeedna Libaaxii ayaa mooday ninkii geedka
fuulay oo soo dhacay, ka dibna ku soo booday. Maskii iyo Libaaxii oo mid
waliba cadhaysan yahay ayaa geedka hoostiisa daf is yidhi, Libaaxii
wuxuu bahal qaniinyo ah ka buuxsaday adhaxdii maska, balse maskii ayaa
isna miciyihiisii waabayda lahaa ku arooriyey dhegtii libaaxa. Ka dibna
sidii ay isu haysteen ayey labadoodiiba naftu iskaga dul baxday. Balayax
naxdintii ayuu ku qalalay laan geedka ka mid ah, welina cabsidii kama
hadhin, waayo wax jawaab ah kumay soo celin oo ma oga inay labadii
bahalba dhinteen. Dabadeedna habeenkii oo dhan, wuxuu ku tigtignaa
geedka dushiisa, wuuna arkayey inay bahaluhu isku maran yihiin.

hablo wadaan awrtaas oo alaabo benderka weyn laga keenay lagaga soo
qaadayey meel tuulo ah, ka dibna Balayax awrkii buu ku xidhiidhsaday.
Habalaha awrta wadaa way geeraarayaan, waxayna leeyihiin; “waar
cadaawe-cadaawow, waar cadaawe halyeyow, Alla xaluu tiir ku xidhnaayoo,
alla shaluutaagan ahaayoo, Alla maanta waa tub ku joogeey, ululu- lulu”.
Luuqdaa baxsan iyo mashxaradaasi, waxay Balayax ka mash-quulisay su’aalo
uu jidka isku sii waydiin lahaa, waxayse Balayax iyo awrkii Dhiddar,
wadadu ku saddex noqotay, markii ay gabdhihii iyo xidhiidhii awrta
ahayd, u leexdeen tuuladii ay ku socdeen.

Waa ma dhacdo inay qalbiga Balayax ka tasowdo xusuusta Cudbi. Markasta
iyo meel kasta Ayaaniba ayaan ka tilmaamane, wuxuu Balayax xusuustay
xilligii hore ee uu haasawahoodu toosnaa, sidaa awgeed wuxuu socodka ku
xusuustay, goor casar gaaban ah, oo ay isaga (Balayax) iyo wiil kale ay
ku soo cadceedsadeen Cudbi iyo gabadh kale oo kayn aftoollin ah, ka
guranaya cawska loo yaqaan timo hableedle iyo caws garaf, oo ah noocyada
lagu sameeyo harrarada quruxda badan. Labada hablood, waxay dhexda ku
xidhan yihiin foodado aboole ah. Cudbi waxay lebisan tahay, toob garbo
banaan, mindi yar ayey kolba bur ku goosanaysaa, oo sidii goray
qadhaabsanaya ayey kolna dhulka ku foorarsanaysaa, kolna kor uga
toosaysaa. Cuddoonaanta Cududaha, xiisaanka abaadhyaha ee luqunta ku
xardhan iyo qosolka xishoodku ku dheehan yahay, ee Cudbi ayey galabtaasi
noqotay, galab ay xusuusteedu ka hadhi wayday Balayax, waxayna ku
noqotay arrami ugu soo kacda sida qaniinyada abeesada, waxbase uguma
jilla hadii uu maalintaa gebi kala dhexyaalo, isaga (Balayax) iyo Cudbi
balse qadarkaa xusuusta ah, ayuu ku dhaafay masaafo balaadhan. Mar danbe
ayuu sidii qof dheelalawsan madax kor u qaaday, dareenka wajigiisa ayaa
kalgacayl la dheellintay, ka dibna waxa labadiisa indhood ka soo qabax
yidhi baro waaweyn oo ilmo ah. Hadana inta uu keligii isu dhoolacadeeyey
ayuu hareeraha eegay, mise wuxuu marayaa Tuuladii uu caawa u sii hoyan
lahaa afkeeda. Balayax, weligii wuxuu aad u jeclaa inuu mar uun magaalo
weyn tago, isagoo lacag awr-gool ah la siisto sita, wuxuuse maalintaa ka
jeclaa inuu cudbi mar qudha arko.

Balayax wuxuu islahaa Libaaxa iyo masku iyagaa isku mashquulsan, oo
hadii aad isdhaqaajiso way kugu soo baraarugi doonaan sida awgeed,
sanqadh neefsasho ka badan wuu iska ilaaliyey habeenkii oo dhan,
qalbigana wuxuu iska lahaa “Ilaahow colkayaga colku furo” waxa kale oo
uu hoos ugu xanshaashaqayey “Alla maxaa kugu soo watay, geedkan jaan, ee
aad dhirtaa kale u fuuli wayday” ayuu naftiisa ku canaanayey.
Balayax,wuxuu habeenkii oo dhan geedka dushiisa ku tig-tignaadaba,
markii uu kaaha waaberi soo iftiimay, ee nin iyo geed lakala gartay ayuu
hoos u soo yara daadegay, oo isha ku biniiniyey labadii bahal oo geedka
hoos jiifa, shakibaa kaga jiray inay bahaluhu nool yihiin iyo in kale.
Dabadeedna wuxuu arkay dhiig badan oo maskii ka qulqulay iyo Libaaxii oo
lugta taagay, ka dibna qunyar buu hoos u soo dhaadhacay, isagaoo weli
shakisan, oo aad isu banbaaninaya dhulka markuu qoobka la helay, isaga
oo aan xagaa iyo xagaa toona eegin ayuu qarjaf yidhi oo dhababaco cagaha
wax ka deyey, dabadeedna isaga oo aan marqudha xiiq-tiiran, ayuu oradkii
ku tegay meel saddex geel daaq u jirta geedkii. Balayax, intuu dhowr
jeer xagga dambe qooransaday ayuu isma taagine kadle cagaha boorimaystay.

Weli wuu naxsan yahay, wuxuuna u muuqdaa nin belaayo ka samato baxay
cunto uu dhadhamiyo, waxa u noqotay qodxanyaha jeerinka ee canbuusha loo
yaqaan, faraha curdinka ah, xaangeenyada iyo geed midhoodka midhoodka oo
curdin badan lahaa. Ta kale, adeenti dad aragooda wuu iska ilaalinayaa,
oo kaga darran bahalihii xalay helay waayo wuxuu ku soo fool leeyahay
jiiddii ay deganaayeen beesha Cudbi ee ay beeshooda colaaddu dhex
martay. Sidaa awgeed, wuxuu ilfoojigo leh, iskaga eegayaa wixii bidhaan
rag ah, waayo wuxuu ka baqayaa in la arko oo hadii la garto dhegta
dhiigga loo daro. Balayax, goor casar gaaban ah, ayuu gaadhay jiidii
beeshu deganayd, dabadeedna isaga oo isqarinaya ayuu iska dhex qaaday
kaymihii xooluhu daaqayeen. Wuxuuna ka baadhayey xoolaha, kaynta daaqaya
wax leh, summadda Cudbi reerkooda, balse mar dambe ayuu arkay awr raray
ah, oo qoorta ku leh laba farood iyo hareed, dabadeedna wuu gartay inay
awrta summadda lihi, ay tahay awrtii Cudbi reerkooda, aad buu u farxay,
ka dibna kayntii awrtu daaqaysay ayuu dhabbacday, markuu cabbaar meel
caro bataax ah, oo awrta u dhaw jiifay, ayuu mar dambe meel suryo ah ka
hallacsaday labo dumar ah, oo awrtii xadhkaha ka furfuraya, ka dibna
intuu soo dhukusay ayuu ku soo dhawaaday si uu wejiyadooda u aqoonsado.

Wuxuu soo dhukusoba, hal cabbaar ah markuu u soo jirtay ayuu gartay inay
labada dumar ah, midi tahay Cudbi dabadeedna wuxuu hoos u yidhi,
“Qoodhay iyo xerraday, waa iyadii”. Balayax, markuu Cudbi isha ku
dhuftay waxa jidhkiisa isku jebisay jidhiidhico farxadeed, madaxana waxa
ka fuqday qolof weyn, jawi nayaayiro leh, ayaa ku soo kordhay
dareenkiisa wuxuu isku qanciyey inuu muraadkiisii gaadhay, cabbaar buu
soo dhukusay oo ku soo dhowaaday, markuu wax yar u soo jiray ayey Cudbi
iyo gabadhii kale awrtii xadhkihii ka wada furfurteen oo intay labada
dhinac isaga toociyeen dabada kaga dhaceen, una caraabiyeen xagaa
guryihii Balayax, baadidii uu meesha dheer uga soo socdaalay aad bay ugu
dhowdahay laakiin lama hadli karo, oo wuxuu ka dabbin dhowrayaa gabadha
kale ee Cudbi la socota. Sidaa darteed, wuu iska dabo galay, isaga oo
isqarinaya, dhowr jeer buu isku dayey inuu Cudbi keligeed is tuso
laakiin uma suuro gelin taasi. Hase yeeshee, gabdhihii oo meel dhexe
awrtii sii caraabinaya, ayey labo nin oo dhalinyaro ahi, ku soo lug
dareen. Labada nin mid ka mid ah, ayaa degta ku sita qori rayfal ah,
waxayna labadii nin awrtii la caraabiyeen gabdhihii, ka dibna afartii
qof, kaftan iyo sheeko hallaasi ah, ayey bilaabeen, afarta qofna waa
isku beel.

Balayax, kama hadhin ee qunyar buu daba dhukusayey jaaniskii uu quud
darraynayeyna waxa dhiciseeyey labaddaa wiil ee hablaha ku soo biiray.
Wuxuu dabo bidhaansadoba goor maqrib ah ayaa la dulyimi aqaladii awrtu
ka dareertay, gel-gelin aqalada ka yar durugsan ayey hablihii awrtii ku
dabreen. Dabadeedna afartii dhalinyarada ahaa, ayaa labo labo isugu
qoorlaabay, oo haasaawaha falkiyey, iyada oo ay lababa geed yar dugsigii
istaagtay. Balayax, wuxuu u soo dhowaaday Cudbi iyo wiilkii la taagnaa
shaaca oo madoobaaday awgii ayaa u saamaxay inaan Balayax muuqiisa la
arag, isaga oo aad ugu dhow meesha ay labada qof taagan yihiin. Goortii
ay cabbaar wada joogeen ayey Cudbi iyo wiilkii la taagnaa is
macsalaameeyeen, oo midba gees u dhaqaaqay. Cudbi, waxay u dhaqaaqday
dhinicii aqalkooda oo qiyaastii u jiray ilaa boqol talaabo, balse inyar
markii ay socod talaabo qaboobe ah, sii laafyootay ayaa Balayax oo sidii
qof wax gaadaya cidhbaha ku soconaya, sanqadh tirasho awgeed, wuxuu soo
gaadhay Cudbi oo qunyar iska talaabsanaysa.

Dabadeedna intuu garabka bidix u shiisii ka taabsiiyey ayuu isaga oo
hoos u xanshaashaqaya ku yidhi, “Naayaa Cudbi waa Balayaxe, maxaad
sheegtay” Cudbi, intay bahal naxdin ah la faagatay oo yaabtay ayey
tidhi, “Waar waa nabade, xilligan xagee Alle kaa keenay, maxaadse
doonaysaa, ma baadi doon baad tahay, cajeb!!!”. Balayax, oo doonaya inuu
fursaddaa yar aad uga faa’iidaysto ayaa intuu afka u soo dhoweeyey ku
yidhi, “Naa mayee, baadi aan adiga ahayni igama maqnee, kaalay halkan
ina yara jooji aynu iswaraysanee”. Cudbi intay dareen dhiilo leh,
muujisay oo werwertay ayey tidhi, “waar heedhe, malaa waa lagu sitaaye,
hadii lagu arko waa lagu dilayaaye, iminkana waa layna arkayaaye, bal
anigaa kuu soo baxayee, geedkaa hoostiisa ku sii dhuumo oo yaan lagu
arkin”. Balayax, wuu aqbalay. Markii ay dhaqaaqdayna wuxuu ka sii dabo
tuuray “soo dhakhso, soo dhakhso”. Cudbi, iyada oo fajacsan oo
dhabbanada haysa ayey gurigii tagtey, ka dibna intay dhabbanka iyo
gacanta isa saartay ayey fekertay, waxayna maskaxdeedu cabirtay, halista
uu Balayax ku suganyahay iyo ballantiii ka dhexaysay, wadneheeda ayaa
aad u shaqeeyey, oo si xawli ah ayaa dhiigeedu jidhka ugu wareegay.

Balse go’aankii ay gaadhi lahayd ayey jaanis u wayday, waayo hooyadeed
dhool oo xerada adhiga ku jirta ayaa aragtay, iyada oo isla maqan ka
dibna intay cod-dheer ku soo jeedisay ayey ku tidhi “naa maxaad la
dheygagsan tahay, maad maqashan mareegta nagaga xidh-xidhid”. Cudbi oo
aad moodo qof laydh qabsaday, ayaa intay booday oo aqalkoodii oo madow
gashay, dabkii Afuuftay, markii uu dabkii ololeyna intay dhiilyar oo
shan koonbo qaad ah soo qaadatay ayey caano maydhanaan geel ah, ka
buuxisay, ka dibna intay dadkii iska eegtay ayey muska dambe ee aqalka
ku xasaysay. Dababdeedna waxay bilowday maqal xidhxidhid, ido lis iyo
adhi kala gurid. Balayax, wuxuu halkii dhabac-naadaba waqtigii baa ku
dheeraaday, siduu xagga guriga u soo eegayey ayey indhihii dheeraadeen.
Rafasho ayaa ka dhamaatay, siduu marba isu moodsiinayey mududuulka
dhirta, ee uu isu lahaa waa tan ee hanqalka ula boodayey, hadana isu
nabayey.

Balayax welwelka iyo welafka haya awgii, intii fiidadowga ahayd ee
xoolaha la maalayey, way kaga badnayd sanadkii ay kala maqnaayeen.
Kadaloob iyo kuudud xumo ayaa jidhkiisu la curqay. Hase yeeshee markii
ay caweys dambe sugtii la marayso, sawaxankii iyo sanqadhii guriguna
yara naaqusantay ayuu is yidhi “armeeshan ciddina kuugu imman maysee,
maxaad yeeshaa, Alleylehe guriga ku dhowow”. Ka dibna intuu soo
gurguurtay ayuu ku soo dhowaaday aqaladii. Reerku waa Afar Aqal oo
waaweyn iyo Buul yar wuxuu iska gartay inuu buulka yari yahay buulkii
Cudbi ka dibna isaga oo dhukusaya ayuu dhinicii buulka u dhowaaday.
Markuu buulkii inyar u sii jiro ayaa gurguurashadiisii Adhyihii xerada
ku jiray bahal didmo ah, rig ka siiyeen, oo musaska jiidheen. Dabadeedna
inta jalaad iyo sawaxan la isla oogsaday ayaa dadkii aqalada ku jiray
debedda u soo baxay oo la mooday in xoolihii bahal usoo dhacay. Cudbi
aabeheed oo ardaa jiifay ayaa intuu fadhiistay oo kor u qayliyey yidhi
“Naayaa Cudbi, waa maxay waxa adhyaha didiyey, ma dhurwaabaa, bal eeg”.
Cudbi oo iyadu fahamsan inaanu waxa Adhyaha didiyey ahayn, bahal ee uu
yahay ninkii Balayax oo soo gurguuranaya markuu aagsaday ayaa tidhi
“Aabe bahalna muu arag ee wuxuu ka didayaa karbaashkaa geedka saaran”.
Ka ibna Cudbi oo werwersan oo qalbiga kaleh “Ilaah baa xaal astura” ayaa
iyada oo waalidka yool habaabinaysa, si loo moodo inay seexatay,
buulkeedii gashay. Isla markaana waxay isu diyaarinaysaa sidii ay
Balayax banaanka ugu bixi lahayd, balse intii aanay bixin, ayaa waxa u
yimi laba hablood oo doonayey inay la caweeyaan, halkaas ayey Cudbi
fursadeedii kaga dhabaqday.
Iyada oo ay Cudbi iyo gabdhihii u yimi buulkii dhex fadhiyaan, ayuu
Balayax gurguurasho ku yimi buulka dhiniciisa, dabadeedna intuu
fadhiistay meel ku beegan, halkii ay Cudbi fadhiday oo uu sida tuugta
sanqadha iska ilaaliyey ayuu ushii uu sitay ka dhexdusiyey buulka
docdiisa, wuxuuna dhabarka ka taabsiiyey Cudbi oo sii jeedda, si uu isu
ogaysiiso inuu joogo, oo ay ugu soo baxdo.
Cudbi markii ay dhengedu dhabarka ka taabatay wax dhaqdhaqaaq ah, ma
muujin dareen eegmona iskuma deyin waayo way iska garatay cidda usha
taabsiisay. Dabadeed, si ay Balayaxna jawaab u siiso, caweyska hablahana
u sii waddo oo ay isaga ilaaliso in la fahmo, waxay samaysay sheeko
afjaaq ah, oo ay Balayax wax ugu sheegayso, ka dibna intay hablihii soo
jeedisay oo hadalkii kor u qaaday ayey tidhi “Naa yaadheheen, caawa waan
idiin sheekaynayaaye idhegaysta. Beribaa waxa la yidhi wiil iyo gabadh
baa is jeclaa, waxayna ku ballameen inay is guursadaan, iyaga oo aan
weli isguursan ayaa dagaalo dhaceen oo labadoodii beelood is dileen,
dabadeedna colaaddii baa kala fogaysay. Markay sannad kala maqnaayeen,
ayaa wiilkii soo raadiyey gabadhii, ka dibna wiilkii iyo gabadhii waxay
goor fiid ah, isku arkeen meel gurigii gabadha reerkooda u dhow. Ka
dibna gabadhii waxay wiilkii ku tidhi, waan kuu soo baxayaaye, geedkaa
hoostiisa igu sii sug, dabadeedna wiilkii baa intuu sugi kari waayey,
buulkii gabadha docdiisa soo fadhiistay, ka dibna gabadhii oo hablo la
sheekaysanaysa ul dhabarka kaga gujiyey, markaasay gabadhii wiilkii ku
tidhi “inan yahow ma hedi ku wadday, mise hunguri ku wad, mise hammo ku
wadday. Haddii hedi ku waddo soo soco, raggaasi haku dilleene. Haddii
hunguri ku wadana, mus dambeedka aqalka dhiisha caanaha ah, ee ku jirta
orod oo kala bax. Hadii hammo ku waddona, halkii lagugula ballamay ku
noqo waa laguu imanayaaye”. Balayax, markuu fahmay inay hawraartu, isaga
u dhacayso, ayaa intuu dib u gurtay oo dhiishii caanaha ahayd, kala
baxay muskii iskaga jebiyey gaajadii ba’nayd ee dhowrka godol ku
qaadhsanayd, ka dibna wuxuu dib ugu noqday geedkii ay fiidadowgii ku
ballameen. Xiliga hurdo dakharta la yidhaahdo, oo ah marka habeenka
saddex meelood oo meeli tagto ayey Cudbi soo dustay, oo u tagtay Balayax
oo dugsigii ay ku ballameen yuurura, halkii bayna isku waraysteen. Intii
aanay gudo gelin sheekadii waayo waayo iyo arrimihii guurka ayey Cudbi
hadal canaan iyo calaacal isugu jira u qadintay Balayax, waxayna tidhi
“miyaad waallantahay, maxaad halista intaa leeg naftaada u soo marisay,
miyaadan ogayn in hadii ay imika walaalahay iyo ilmaadeeraday, ku arkaan
ay ku sadqaynayaan. Gacaliye, goormaad naftaada sidaa u nacday. Ta kale
dhulkaad soo martay, waa dhulkii uu sida kashkaashka u jiifay Libaaxii
dadyahanka ahaa, arladaa balaadhan ee aad soo martayna waa cidla ee
sideebaad uga soo nabad baxday”. Balayax, intuu dhoolacaddeeyey ayuu
yidhi, “Gacaliso, horta Libaaxaasi, tuu xalay ibadday kaagama sheekayn
karo, waxaase igaga darnaa mas iga helay geed dushii. Khatarta aad
sheegtayna, way ii muuqatay, laakiin waxaas oo dhan, waxbaa igaga
waynaa. Waana adiga waayo muxubada aan qabo ayaa i shidaysay. Takale
Soomaalidu, waxay ku maah-maahdaa bahalka axdiga layidhaahdaa nin
garanaya waa ku eebo nin aan garanayna waa ku ilaaq. Sidaa awgeed
ballantii inoo dhexaysay ayaa col dad iyo dugaagba ii kaday waxaana
doonayaa inaad caawa I raacdo, oo aad fuliso ballantii inoo dhexaysay”.
Cudbi, waxay isku dayday inay Balayax ku qanciso jawaab aan raacid
degdeg ah ahayn, waxayna tidhi, “Walaal horta, been kumaad sheegin
inaynu ballan weyn lahayn, balse waxa ka soo soka maray arin aynaan
markii hore tirada ku darsan oo waxa dhacday colaad. Sidaa awgeed
habeenkaa caawa ah, adiguna gurigayaga ku badbaadi maysid, anigana guri
aad leedihiin la igu gaafi maayo, ee talo iga hoo, ballan danbe aynu
qaadanno oo aynu yarabax-naanino inuu waqtigu isbedelo, oo ay colaaddu
qabowdo”. Balayax, kuma qancin hindisaha iyo talada ay Cudbi soo
jeedisay, wuxuuna yidhi, “gabadh yahay intaas oo saymo ah, oo aan Alle I
baddin, adiga awgaa ayaan isu soo badday, imikana labo hal kala dooro,
in halkan la igu arko oo maydkayga la dhigo, oo ay weliba walaalahaa iyo
aabahaa igu dhagaroobaan iyo inaad meesha iga raacdo, labadaa arimood,
wax iiga dhaxaynayaa ma jiro”. Cudbi, intay cabaar yara aamustay ayey
goroda hoos u laad-laadisay oo dhulka dul hogotay. Dareen qiiro leh,
ayaa jidhkeeda maansheeyey, waxa qalbigeeda aad ugu duxay kalgacaylka
Balayax, la hoos joogo. Jacayl hor leh, ayaa Cudbi ku habsaday, duruufta
meesha taal iyo kalgacaylka Balayax, soo labo dibleeyey ayaa beerkeedu
hayn waayey, ka dibna qalbigeeda ayaa aad u damqaday, oo jacayl
oodihiisa wata ayaa dabarka ku soo goostay, mililico jacayl baa
dareenkeeda saaqay, waxay is tidhi, kor u eeg Balayax, ka dibna lingaxa
hoose ee indhaheeda Eebbe quruxda ugu deeqay, ayey ilmo buurbuurani
ragax ka soo tidhi, labada dhabban ayey shalmadii ay sidatay ku
hadoodishay, iyada oo ay indhaheeda ilmadu ka qubanayso. Cudbi dibnaha
ayaa dubaaxiyey, ka dibna hadalkii ay odhan lahayd, ayey marba dib u
callalisaa. Hase yeeshee, markii ay cabaar kala aamusnaayee, qalbigana
iska waafaqeen ayey Cudbi tidhi, “Gacaliye, waxba kulama diidaniye,
adigu tali”.

Balayax, wuxuu Cudbi u sheegay inuu awr dhexda kaga yimi, wuxuuna u soo
jeediyey inuu doonayo inay israacaan, oo intay awrka sii kaxaystaan
Hargeysa galaan, dabadeedna ay Hargeysa oo walaashi degan tahay ku aqal
galaan, maadaama ay beelaha miyiga colaadi u dhaxayso, oo aanay Balayax
reerkooda u cuntamayn, guurka gabadh ay qabiilkooda isdirirayaan oo
colaadi dhextaal. Cudbi, oo weligeedba beledka u xiiso qabtay ayaa
hindisaha Balayax ku dhaliyey calool adayg hor leh ka dibna waxay u soo
jeedisay inay habeen dambe, baqoolaan maadaama caawa, uu waagu ka
baryeyo, oo ay habeenkii in yari ka hadhsan tahay. Cudbi, waxay Balayax,
usoo jeedisay inuu dhabacdo kayntii ay galabnimadii awrta ka soo
caraabisay, ka dibna way is macsalaameeyeen, wayna kala baqooleen, intay
isla tilmaan sadeen halka ay isugu imanayaan.

Balayax, maalintii oo dhan iskama rogin hurdadii uu seexday ilayn waa
nin aan labo habeen iyo laba maalmood il iyo baal isu keenine, wuxuuna
hoos jiifsaday geed cufan oo aan qofkii hoos gala ciddina arkayn. Cudbi,
waxay iyana maalintii oo dhan ku jirtay tabaabushe iyo diyaar garow hoos
hoos ah, oo ay ku xamaam urursanayso. Hase yeeshee, goor ay qoraxdu
hadhka taagiisa ka degtay ayey Cudbi dhiil yar caano ka buuxisay, oo ay
afka saartay kayntii Balayax jiifay, ka dibna intay qunyar soo sanqadh
tiratay ayey dhiishii caanaha ahayd madaxiisa qotomisay oo qunyar dib
uga laabatay, iyada oo aan hurdadiisii ka toosin. Dabadeedna goor dambe
ayuu Balayax baraarugay, wuxuuna arkay dhiil caano ah, oo madaxiisa
taal, ka dibna intuu labada dhabban qabsaday ayuu sida gafanaha uga soo
go’ay waayo wuu iska gartay inay farsamadu tahay, tii Cudbi, oo aanay
cid kale ciirsi ugu noqoteen kayntaa cidlada ah. Cudbi, maalintaa cidna
lama talo ahayn, arinkeeduna wuxuu ahaa “Nin dameero wataa, dad la toy
maaha”. Dabadeedna goor ay casar gaabkii ahayd ayey Cudbi awrtii
doontay, iyada oo qisdigeeda ugu wayni yahay inay fursaddaa uga
faa’iidaysto, arimihii ka dhexda eyey,

Balayax, oo ay wixii ballamo ah ee ambabaxooda ku saabsan, soo
dhaad-dhaadaan. Cudbi, markii aymeel dhexe sii socotay ayey isla
sheekaysatay, waxaana u muuqatay, inay galabta tahay, galabtii u
dambaysay ee ay reerkooda awr u soo xerayso. Cudbi, waxay ahayd, 18-jir,
inteeda ku maddorkar ah, waxay ahayd, quruxley, khaaliqu jidhkeeda ka
ilaaliyey xubin la naco. Midabkeedu waa maariin dhalaal, casaan xiga oo
aad dusheeda ka subkanayso. Luqunta qotonka u baxday ee cabaadhyaha leh,
gacmaha jalaqsan, dhexe madagta la moodo, kubabka cuddoon ee hilibku
ilaa shidhixyada buuxo iyo wejigeeda jaah-qabitanka leh, ayaanay daymada
jaleecdaa weligeed ka jeesanayn, waxaana Ilaahay ku mannaystay joog iyo
jinni aanu qof arkaa abid ka xiiso goynayn. Cudbi, intay galabtaa
indhakuul si qurux badan indhaha baalkooda ugu dhayday, ayey si yaable u
soo talaabsatay, way timo tid-can tahay markaasay timuhu labada garab u
kala dhaceen, xagga dambena jeenyaha hoos u dhaafeen.

Boqorka iyo dhaclaha ayey dhaxda ku kala rogtay, waxay soo xidhatay kabo
baarashuud ah, oo jiiqdaahaya iyo labo dhidood shushubka dulucu
isdulfananayo. Cudbi markii ay Awrtii xadhkaha ka soo furfurtay, ayey
soo tuunbisay, oo ku soo beegtay kobtii uu Balayax joogay. Balayax,
markii uu hubsaday inuu qofka Awrta wadaa Cudbi yahay ayuu kobtii ka soo
baxay, waxayna cabaar istaageen labo geed dhexdood. Inkasta oo aan
labada qof hadal badani qabyo ka ahayn, hadana waa dad muxubbo
dhextaaley, hal cabbaar ah, ayey hadallo guudmar ah iyo sheeko googoos
ah isu dhiibdhiibeen. Ugu dambayn, Balayax ayaa yidhi “gacaliso orod
Awrta caraabiyoo, ballantu waa inoo halkee iyo hadma” ka dibna waxay ku
tidhi “Gacaliye, geedkii xalay miyaad ka ambanaysaa” maya ayuu yidhi,
markaasay tidhi “Ammintuna, waa xiliga hurdo dakharta ee sardhada hore
lagu jiree, reerka Adhyaha haka didin anigaa kuu imanayee”.

Balayax, intuu qoslay ayuu yidhi “waa inoo sidaase, hammuun ragna talada
ku darso, oo soo dhakhso”. Dabadeedna Cudbi oo awel socod u holletay oo
is dadabtay, ayaa intay soo jeesatay, waxay si kaftan ah, u tidhi
“Balayaxow, hay raagsan, ilayn adiga oo qudha, kuuma maqni, dadkuna waa
badanyahay, si ay noqonna Allaa garan. Soomaaliduna waxay tidhaahdaa hal
aan weli kuu dhalin ilmaheeda ha tirsan, shabeel aanad weli dillinna
hargihiisa ha baayicin”. Cudbi, way dhaqaaqday, iyaga oo dhoolo
caddaysay isku sii macasalaamaynaya, oo marba si xiiso iyo kalgacayl ku
dheehan yahay hoosta jaleeco yar isakaga xaddaya ilaa intay kala
libdhayeen. Cudbi, markii ay Awrtii gelgellinta ku xidhxidhay ayey
gurigii tagtay. Hase yeeshee Cudbi habeenkaa, Adhigii ay reerka u lisi
jirtay, may lisin ee intay waxyar ka dhiidhiijiso ayey maqasha ku sii
daysaa, idaha iyo riyahaba, waayo waxay doonaysay inay xerada hore uga
baxdo, oo ay diyaar garowdo fiid caddeba.

Dabadeedna intay gal barkimo maryihii ka buuxisay ayey kiishkii maryuhu
ugu jireen meel guriga duleedkiisa ah sii dhigatay. Ka dibna buulkeedii
yaraa ayey gashay, oo ay iska dhigtay sidii wax seexday. Hase yeeshee
hurdo uma taallee, waxay sugaysaa inta dadku sardhada gelayo. Dabadeedna
markii ay khuurada dadku isu yeedhay. Ayey intay kabaha suxullada
sudhatay, buulka gurradiisa ka dustay, ka dibna ay harqadi dharku ugu
jiray hore u sii qaadatay, iyada oo shamaaxinaysa ayey u tagtay Balayax
oo dugsigii ay ku ballameen kadalooba. Ka dibna, iyada oo aan juuq la
isu odhan ayaa degdeg talaabada loo boobay, weliba inta ay talaabadii
aamini waayeen ayaa inta tafaha la qabsaday, gucle orod la is barbar
yaacay. Arinkoodu wuxuu noqday cawralaay cago, geedweyn mooyaane,
geedyar lagamabaydhayo ee dushaa laga marayaa oo gediga habeenkii fadhaq
boodka lagama nasin, iyaga oo ka baqaya inay raacdo ka daba timaado oo
la soo gaadho.

Maalintii dambena kadlaha lagama jimcin. Waxayse ugu darrayd, markii ay
Cudbi hooyadeed hiirtii waaberi toostay ee ay gabadhii tawday, ka dibna
intay afka gacanta saartay qaylo ka toshay. “ooo….oooo…oooo, waar ka
kacaay, reerka la dhacye”, markaas ayaa lagu soo yaacay waxayna u
sheegtay dadkii ku soo yaacay in gabadhii xalay la kaxaystay. Ka dibna,
waxa la iswaydiiyey, yaa kaxaystay gabadhii. Balse cid loo aaneeyo waa
la garran waayey, Balayax-na ciddina meesha ka filimayso. Islaantii
Cudbi hooyadeed, waxay u tagtay gabadh gashaanti ah, oo ay Cudbi saaxiib
ahaayeen, waxay waydiisay inay wax tibaax ah ka hayso, dooc iyo
dareentoona. Hase yeeshee inantii wax war ahi ugama soo kordhin, oo
gabadhii ayaa iyada lafteedu cid ay tuhunto iyo meel ay u dacalsaarto
garran wayday, waxayna tidhi “Nin Balayax ka dambeeya oo ay Cudbi sheeko
wadaag la yeelatoba, ma anigaa garranaya, Balayax-na maanta carradeenna
gabadh uma soo doonan karo”. Cudbi, hooyadeed, waxay doondoontay wax
raad ah, ka dibna waxay heshay raadkoodii, cabbaar bay raad gurtay
dabadeedna, waxay aragtay inay cadceed u dhac afka saareen oo degmadii
ka dhexbaxeen, markaas ayey yiqiinsatay inuu Ninka gabadha kaxaystay
Balayax yahay.

Dabadeedna, wixii Illaahay habbaar baray ayey dabada qabatay “Alle
cidhibtaa go’day, meel darran laguu kaxee, fanto ku dishay, xiniinyo
muldho, xoogga lax ha ku xiggan, iyo kelmado kale oo habbaar ah ayey
dudubisay, waxayna gurigii ku soo noqotay, iyada oo dhurmaysa,
dabadeedna wiil ay dhashay iyo niman ilmaadeeradii ah oo la jooga ayey u
sheegtay in inantii Balayax la tegay. Ka dibna shan wiil oo doobab ah oo
ay labona walaalo yihiin Cudbi, saddexna ilmaadeeryihiin, ayaa iyaga oo
shan qori, laadlaadsanaya raadkii ku tibaday. Waxay dabo jabacsadaan oo
ay kaymihii iyo kobihii ay xalay sii dhex jibaaxeen, hadba qoor ka raad
guraanba, goor hadh soo korkii ah ayaa raadkii ka gedmaday, waayo waxay
ku soo baxeen dhul haaribban ah, oo aan jaanta laga arki karin.

Dabadeedna colkii raacdada ahaa markii raadkii u bixi waayey, may soo
noqone jihadii raadku u jeeday ayey afka saareen. Hase yeeshee, waxay
colkii raacdada ahaa socdaanba, raadkiina waa u bixiwaayey, labadii
qofna meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, way waayeen, isla markaana waxay
qoloda raacdada ahi ku soo dhowaadeen soohdintii ay labada beelood ee
colaaddu u dhaxaysay iska gaaddaysan jireen. Dabadeedna cabsi baa
gashay, iyaga oo ka baqe qaba inay is helaan korjoogaha beesha Balayax

Halkaa markay arini marayso ayey raacdadii, iyaga oo faro madhan dib
isaga huleeleen, oo degaankoodii dib ugu noqdeen, iyaga oo harraad iyo
gaajo bas beelay. Beeshii Cudbi lagala soo tegay gidiga maalintii,
sheeko aan Cudbi iyo Balayax ahayn, lama hayn. Waxaana la isugu
jiibanayey cayda iyo habaarka balayax, iyada oo dhaleecayn iyo jawaano
cay ah, loo kiilayo. Cudbi hooyadeedna aflagaado iyo ceebayn balayax ku
waajahan ayey ciil beel ka dhigatay, oo wixii afkeeda ku soo dhaca oo
cay iyo habaar ah, uma hanbayso balayax. Hase yeeshee, lamaanihii isla
caymaday ee Cudbi iyo Balayax waxay caraabe galabnimo ku tageen tuuladii
uu Balayax awrka kaga tegay dabadeedna ismay taagine, intay awrkii
faruurta qabsadeen ayey jihadii Hargeysi ka xigtay afka saareen.

Dhowr habeen ayey jidka ku sii jireen, wadada baabuurta waxay u marayeen
taabsin durugsan, waayo waxay ka baqoqabeen inay cid Hargaysa ka timi oo
baabuurta saarani garato, ka dibna ay arbushto. Waxay masaafo ku soo
jiraanba subax hore ayey ku soo waabariisteen Hargeysa, ka dibna meel
kale uma ay leexane, sayladda ayey dadka waydiiyeen, markii loo
tilmaamayna way ku tibadeen waxayna markiiba awrkii u dhiibeen nin
dilaal ah oo, kuwo sayladda ugu afdheer ka mid ah, markiiba gacanta ayaa
la isu dhiibay, cabaar markii gacanta la is-hulaaqsiiyey, oo baayacaadu,
weecweecatay, ayaa aakhirkii gacanta lalulay, waxaana awrkii lagu
faasaxay qiimo wanaagsan. Lacagtii awrka, markii daabaqadii iyo
dilaalkii laga jaray, ayuu Balayax intii kalena go, uu sitay faraqiisa
ku guntaday oo tuurta u ritay, dabadeedna lammaanihii Cudbi iyo Balayax,
waxay u dhaqaaqeen dhinicii suuqa weyn ee Hargeysa.

Hase yeeshee, labadooda midna waxba kama yaqaan magaalo iyo
shuquladeeda, waxayse sheeko kuhaystaan inay magaaladu leedahay tuug
badan oo reer miyiga lacagta jebabkoodu ku jirta u soo shaqotaga.
Dabadeedna ninkii shaadh cad ee ka horyimaadaba waxay is yidhaahdaan,
waa kan tuugii la sheegayey, oo Balayax faraqii lacagtu ku guntanayd
ayuu intuu dhuunta geliyo gacmihiisa mid ka mid ah, ku dhejiyaa, gacanta
kalena dhengad uu sitay ayuu ku qabsadaa, markaas ayuu lacagta
dul-hadhiyaa. Xaalkiisu Waa keeb la yuurur, oo hadiiba uu qof is
yidhaahdo salaan, kama nabad galeen oo nabar baa kaga dhici lahaa. Waxay
hiyiga ku hayaan macdaar suuqa ku yaal, oo uu leeyahay nin ay Balayax
isku hayb yihiin, inta ay soconayaan waxay ka ballaadaymoonayaan daaraha
hareeraha ka xiga, oo ka fajaciyey, ilayn hore uma arage, sidoo kale
waxkasta oo ay arkaan waa ku ugub, shaykastaana iyaga waa u udgoon,
xataa dadka ayaa cadar-cadar u uraya.

Waxay la yaaban yihiin oo fajac iyo lama arag ku noqday, baabuurta
yaryar iyo basaska. Waxa kale oo ay la yaaban yihiin guryaha isa
saar-saaran ee dabaqyada ah, waxayna iswaydiinayaan sida dadka fuushani
u koreen. Markay wadada marayaan, waxay u dhowaanayeen dhinaca dumarka,
waayo ragga oo dhami, iyaga tuug buu ugu qoran yahay, laakiin may maqal
haween tuugooyin ah, oo wax xada ee rag uun bay maqlijireen. Balayax
ayaa islaan waayeel ah, oo wadada maraysa, ku yidhi “eeyaa waa islaanta
suuqu halkee buu ku qumman yahay”. Islaantii intay kor u eegtay oo
garatay inuu yahay nin xero geel ka yimi ayey ku tidhi, “Suuqyadu, waa
badan yihiin ee keebaad doonaysaa, ma suuqa oktoobar baad u socotaan,
mise suuqa weyn”. Balayax, intuu layaabay, su’aashii lagu soo celiyey
kalana sixi kariwaayey, suuqyada la sheegayo, ka uu doonayaa ka uu yahay
ayuu yidhi, “Suuqyadu ma dhowr baa miyaanu mid qudha ahayn, anaguse
waxaanu doonaynaa, suuqa uu macdaarka ku haysto ninka la yidhaahdo ina
dhudhun adhi”, islaantii intay qososhay ayey tidhi, “Waar anigu dhudhun
adhina garan maayee, halkee baad doonaysaan”.

Balayax, ayaa haddana islaantii ku celiyey su’aal kale oo yidhi,
“Mataqaanaa reeraha wadayaal, ee Reer dubad oogle iyo reer warfaa
xandule, meel ay ka degin yihiin magaalada”. Islaantii intay qosol kale
ku dhufatay ayey tidhi, “Waar heedhe, anigu waxanaad iwaydiinayso,
garran maayee, Reer-reer lahayne, reeruhu waa qabyaalad, qabyaaladdana
waa tii la aasay, ee yaan askartu ku maqlin oo lagu xidhine, halkaa hore
ayaa suuqyahaye raggaa waydii , dadkan aad doonayso”. Waxayna islaantu,
farta ugu fiiqday dhowr nin oo wadada dhinaca kale ka maraya, balse
Balayax, ilayn raguba waa kuwa uu ka cararayo ee iska eegayaaye, intuu
shakiyey oo mergiga dhiibiyey ayuu yidhi, “Caku magaalo rag yaraysee,
islaamahooduna waa ciyaal-ciyaal, oo waxwalba ciyaar iyo qosol bay ka
deyayaan, bal imika daya islaantaasi sida ay noo qaladday, anaga ayey
tuug iyo dhuq-dhuqle magaalo noo tilmaamaysaa, oo naleedahay waxwaydii
ilaa sayladdii baanu hangool kaga horjoognay guntintaa go’ayaga ku
xidhan, markaasay naleedahay cagahaaga ku doono”.

Dabadeedna hore ayey isaga socdeen, iyaga oo baaladaymoodkiina sii
siyaadiyey, markii ay cabaar socdeen ee ay ka yara durkeen islaantii iyo
nimankii ay u tilmaamaysay, ayaa Cudbi oo iyaduna dhegaha didmo la
taagaysa waxa la hadlay Balayax. Dabadeedna wuxuu Balayax ku yidhi
“Naayaa Cudbi, ma arkaysay, qoodhay iyo xeraday, habarbaastaasi marbay
saymo na gelin gaadhay, waa qofta noo tilmaantay shaadh cadde magaalo
habar dambe oo wax la waydiiyaana, halkaa haygaga hadho”. Cudbi, oo
daawashada magaalada iyo baalladaymoodkeedabaka baddin wayday ayaa iyana
tidhi, “Dadka macdaarada haystaa, iyagaa isyaqaane, kuwaa wax waydii oo
qof dambe oo meel iska maraya, ha inagula hadlin”. Balayax, waa runtaa
intuu ugu jawaabay bay socodkoodii iska sii wateen ka dibna waxay soo
gaadheen suuqii waynaa, oo uu dadku sida daadka usabbaynayo, oo sidaa la
isu hor iyo dabo marayo, waxaynaka baqdeen, inay kala lumaan iyaga oo la
tacajabsan dadkan xaddidhaafka ah, ee meesha ka buuxa, ka dibna si aanay
u kala lumin gacmaha ayey is qabsadeen, mararka qaarkood ayey ku soo
beegmaan dariiq cidhiidhi ah oo ay dadku isjiidhayaan, laakiin iyagu ma
ogola in ciddi u soo dhowaato, dabadeedna sidii ay dadka uga faaganayeen
oo ay marba meel koone ah, u eeganayeen, ninkii balayax-na dhengeda ula
goojinayey, ayey xaaladoodu noqotay waraabe shir yimi.

Balayax, waxa ku jira qabkii geel jirenimo, oo dadka magaalada jooga
gebigood waa ka xaragoonayaan, wuxuuna hoosta ka leeyahay “Dadkan caydh
baa isu soo ururisay, hadii ay xoolo leeyihiin ma sidan ayey isugu
meehanaabi lahaayeen, magaalo col ku deg maxay tuug iyo basar xumo
haysaa”. Waxay socdaanba iyada oo ay indhuhu sare tageen oo waayey cid
ay wax waydiiyaan, oo ay miyir qab ku suureeyaan ayey soo gaadheen
wadada gaadiidka badan ee badhtamaha Hargeysa, agagaarka sekedda
qaydarka. dabadeedna intay meel qaloyar oo koone ah, istaageen ayey sida
sinimooga loo daawado u daawadeen baabuurta wadooyinka qaarba dhinac u
qaadayo. Ma aha markii u horaysay ee ay birguuxaysa arkaan, laakiin may
arag baabuur aan siisow ahayn, oo ay arki jireen isaga oo mid qudha ama
labo ah, oo waddo budusha miyiga siigaynaya iyaga oo halkii taagan oo ay
wax waliba ku cusubyihiin, aadna u xiisaynaya wixiiay arkaanba ayey
arkeen rag aad u yaacaya, oo ay caydhsanayaan askar badan oo dirays
gashani iyo dumar qaylinaya. Askartu ninkii ay qabtaanba waxay ku
ridayeen gaadhi madoobe dheere ah Askarta wax eryanaysa dabo socda.

Balayax, iyo Cudbi waxay maqleen “Waar ka carar-waar ka carar iyo
istaag-istaag, hays dilin iyo ereyo kale”. Hase yeeshee, way iska
dawadeen sida wax u socdaan arintuna wax kale maahee, waxa magaalada ka
socda raaf ba’an waxaana ragga loo raafayaa dagaalkii Soomaalida iyo
Xabashida oo socda. Balayax, iyo Cudbi waxay la yaaban yihiin raggan
waaweyn ee isbaacbaacsanaya, waxayna moodeen shuqul magaaladu iska
taqaan. Balayax-na wuxuu kolba Cudbi ku leeyahay “Caku, magaalo
dadkeedu, waa ciyaal-ciyaal, bal eeg raggan waaweyn ee yaac-yaacaya iyo
kuwan dharka cawlan ee eryanaya. Alla idin dayri, tolow ma camal kale
ayey waayeen, Alla yaa nimankan geel kareeb ah raaciya”. Cudbi, oo iyana
ku qoslaysa raggan isbaacsanaya ayaa tidhi; “Waar malaa waxani ciyaar
maahee, way isdilayaan cajeb!”. iyaga oo halkii taagan, oo qosol la
ildaran, moodayana in arintu tahay shuqul reer magaalka uun ku eg ayaa
la isla soo gaadhay goobtii ay joogeen.

Balayax oo aan dareenba gelin, daawashana la dhacsan ayaa afar askari oo
xoogani dhab siiyeen, ka dibna wuu la dagaalamay” isaga oo moodaya reer
magaal dala,sanaya wuxuu is yidhi, ragga iska celi laakiin inta la isu
dhuujiyey ayaa markuu isdhuf-dhuftay la garaacay oo ay askartii harraati
iyo qori dabadii meel kasta ku jebiyeen, ka dibna markii ay fardhaqaaqda
u diideen ayey sidii xabad hadhuudh ah dusha kaga tuureen gaadhi Elji
ah. Cudbi, markii ay aragtay ninkii Balayax oo lagu degay ayey qaylo iyo
muusanow ku dhufatay, weliba intaa kumay joogine askartii ayey la
dirirtay oo gacanteeda ula tagtay. Hase yeeshee, askartii intay gabadhii
Cudbi u gacan qaadeen ayey budhadh gaagaaban oo ay siteen sida durbaanka
ugu tumeen. Balayax oo aan isdhaqaajin karayn ayaa arkay gabadhii Cudbi
oo rag badani bukaasayaan.

Dabadeedna intuu hanqalka la kacay, ayuu isyidhi hinqo balse wuu
isloodin kari waayey, markaasaa intuu wayraxay oo raftay ayuu muusanow
iyo jibaad ku dhuftay, oo uu ciil dibinta qaniinay, balse askartii baa
markay arkeen inuu dhaqdhaqaaqayo, mar kale ku gadhqabtay budhadh iyo
laad, ilaa ay ku ogolaysiiyeen sagxada gaadhiga. Lacagtii awrku, iyadu
goor hore ayey laydha raacday, oo intay dacalkii ka furantay kala
yaacday. Cudbi iyada oo si xun u dillan oo meeshii legdan ayey dumar ka
qaadeen. Balayax-na isaga oo gagabsan oo dhulyaal ah, ayaa baabuurkii la
dhaqaaqay, oo la ka xeeyey, balse markii dhexda la sii wado ayuu soo
miiraabay.

Balayax, wuxuu arkay askar hareeraha ka fadhida iyo raggii kale ee
raafka ahaa oo hinacyada ka xiga, wuxuu markaa isku dayey inuu askarta
la diriro laakiin mid ka mid ah, raggii raafka ahaa ayaa balayax ku
yidhi, “Waar aayar iska joogso, miyaanad garanayn waa raaf oo hadii lagu
qabto la isma waalo’e naftaadana ha haligin waa askar oo naxariis
malaha’e”. Markaas ayuu balayax, isyara nabay dabadeedna waxa la geeyey
balayax iyo raggii lala soo raafay xerada birjeex ee Hargeysa, halkaas
oo ay sii joogeen rag kale oo la soo raafay, ciidan hubaysan oo qoryo
sita ayaa gaadh ka haya, waxaana lagu xereeyey balayax iyo raggii la
socday hool weyn oo dusha ka dedan daaqadna aan lahayn isla markaana
madow, oo aan laydh lahayn.

Dabadeedna inta albaabka loo giijiyey ayaa quful weyn lagu jebiyey gaadh
culusna la saaray. Ninkii balayax oo ay askar guul wadayaal ahi haraati
iyo qori dabadii ka dhergiyeen, oo aan waxba ka noolayn afka iyo sankana
dhiig ka da’ayo, ayey raggii kale ee lala raafay u muujiyeen waxoogaa
naxariis ah, iyaga oo uga waramay macnaha raafka iyo sida la isaga
banbaaniyo dhibtiisa. Inkasta oo raga la soo raafay, aanu ku jirin nin
qudha oo ikhtiyaarkiisa ku yimi ee mid walba isaga oo danahiisa wata
khasab dhegta looga qabtay, hadana balayax waxa u dheerayd jidh dil loo
gaystay, isaga iyo gacaladiisiiba sidaa awgeed, cadho iyo ciil awgii
dibinta hoose ee balayax waxa ku yaalay nabaro aanay askartu ku dhufan,
ee isaga oo aan is ogayn ayuu ciil daraadii foolasha isku goostay.
Wuxuuna ku muusanaabayaa “Tolaay-tolaay, ma maantaa inan rag i ciilay oo
tani ii danbaysay”. Balayax, waxa kale oo uu ku calaacalay, tixdan
geeraarka ah “Gacal nimaad ahaydeen hadii laga gol-roonaado oo gacantu,
inay hiilisana kuu garnoqon waydo, illeyn waad gal-galataa sidii neef
lagawracaye”. Labo habeen oo ay hoolkii ku xeraysnaayeen ninkii balayax,
marqudha qumaati isuma taagin ee wuxuu ahaa dhulyaal garowyar, oo raggii
raafka ahaa, lagu saydhsaydhiyeyna, isagu afkiisa ma gelin. Maalin
sadexaadii ayaa la bilaabay hawl lagu kala shaandhaynayo dadkii badnaa
ee la soo raafay. Dabadeedna goor aroor hore ah, ayaa albaabka hoolkii
ay ku xeraysnaayeen la balaqay. Nin qaro weyn oo xidhan shaadh iyo
surwaal kaaki ah, koofiyadna madaxa ku sita iyo bastoolad suunka dhexda
ugu xidhan kalulata, ayaa isaga oo ulyar ruxaya, oo talaabada kolba lug
qunyar qaadaya, albaabka ka soo galay, waxaana dabo socda labo nin oo
tuute sita iyo nin shandad weyn laad-laad sanaya. Raggii hoolka ku
xeraysnaa ayaa lagu amray inay sarajoogsadaan, safaf isdaba gal ahna
sameeyaan, way istaageen, waxaase fadhiga ku sii raagay Balayax, ka
dibna hadal kulul ayaa lagu yidhi istaag, wuu istaagay isaga oo is
tiilaya, tabcaana ah.

Dabadeedna inta buug kadinka loola fadhiistay ayaa nin walba lagu qoray
magaca iyo da’da , fartana inta irbad lagaga muday, qadar dhiig ah laga
nuugay ka dibna intii haysatay warqad dawladeed, ayaa gooni loo soocay,
intii kalena inta makiinado la isugu dhiibay ayaa lagu yidhi, “Nin
walowba ninka kale dhakada muudso, oo rubuc saace guduhii yaanu jirin
nin madaxiisa tin lagu arki karaa”. Balayax, kama mid noqon ragga
waraaqaha ku badbaaday ee wuxuu safka hore ka galayragga loo baahan
yahay, timihiina waa laga mudh-xiyey. Markii raggii timaha laga
mudh-xiyey ayaa loo qaybiyey dirays kaaki ah, waxaana lagu yidhi, “Nin
walawoba iska bixi dharka aad xidhan tahay oo dirayskan degdeg u xidho”.
Dabadeedna markii ay dirayskii wada xidheen ayaa nin garbo guduudan oo
sarkaal ahi u khudbadeeyey wuxuuna ku yidhi “Saacaddaa laga bilaabo,
waxaad tihiin ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed, waajibkiina koowaadna
waxa weeye burburinta cadawga Soomaaliyeed iyo ilaalinta midhaha
kacaanka barakaysan”. Sarkaalkaasi isaga oo gacanta kor u qaadaya ayuu
hadalkiisii soo gebo gebeeyey; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga
Soomaaliyeed Aabaha Ummadda, macalinka kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad
Barre, ha nooloodo”. Ka dibna hanoolaado ayey ka daba yidhaahdeen.

Markii khudbaddii dhamaatay ayaa hoolkii dib loogu celiyey intii la
xushay. Dabadeedna goor ay mirtii dhexe ee habeenimo tahay ayaa albaabka
laga furay, ka dibna inta gaadh dable hareeraha laga joojiyey ayaa
gawaadhi qafillan lagu daabulay, waana la dhaqaajiyey iyaga oo aan
garanayn jiho ay u socdaan. markii Hargeysa laga dhaqaajiyey waxay fool
u sii jeedeen lix caanomaal, intaa ay sii socdeena, waxa cunto u ahaa
qasacad-qasacad kaluun ah oo hal mar loogu qaybiyey baabuurta guudkooda.
Hase yeeshee, ninkii balayax, cunis uu cuno, daayoo markii uu urtiisa
dareemay kaluunkii ay cunayeen raggii hareerihiisa fadhiyey ayuu
hunqaaco la jeestay, wuxuuna matag ku mashaqeeyey meeshii uu fadhiyey
iyo agagaarkeeda, balse mar dambe ayaa loo dhiibay fud-yar oo roodhi ah,
kaas ayuu waxoogaa yara dhadhamiyey Balayax, waxa uu qalbiga ka leeyahay
meesha lagu socdaa fogaa, wuxuuna moodayey in Itoobiya lagu wado, waayo
muu moodayn in dhulka Soomaaliya gawaadhidu intaas oo hebeen u kala
dhaxdo. Balayax, fadhigii badnaa ee baabuurka gurradiisa iyo jugihii
askartu gaadhsiisay markii la raafayey, ayaa isu galay waxaana damqaday
jidhka oo dhan. Isla markaana waxa tabcaan ka dhigay kuudud, mana hayo
meel uu ku jimicsado oo ninba nin buu dhinaca ku hayaa,oo meel la kala
qabsado ayaa la waayey waxay socdaanba goor fiid cawl ah, ayaa ciidankii
raafka ahaa, irridda lagaga hooyey xero Ciidamada lagu tababaro, oo ku
taal duleedka magaalada Xamar lana yidhaahdo xerada tababarka Ciidamada
ee Hiilweyne, halkaas ayaa sidii adhidamaan la xaraashayo inta ul
dhabarka laga saaray, oo tiradooda la hubsaday gawaadhida laga daadiyey.
xerada hiilweyne, waa xero aad loo ilaaliyo, waxaana xeradaa aalaaba
lagu tababari jiray Ciidamada raafka ah, iyada oo ay joogaan askar aad u
gacan kulul, oo u tababaran inay gacan bir ah ku qabtaan cidda u soo
gacan gasha sidaa awgeed, waxay fasax u haystaan inay cidda u soo xero
gasha judhiiba daawaha saaraan. Ninka sarkaalka ah ee xerada haystaana
waa nin karbaashka dadka xerada soo gala iyo axmaqnimada garaado sare ku
qaatay, sarkaalka xerada haysta oo la odhan jiray gaashaanle Cali
Kaajaaye, soo dhoweyntiisu waxay ahayd, istuur iyo fig haloo xidho.
Markii raggii xerada la keenay loo tiriyey gaashaanle Cali kaajaaye,
ayuu intuu berked weyn dul joojiyey ku yidhi, “Waaryaadha, nin walowba
xiniiyaha barkadan ku rido, meeshan xiniiyo lalama dhexyimaadee”.
Hadalkan waxa loogu quusgoynayaa ragga cusub, waayo marka meesha lagu
geeyo luguma odhanayo illaahay ka cabso ee waxa lagu odhanayaa taliyaha
xerada iyo askarta wax tababaraysa ka cabso.

Balayax, wuxuu ahaa ragga aad looga jecel yahay xeryahaas oo kale, waayo
wuxuu ahaa sagaal iyo toban jir caano geel ku koray, oo sida biciid
barwaaqo jooga ugaamuray, jidhkiisuna si la yaqaan u dhisan yahay, oo
aan la mid ahayn, dhalinyarada magaalooyinka laga qab-qabtay ee shaaha
iyo sigaarku siinaddii ka saaray. Sidaa awgeed, Balayax wuxuu ahaa ninka
ugu mudakarsan Ciidanka uu ka mid ahaa. Labo nin oo colkii Balayax ka
mid ah, ayaa subaxnimadii damcay inay baxsadaan, kuwaas oo intay
gidaarka ka daateen yaacay. Hase yeeshee, askartii koore gaadhka ahayd,
ayaa arkay ka dibna intay sida cawsha u toogteen ayey maydkoodii xerada
ku soo dhex tuureen, waxaana la daawadsiiyey ragii kale, si ay ugu cibro
qaataan, oo aanay baxsi u haweysan. Ninkii Balayax ayaa naxdin iyo
anfariir qaaday, ka dibna saskii uu qaaday awgii ayuu xididkii
raganimadu ka xuubsiibtay, waxayna talo kaga ururtay inuu sidii awr
koran ah, meel iska dhigo xanaaqa iyo dareenkii qoodh-nimada, oo uu
saacaddaa laga bilaabo sidii geenyo qoofallan ugu dhego nuglaaddo
amarada iyo siidhiga askarta xerada haysata. Balayax, habeenkii uu
hiilweyne ku hoyday waxa u kowsaday tababar lixbilood ah, oo uu ku
dhamaystay xaalad adag oo jiif iyo joogba loo diiday, waxayna habeen iyo
maalin u ahayd isaga iyo colkiisii, raqle iyo sarajoog.

Balayax, reerkoodii way waayeen, ka dibna baadidoon iyo raacdo ayey
maalmo badan ku mashquuleen, waxaana u dhamaaday daal iyo diif. Hase
yeeshee, raq iyo ruux meel uu jaan iyo cidhib dhigay, waa la waayey.
Hooyo kor dahab iyo hablaheedu, wax dhex ka kaaja waxay haysteen
Balayax, waayo xagga bahnimada keligii baa u rag ah, sidaa awgeed hooyo
kor dahab iyo hablaheedii, way samri waayeen oo sidii ay u barooranayeen
ayaa u ilmadu labada xiribood ee indhaha iyo dhabanada caaryeysatay.
Gabadh magaalada Hargeysa lagu qabay, oo ay balayax walaalo yihiin ayaa
sidii ay magaalada ugu baadigoobaysay, gurigeedii u soo hoyan wayday,
waxayna nafteedii iyo maalkeediiba ku dhamaadeen raacdadii balayax. Hase
yeeshee, raacdadii, waxa lagu helay Cudbi oo ahayd qofkii indho garad
ugu dambeeyey balayax, waxaana laga helay Cudbi guri ku yaal xaafadaha
shacabka Hargeysa oo uu lahaa nin sarkaal ahi, gurigaas oo ay ka ahayd
adeegto, reerka u shaqaysa. Cudbi, markii ay yimaadeen ehliyaddii
balayax, ee ay waydiiyeen, ayey ilmadu ka soo dareertay oo ay baroor la
jeesatay, waayo marnaba nolol ku tirin mayso oo waxay ogayd, wixii
jidhkiisa ku dhacay, ismana lahayn wuu ka kacayaa nabaradiigaadhay.
Cudbi, waxay dadkii raacdada ahaa ku tidhi, “Balayax, baadidiisa nolol
haku raadinina ee maydkiisii meesha la geeyey uun raadiya, waayo
askarbaa intay suuqa ku dishay, maydkiisiina gaadhi ku ritay. Askarta
Balayax dishayna, waa kuwa anigana nabaradaa igu yaal igu dhuftay”.
Warkaa markii lahelay, ayaa geeri lagu tiriyey Balayax, axankiisii iyo
agaskiisii ayaa la qalay, mowliidna waa la dhigay waxaana lagu
xisaabiyey qoonka aakhiro loo dhigay. Balayax, carbiskii wuu dhamaystay,
wuxuuna ka soo laacay lixbilood oo car-caraaf iyo kadeed ah. Balayax,
iyo colkiisu mudadii ay tababarka ku jireen, waxa socday dagaalkii
Itoobiya iyo Soomaaliya. Hase yeeshee, dafcaddii balayax, waxa carbisku
u xidhmay ayaamo ciidamadii Soomaalida ee Itoobiya la dagaalamayey la
soo jebiyey, oo ay dib uga soo baxeen gudaha Itoobiya oo ay markii hore
aad ugu jiciirteen. Sidaa awgeed, ciidamadii Balayax ka mid ahaa oo
markii hore qorshuhu ahaa in marka tababarku u dhamaado lagu shubo
jiidaha hore ee dagaalka, waxa markii ay ciidamadii Soomaaliya ka soo
baxeen Itoobiya, lagu qayb-qaybiyey qaybihii iyo saldhigyadii Ciidamada,
iyada oo urur walba meel loo bedelay balse ururkii uu balayax ka
tirsanaa, waxa lagu reebay xeradii Hiil-weyne. Ragga ay balayax isku
urruka noqdeen, waxay u badnaayeen dhalinyaro laga soo ururiyey jeelasha
oo dil, xabsidaa’in iyo sannado kala duwan oo xadhig ah ku xukunnaa,
kuwaas oo la doonayey in looga faa’iidaysto xaaladdii dagaal ee
taagnayd. Sidaa awgeed ururkii balayax, si adag ayaa gacanta loogu
qabtay, waayo raggaa ayaa laga baqayaa inay baxsadaan, waxaana amar lagu
bixiyey inaan wax fakaag ah loo ogolaan. Ragga intooda badanina waxay
ahaayeen dibjiro iyo qaar an ehel lahayn, sidaa awgeed waxa lagu
ababiyey in aabaha keliya ee ay leeyihiin uu yahay Siyaad Barre.
Balayax, wuxuu noqday nin edeb badan, tababarkii la siiyeyna si fiican u
qaatay oo laylyamay. Sidaa darteed,wuxuu noqday askariga xerada ugu
dishibiliinka wacan. Sidoo kale, muuqaalka askarinimo iyo hanaanka
diraysqaadka, ma jirto cid xerada joogta oo ku haysataa. Hal sanno,
markii ay xeradii hiilweyne ku dhamaysteen, balayax iyo colkii ay isku
ururka ahaayeen oo aanay intaa mar qudha xoriyad iyo maalin fasax ah,
midna helin ayaa subixii dambe ururkii balayax la qaybiyey, oo inba meel
lagu tuuray. Hase yeeshee, balayax wuxuu ka mid noqday koox xul ah, oo
lagu qoray xero tababar oo la yidhaahdo Bali-doogle. Halkaas oo ay
tababar hor leh looga bilaabay, waxayna xerada balidoogle ahayd, meel
ragga la geeyo lagu siiyo carbis adag, si ay uga mid noqdaan ciidan aad
looga baqan jiray, oo la odhan jiray kamaandaws. Ninkii Balayax, mar
kale ayuu kow ka bilaabay carbis dab iyo naar ah, marka la eego xaaladda
carbiska ballidoogle, carbiskii Hiilweyne, wuxuu ragga u ahaa caano iyo
subag lagu marmarinayo. Jirabkii tababarku, wuxuu gaadhay heer ragga
baarashuud la’aan diyaaradaha lagaga soo daadiyo. Laba sanno iyo badh,
oo cir alla ka dhashay ayaa balayax, waaguna ugu beryaayey, gabalkuna
ugu dhacayey, xerada gudaheeda, waxayna 24-ka saac ee habeenka iyo
maalinta u ahayd, qac iyo baf, aan fakaag lahayn. Balayax, wuxuu
carbiska la galay hurrin 120 nin ah. Hase yeeshee, waxa carbiskii ka soo
baxay 60-nin, halka ay intii kale u qaybsameen wax jajabay, wax
tababarkii ka maandawska ku dhacay oo xeryohoodii lagu celiyey iyo wax
kuba dhintay, oo wadnuhu istaagay ama halbowle go’ay. Balayax, lixdanka
hurrintoodii ka soo hadhay oo ahaa intii geed labka ahayd, ayuu
nambarkow ahaa, wuxuuna noqday wiil xerada ballidoogle ka sheeggan oo
caan ah. Balayax, waxay tababarkii ballidoogle, ku saaxiibeen nin Raage
la odhan jiray, oo Reer Hargeysa ahaa. Raage, waxay Hargeysa isku
yiqiineen nin Balayax walaashii qaba, taas ayeyna markii u horaysay isku
aqoonsadeen.

Balayax, mudadii uu tababarka balidoogle ku jiray, waxa dalkii
Soomaaliyeed ka dhacay isbedelo iyo dhacdooyin waaweyn, oo saamayn ku
yeeshay arimihii siyaasadda, nabad gelyadii, shucuurtii dadka iyo
jawigii nololeed. Waxaana ka mid ahaa, waxyaalihii dhacay inqilaabkii
dhicisoobay ee kornayl Cirro, saraakiil la laayey, kacdoonno dadweyne
iyo dad rayid ah oo la xasuuqay. Waxa daciiftay awooddii taliskii
Milateri ee Siyaad Barre Madaxda ka ahaa, waxa yimi tafaraaruq saameeyey
meel walba. Markii ay ciidamadii Soomaalidu ka soo baxeen dhulkii
Itoobiya laga qabsaday, waxa saraakiishii iyo ciidamadii Soomaaliyeed,
soo food saartay mooraljab iyo tamar daro, taas oo keentay inay
ciidamadii Am-xaaradu, ka soo talaabaan xuduudii u dhaxeysay Itoobiya
iyo Soomaaliya, oo ay qabsadaan meelo ka mid ah, dhulkii Soomaaliyeed
sida Galdogob iyo Balanballe, oo ku yaal gobolada dhexe ee dhulkii
Soomaaliyeed.

Tafaraaruqii ku dhacay ciidamadii Siyaad Barre, waxa uu sababay inay
cutubyo ciidamadii Soomaaliyeed ka mid ahi, dib ugu goosmaan Itoobiyadii
ay la dagaalamayeen oo la saaxiibaan. Waxa samaysantay Jabhadii SSDF, ee
uu Col: cabdilaahi Yuusuf, hogaanka u qabtay, ka dibna xoogagii jabhadda
SSDF oo ka soo jeeda dhinaca Itoobiya oo taageeri jirtay, ayaa dagaalo
ka fool-kafool iyo gaadmo isugu jira, si joogta ah ugu haysay ciidamadii
taliskii Siyaad Barre. Waxaa dhamaatay dabayshii colaadeed iyo dareenkii
midaysnaa ee ku jihaysnayd Itoobiya. Waxa meesha ka baxday qiiradii
dadka lagu dagaal geliyey iyo muxubadii dagaalka loo hayey.
Subax-subxaha ka mid ah, ayuu nin sarkaal ahi u khudbadeeyey askartii
balidoogle ee uu Balayax ka mid ahaa, isaga oo ku guubaabiyey inay ka
hortagaan, wax uu ugu yeedhay qudhmista iyo kuwa dabo dhilifka u ah,
cadawga ummadda Soomaaliyeed, waqtigaa dagaal ka socday gobolada dhexe
ee dhulkii Soomaaliyeed. waxaana halkaa ku dirirayey ciidamadii Siyaad
Barre iyo jabhaddii SSDF, oo ay ciidamadii amxaaraduna taageerayaan.
Sidaa awgeed sarkaalkii u khudbadaynayey colkii balayax, wuxuu amar ku
bixiyey in guutadii uu balayax ku jiray loo qaado goobta dagaalku ka
socdo. Hase yeeshee, intii aan la rarin guutadii ayaa la sii qooro
gooyey rag gurmad ah. ragii la xulay oo ahaa 13 nin oo uu Balayax ku
jiro waxa lagu amray inay soo qaataan heeryadii dagaalka, ka dibna
markii ay soo xidheen gibishii Ciidanka kumaandawska ayaa la saaray
gaadhi ah noocii TM-ka la odhan jiray. Gaadhigaa waxa laga buuxiyey
joonyado bariis iyo sonkor ah, ka dibna waxa kooxdii askarta ahayd lagu
amray inay degdeg u gaadhsiiyaan goobta dagaalku ka socdo, iyada oo loo
sheegay inay taakulo degdeg ah tahay.

Baabuurkii TM-ka ahaa oo ay dusha ka saaran yihiin unugtii balayax ku
jiray ayaa afka saaray jiiddii dagaalku ka socday ee goldogob iyo
Ballanballe. Waxay socdaanba markii ay aagga dhuusamarreebeed, soo
waydaarteen ayey soo galeen arlo aan xasiloonayn oo ay ka jirto cabsi
iyo gebogebo colaadeed, iyada oo ay soo gaadheen jiido ay jabhadii SSDF,
ka ugaadhsato oo ay had iyo goor ka dhacaan dagaalo dhuumaalaysi ahi.
Unugtii iyo baabuurkii ay wateen, goor barqo iyaga oo waxoogaa dhaafay
tuulo la yidhaahdo Guroceel, oo ay marayaan meel ay wadadu goolad ka
gasho, dhinaca galbeedna ay kaynweyni ka xigto, ayaa askartii oo iska
faraxsan, iskana sheekaysanaya oo aan burkaba belo ka filayn, waxa mar
qudha dayaamay gariir xoog leh, qiiqa ayaa cirka isku shareeray,
gaadhigiina intuu cirka ubooday ayuu xagga kale iska rogay oo
digaandigaha noqday. Arintu wax kale ma aha ee gaadhiga waxa la kacday
miino isa saar ah oo ay wadada dhigeen rag ka tirsan jabhadii SSDF,
weliba ragga miinada dhigay meel fog ma jiraan ee waxay fadhiyaan kayn
wadada qarkeeda ah oo ay ka ilaashanayaan miinada iyo ciddii ay la
kacdo. Sidaa awgeed, markii ay gigta maqleen ayey ka soo kaceen kobtii
ay ku gabanayeen, oo ay u soo dhaqaaqeen dhinicii wax ka dhaceen iyaga
oo rasaas iska soo horaysiinaya ka dibna waxay dul yimaadeen baabuurkii
oo wadada dul-hawaara, oo digaan digaha noqday, bir laqaatona aan lahayn
iyo unugtii askarta ahayd oo wadada hareeraheeda wadhan, iyaga oo noqday
wax dhintay iyo wax dhaawacmay iyo kuwo qayabsan.

Balayax iyo kabdadii sonkorta ahayd ee uuku dulfadhiyey, ayaa markii
qaraxu dhacay dalool weyn oo ka samaysmay sagxaddii baabuurka iskala
dhexdusay, ka dibna jawaanadii raashinka ahaa ayaa balayax qariyey
waxase u banaanayd meel yar oo uu hawada ka qaadanayey, waxna ka arki
karayey. Halkiisaa ayuu sidii wax gabanaya ku noqday, oo beerka dhulka
ku hayey isaga oo aad u baqaya. Balayax, meeshii yarayd ee uu banaanayd
ayuu ka khaawisayey nimanka soo socda ee rasaasta soo ridaya, wuxuuna
moodayey ciidankii xabashida. Hase yeeshee, markii ay soo gaadheen ee ay
dulyimaadeebn, ayuu maqlay iyaga oo afsoomaali ku hadlaya, ka dibna wuu
khaawisay oo wuxuu arkay niman maryo cas-cas oo Somali ah. Nimankii
jabhadda ahaa, nimankii dhaawaca ahaa ayey dhaawac tireen oo laayeen, ka
dibna Balayax markii uu arkay saaxiibadiisii dhaawaca ahaa oo la dhaawac
tiray ayuu baqdin daraadeed qaboobay, wuxuuna ku dhabacday halkiisii.
Nimankii jabhadda ahaa, markii ay balayax mooyee askarta intii kale
nafta ka wada jareen ayey kayntii ay ku jireen kala soo baxeen baabuur
ay wateen, ka dibna raashinkii meesha yiil ayey ku daabuleen.

Balayax, raashinka la daldalanayo ayaa gabood u ah, oo uu kaga badbaaday
rasaastii qudha lagaga jaray saaxiibadiisii dhaawaca ahaa. Hase yeeshee,
marka raso la baneeyaba, Balayax waa lagu sii dhowaanayey iyada oo ay
balayax marba marka ka sii dambaysa naxdin awgeed, naftu ku sii dabo
yaraanaysay. Iraadada Ilaahay, nimankii jabhadda ahaa markii ay
raashinkii intii kale gurteen ee ay u hadhay rasadii u dambeysay ee
Balayax hoosta kaga jiray oo aan toban kab-dadood ka badnayn ayey
maqleen guux iyo siigo ku soo dhow, ka dibna intay qayl-qayliyeen oo
dhegaha taageen ayey yidhaahdeen waar ina keena gurmad cadow baa inagu
soo dhoweh. Dabadeedna intay gaadhigoodii kaxaysteen ayey yaaceen oo
kayntoodii dib u galeen. Ninkii Balayax, ayaa qoorta la soo yara baxay
oo hareeraha eeg-eegay, balse saaxiibadiisii oo wada mayd ah, mooyaane
cid kale ayuu arki waayey. Dabadeedna intuu kabdadihii dhinaca isaga
legday oo uu qorigiisana la soo baxay ayuu orad cagaha wax ka deyey.
Balayax wuxuu u cararay dhinicii kale, guuxii soo baxayeyna ma sugin, ee
orod buu miciinsaday. Balayax, nasiib wanaag, qaraxii miinadu wax
dhaawac ah ma soo gaadhsiin ee wuu badqabaa. Balayax, markii uu ilaa
meel fog cararay ee uu wax cid ah oo dabasacota ama hareer socota arki
waayey, waxa soo gashay waxooga nayaayiro ah oo u bedeshay naxdintii iyo
quustii nololeed ee uu ku sugnaa daqiiqado ka hor. Balayax, markuu isku
hubsaday inuu meel cidlo ah u baxay waxa gashay yididiilo farxadeed,
waayo waxa u ahayd fursadii u horaysay ee ku baxsado muddo afar sano ku
dhow, oo uu ku jiray xaalad aan fakaag lahayn.

Sidaa awgeed, gidiga maalintaas oo dhan wuxuu ku jiray orod fadal dheere
ah oo aanu mar ka jimcin isaga oo sidii cawl xabadi dul-martay dhababaco
dhegaha nabaya. Markii gabalku dhacay, ayuu orodkii ka xiiq tirtay oo ku
bedelay socod gucle ah, ka dibna wuxuu jeedaba goor ay saqdhex tahay
ayuu kob cidlo ah, cabaar seexday, hurdada kuma raagin ee markii waagu
soo guduutay ayuu ka booday. Afar caano maal, markuu raqle ku jiray, ee
uu uga firdhanayey meel sanqadhi ka baxayso ayuu maalintii dambe ku soo
baxay waddo baabuurtu marto, waxaana waqtigaa marayey nin oday ah, oo
Reer miyi ah, dabadeedna Balayax wuxuu go’aansaday inuu iska calool
adaygo oo ninkaa waraysto, isna tuso oo aanu iska qarin. Balayax, wuxuu
sitaa heeryadii askarnimo ee uu Balidoogle kala yimi, sida dirays madow
oo tuute ah, koofiyad bir ah, boosh iyo qori. Waxa kale oo intaa u dheer
diif iyo dhibaato dushiisa ka muuqata sidaa awgeed qofkii uu cidla kaga
soo baxo, waxa gelaysa cabsi.

Balayax odaygii markii uu waxyar u soo jiray ayuu ku yidhi “Waar
istaag”, ka dibna wuu istaagay, waa oday weyn oo tusbax uu ku werdiyayo
gacanta ku sita. Ka dibna balayax, wuxuu yidhi, “Salaama calaykum”
odaygii baa u celiyay “Wa calaykuma salaam”. Balayax, wuxuu hadana yidhi
“Adeer waxaan ku waydiiyey wadadani xagee bay tagtaa” odaygii “Waa
wadadii Buurtinle tegi jirtay”. Balayax, “Adeer waxaan kale oo ku
waydiiyey Hargeysa xagee bay inaga xigtaa”. Odaygiibaa yaabay oo gartay
inuu yahay askari fakad ah, wuxuuna u celiyey “Waar maandhe, Hargeysi
dhulka kama dhowa’e xagee baad adigu ka timi”. Odaygu wuxuu ka mid ahaa,
reeraha ku dhaqan degaamada ay jabhaduhu ka soo jeedaan, ee ay colka
yihiin Ciidamada Siyaad Barre. Dabadeedna cabaar baa la iswaraystay, oo
balayax wuxuu odayga uga waramay sidii dhulkiisii kaga yimi iyo
dhibaatooyinka uu soo maray, odaygiina wuxuu balayax u sheegay sida uu
Hargeysa ku tegi karo iyo halka uu u marayo, intaa ka dibna odaygii
intuu Balayax kaxeeyey ayuu reerkiisi geeyey, oo cunto ka siiyey.

Dabadeedna odaygii markuu Balayax gaajadii ka reebay ayuu dirayskii
askarta ka bedelay oo maryo caadiya siiyey. Odaygaasi, Balayax kabihii
askartana waa ka bedelay oo kabo kale ayuu siiyey, intaa markuu u qabtay
ayuu qorigiina ka iibsaday, oo uu ka siistay saddex boqol oo shillin
Somali ah (300ShSl.) dabadeedna intuu ka xeeyey ayuu meel waddo ah,
baabuur ka saaray, wuxuuna darawalkii baaburka ku yidhi, “Ninkaa waxaad
dhigtaa koontaroolka Buurtinle, sokodiisa” sidoo kale, odaygu wuxuu
Balayax, kula dardaarmay inuu baabuurkasta marka uu koontaroolka u
dhowyahay ka dego oo uu u lugeeyo dhinaca kale ee magaalada kasta, ilaa
inta uu Hargeysa gaadhayo si aanay askartu u ,garan. Balayax, taladii
buu qaatay, oo ku dhaqmay, waayo inkasta oo dhar shicib lebis-naa oo
aanay ka muuqan wax calaamad askari ahi, hadana marka aad wejigiisa
eegto waad garanaysaa inuu askari soo baxsaday yahay, waqtigaana askarta
fakadka ah aad baa loo baadhi jiray, hadii la qabtana ciqaabtiisa dil
baa ugu yaraa. Balayax wuxuu u dhashay nin cas. Hase yeeshee, duruuftii
uu maray ayaa midab-doorsoon ku ridday, oo wuxuu noqday dugul madaw,
labada indhoodna waxay noqdeen kabbodhiig ah, wejigiisa farxad iyo
dareen caadiya lagama akhrisanayo, waayo wuxuu soo maray xaalad uu ku
farxad guuray, garbaha iyo luqunta ayaa tigraarmay, talaabadiisuna
gaardis waxba kama duwana, labada suxul ee gacmaha iyo labada ruug, waxa
ka fuushay qolof adag, oo ay keentay xamaarashadii tababarka.

Wuxuu u muuqdaa nin duni cusub ku soo biiray, oo isfahamka dadka iyo
dhaqanka noloshu, waa ku dagam-dagam. Wax badan buu illaaway, waxaanse
marna ka bixin Cudbi, wuxuuna qalbiga ka leeyahay “Cawo iyo ayaan
badanaa qof mar qudha indhihiisu qabtaan Cudbi”. Balayax, haraadka iyo
hamuunta uu dadkooda u qabaa waa bilaa qiyaas, dhuumaalaysi iyo
isban-baanin qayral xad ah, ayuu ku soo dhaafay jid dheer, askartii uu
ka baqayeyna Alle ma tusin. Balayax, wuxuu socdaba goor fiid ah ayuu soo
galayay Hargeysa, wuxuuna markii u horaysay galay Hudheel cunto. Markii
uu kursiga badhida la helay ayaa mudalabkii hudheelka soo dul joogsaday
oo waydiiyey, waxa uu doonayo, ka dibna Balayax, wuxuu mudalabkii
weydiiyey qiimaha raashinka. Balayax mudalabkii baa u kala sheegay,
qiimaha cuntada ka dibna Balayax isaga oo jeebkiisa ku xisaabtamaya ayuu
yidhi hilib ii keen, waxaana haysay bahal gaajo ah oo ku raagtay, waayo
ilaa maalintii la raafay ma helin oon xoolaad oo hagaagsan, mudadii uu
baxsiga ahaa ee uu jidka ku soo jirayna dhadhamo mooyaane, mar qudha
cunto uu ka gaajo beelo uma fadhiisan. Sidaa awgeed saddex wasladood oo
hilib ah, ayuu lafahoodii miiskii hudheelka kaga tagey, markuu gaajo
beelay ayuu kacay oo lacagtii iska bixiyey. Dabadeedna markuu lacagtii
dhiibay ayuu ninkii hudheelka haystay si asluub leh u waydiiyey, inuu u
tilmaamo cid haybtooda ah, oo meelaha degan (isaga oo u sheegay
Ekiskiisa), ka dibna nasiib wanaag ninkii hudheelka haystay ayaa farta
ugu fiiqay dukaan ka soo horjeeda oo ku yidhi, “Dukaankaa ayaa ah heybta
aad sheegtay ee u tag”. Wuxuu soo galay dukaankii, Qoladii dukaanka
lahayd, hore uma garran Balayax, laakiin markii ay haybsadeen ee uu
inaayadiisa sheegay ayey garteen. Ka dibna intay cid ku dareen ayaa lala
raadiyey gurigii walaashiisii magaalada lagu qabya, oo Ruqiya la odhan
jiray. Goor caways ah ayey Balayax iyo wiil lagu soo daray isa soo
hortaageen oo gargaraaceen albaabka gurigii Ruqiya. Afar sano oo wax yar
la,baa laga joogaa markii Balayax samir iyo iimaan laga qaatay, ee
axankiisa iyo agaskiisa la cunay, looguna faataxeeyey inuu Ilaahay
janadii ka waraabiyo, wuxuuna reerkooda iyo ehelka kaleba ugu tirsan
yahay maytida aakhiro. Ruqiya, waxay ahayd gabadhii ugu baadidoonka
badnayd, waxaana raacdadiisa ka soo gaadhay dhib badan oo naf iyo maalba
leh, marna xisaaabta ugama jirto Ruqiya waxaad dib dambe u arkaysaa
walaalkaa Balayax, taasi waa dunida oo si kale la yidhaahdo. Balayax iyo
wiilkii lasocday, waxa albaabka ka furtay gabadh yar oo Ruqiya dhashay,
waxayna tidhi “Waa ayo”, ka dibna wiilkii kale ayaa yidhi adeer gurigu,
ma yahay gurigii Ruqiya, “Haa” bay yartii tidhi, markaasay ku
yidhaahdeen, Ruqiya ma joogtaa markaasay yartii tidhi, “Haaye soo
dhaafa”, ka dibna yartii intay dib u carartay baa tidhi “Hooyo labo nin
baa ku doonayee, kaalay la hadal”. Ruqiya, waxa waqtigaa la fadhiya labo
gabdhood oo kale, oo ay Balayax walaalo yihiin iyo eedadii. Ruqiya,
iyada oo aan soo kicin ayey qolkii ay fadhiday kor uga dhawaaqday oo
tidhi, “Maxay yihiin nimanka goortan I doonayaa, waa kuwama” Balayax, oo
markuu dhawaaqeedii maqlay jidhidhico saaqday ayaa ku jawaabay “Waa
walaalkaa Balayax” ka dibna kuligood intay marqudha kor u wada boodeen,
ayey dhamaantood oo dumarkii oo dhami kor ugu qayliyeen “Yaa
Balayaxaa!!!), mar labaad ayuu yidhi, “Haa waa Balayax”.

Balayax codkiisu, waa isbadelay oo gabdhihii walaalihii hore waa u garan
waayeen laakiin eedadii ayaa markiiba codkiisa garatay, ka dibna intay
labo qof ka sokeeyey soo jiidhay ayey haw soo tidhi, oo intay albaabkii
wada balaqday, ayey iftiinka laydhka ku eegtay, saa waa laftiisii.
Dabadeedna islaantii eedadii markii ay hubsatay inuu Balayax yahay ayey
dug ku tidhi, gabdhihiina way sooyaaceen oo dhinacooda ayey qabsadeen,
qaylo iyo sawaxan baa la isla oogsaday, farxadi waa naxdin baa meeshii
ka dhacday, ninkii Balayax ayaa inta hareeraha la qabsaday lagu degay,
muddo nusasaace ka badan, ayaa laga fuqi waayey oo hareeraha laga
lushay. Ilmada iyo dhareerka ayaa la isku daray, aragtidii Balayax, waxa
ku dareertay ilmo u dhiganta, tii loo ooyey markii la waayey. Dadkii
jaarka ahaa ayaa ku soo yaacay buuqii iyo sawaxankii oo is yidhi, talow
maxaa dhacay, ka dibna dadkii jaarka ahaa, waxay isku soo shubeen
gurigii Ruqiya, si ay u waydiiyaan waxa dhacay. Hase yeeshee, dadkii
deriska ahaa wax jawaababa way waayeen, waayo dadkiiba waa isla wada
maqan yihiin oo Balayax baa lagu fooraraa, mar dambe ayaa caruurtii
Ruqiya dhashay yidhaahdeen abtigayo Balayax baa la helay. Dadka jaarka
ahi, way garteen Balayax, inuu yahay ninkii Ruqiya ka samri wayday, ka
dibna farxaddii iyo rayn rayntii bay jaarkiina la qaybsadeen ehliyaddii
Balayax goor dambe ayaa dadkii waxoogaa kala yara fadhiistay oo
sawaxankii damay, laakiin Ruqiya ayaa nafba laga waayey oo ku dul
qalashay Balayax, ka dibna dadkii ayaa in nusaasace ku dhow, ku
mashquulay sidii ay labadan qof u kala furfuri lahaayeen, inkasta oo
lakala furfuray hadana gabadhii Ruqiya jirjirka u dhacday oo miyirba
laga waayey. Saacad iyo badh, markii la dul joogay ayaa dhakhtar loo
keenay. Dhakhtar ayaa Ruqiya ku muday dawada qofka dareenkiisa dejisa,
cabaarna Balayax laga yara qariyey, markaas ayey goor dambe soo mirowday
oo yara ladnaatay.

Ninkii dhakhtarka ahaa, ayaa canaantay ninkii Balayax guriga soo tusay
oo ku yidhi, “Nin dhimasho lagu tiriyey, ma aha inaad sidaa kadiska ah
mar qudha guriga u soo daf siiso ee warkiisa ayaa la soo horaysiiyaa, oo
iyadoo warkiisa la sii hayo ayaa guriga la keeno, waayo horaa loo yidhi,
Farxaddi waa naxdin oo dad badan baa dunida farxad u dhintay ama shook
qaaday”. Markii dadkii kale ka tegay, ee ay Balayax iyo dadkoodii isku
soo hadheen, habeenkaas oo dhan reerkii farxad awgeed, cunto ma cunin,
hurdana maledin. Markii ay asqadii farduhu 24 saac oo aan kala go’lahayn
socotay, ayaa Balayax ka waramay siddii loo raafay iyo muddadii uu
maqnaa wixii uu ku aadanaa, isagoo ka sheekeeyay duruufihii uu soo
maray, waxaanay dadku ku dhegeysanayeen jawi xasiloon isla markaana ay
si xun uga murugoodeen, jirabaada Balayax la mariyay. Iswaraysigii oo
sidii u socda ayuu balayaxna dhiniciisa ka waraystay xaalada dadkoodii,
wax dhintay iyo wax nool iyo qof waliba waxa uu ku sugan yahay. Waxa
kale oo uu si gaar ah u waraystay labadiisii waalid ee dhalay isha ay
leeyihiin, intaa markii looga jawaabay ayuu dhab ahaan u waraystay
shakhsigii uu warkiisa sida Cudbi, waxaana isla markiiba loo sheegay in
sanad hore aad ka uga jeel qabay, oo ay aftidiisa tahay sarkaal
Ciidamada ah, laba caruur ahna ay u leedahay.

Markii warkeeda laga dhargiyay, ayaa mar qudha wahab naxdin leh iyo
dhogor madoobaan ninkii Balayax isla dhalan rogay wuxuuna af-dhabaandhow
ku yidhi, “oo hadda xaggee ayay degan tahay?”, waxaana loo sheegay in ay
degen tahay guri ku yaala xaafada shacabka Hargeysa, kaasi oo loo
muujiyay hadda in aanay doondoonisteedu waxba ugu fillayn isaga Balayax
oo markii uu ogaaday in Cudbi la guursaday damaca dumarba ka aguugay,
taasi oo ula mid ahayd in dhamaan wixii dumar arlad joogay la wada
guursaday, maalmo dhawr ah markii uu joogay magaalada ee uu baashiraada
iyo booqashooyinka dadkooda dhex dabbaalanayay in kastoo isagu uu aad u
faraxsanaa, haddana waxaa kolba qanjiidho murugo leh ku dhufanaysay
xusuusta gabadhii Cudbi ee calafku kala walwaalay taasi oo uu maaro u
waayay tab kale oo uu ku soo nooleeyo jacaylkii Cudbi, nin macag la
noqday muddadii uu Hargeysa joogay ayuu Balayax ka codsaday inuu soo
tuso barada ay Cudbi degen tahay, taasi oo ninkiina ka ogolaaday, goor
fiid cawl ahayd ayay Balayax iyo ninkii kale isa soo raaceen oo soo
raaceen baska taga xaafada shacabka ee Cudbi lagu qabo. Intii ay baska
saarnaayeen, Balayax waxaa ku mudnaa jawi tashi badan oo aan wiilka kale
la qabin, waxaana qalbigiisa ku soo burqanay oo uu isweydiinayay su’aalo
ay ka mid ahaayeen tolow markaad is aragtaan maxaydun is odhan?, isagoo
is tusayay sawiro ah, miyaydin isku dhegi doontaan?, miyaydun isku ooyi
doontaan? Isagoo jeclaysanayay oo is tusayay filim ah iyadoo Cudbi marka
ay aragto Balayax caashaqii hore la jibooto oo inta ay ku soo boodo xubi
darteed ay ilowdo ninkii qabbay oo ay isaga soo raacday, waxaa kale oouu
is tusayay cabsida uu ka qabo askarta iyo khatarta kaga iman karta, nin
sarkaal ah oo uu afadiisii damaaciyay. Gabadha Cudbi iyada qalbigeeda
saamayn yarna kumuu reebin waayihii jacaylka Balayax, waxaanay xilligaas
ku jirtay nolol aad uga fog tii ay Balayax isku bartee, waayo waxaa
Balayax iskugu dambaysay iyada oo inan yar oo Reer miyi ah laakiin imika
waa afo qabowsatay oo uu qabo sarkaal garbo guduudan, deggena guri fiilo
ah oo kala jiidan oo rag iyo dumar badani nadiifintiisa iyo
illaalintiisa ku mashquulaan, waxa kaliya ee ay ka fikirtaa Cudbi isu
qurxinta ninkeeda, waxaanay dhegaysataa shagaxda dahabka tirada badan ee
curcuradeeda ku jira, sidaas darteed ma xasuusato wiil yar oo ay baadiye
isku jeclaadeen, bari fog. Balayax iyo Wiilkii kale baskii ayay kaga
degeen meeshii gurigu ugu dhawaa, iyagoo kalsoonidu ku yar tahay,
maarran waana aanu ka madhnayn.

Balayax, markii albaabka laga furay, ayuu hallacsaday Cudbi oo daaradda
taagan dabadeedna indhaha ayuu aad ula raacay, ka dibna iyada oo ay
indhihiisu aad ugu takhlan yihiin dhinaca Cudbi ayuu yidhi, “Waxaad ku
tidhaahdaa, waxa ku doonaya Balayax” marka uu Balayax sidaa leeyahay
Cudbi way maqlaysaa, oo daaradda ayey ka dhegaysanaysaa, laakiin fursad
iyo xiiso badan uma hayso salaan iyo booqasho, waayo nolol kale ayey
gashay. Hase yeeshee, ninkii askariga ahaa ayaa jawaabtii Balayax, dib
ugu celiyey gabadhii Cudbi oo ku yidhi “Ninka ku doonaya Balayax baa la
dhahaa, ayuu yidhi” Cudbi ayaa markaa tidhi “Balayaxaa-Balayax miyaanu
ahayn, ninkii lawaayey ee geerida lagu tiriyey, xagee buu ka yimi, muxuu
aniga ii doonayaa waar fursad uma hayo ninka waqtigan soconaya’e
albaabka noo soo xidh”, ka dibna aqalkeedii ayay dib ugu noqotay. Ninkii
Balayax markuu hadalkaa maqlay ayuu hoos u foorarsaday oo khajilaad la
gabax yidhi, korkiisana waxa shax ka soo yidhi dhidid buurbuuran,
waxaase intaa u dheeraa askarigii ayaa bahal hanjabaad ah ugu
qaadqaaday, oo ku yidhi “Waaryaadha waa igaarada, guryo dad leeyahay oo
aydaan garanayn ayaad iska soo gargaraacaysaan, waar fagoof yaan la idin
xidhxidhine”. Ninkii Balayax oo awelba sas iyo cabsi ka qabey askarta
ayaa naxdin la qaboobay oo sida barafka dhalaali gaadhay.

Balayax waxa la yaab ku noqotay oo uu liqiwaayey, sida ay Cudbi ula
dhaqantay iyo dafiraadda ay kala hortimi. Hase yeeshee, hab dhaqanka
qalafsan iyo jawaabta filan waaga ah, ee ninkii Balayax alla kaga keenay
gabadhii Cudbi waxay naftiisa u noqotay xabbad kiniin ah, oo ka jebisa
xummadii caashaqa ee haysay. Balayax oo ay ka guuxayso wadhidii
maskaxdiisa caashaq ee haysay. Wadhidii meesha ka raacday ayaa ka soo
hullelay tibadday gurigii walaashii. Balayax wuxuu gurigii walaashii
tegay iyada oo ay dad ku urursan yihiin, oo buuq ka jiro dadkuna naxdin
la yool-yoolsan yahay Balayax waydiiyay waxa dhacay waxaana Balayax loo
sheegay inay guriga baadheen askar koofiyad cas ah, oo isaga doonaysaa,
waxyar ka horna uu guriga hortiisa ka dhaqaaqay gaadhi ciidan ahi.
Dareen naxdin leh iyo yaacyaac, ayaa xaafaddii Balayax walaashii ka
abuurmay, waxaana Balayax lagu soo qariyey xaafad kale oo reerahoodu
leeyihiin. Dabadeedna habeenkii ayaa laga tashaday Arrinta Balayax,
waxaana la go’aansaday in magaalada laga saaro. Waxa la isla soo qaaday
in reerkii miyiga loo diro, balse waxa laga baqay inay Ciidamada
Itoobiya ee xuduudka joogaa qabtaan oo moodaan Askari Ciidamada
Soomaalida wax u basaasaya, dabadeedna xagga reerka miyiga waa lagala
walaacay, magaaladiina laguma hayn karo, balse waxa aakhirkii la
go’aansaday in Djibouti loo diro. Subaxnimadii ayaa ninkii Balayax loo
lebisay dhar dumar, ka dibna inta diric, googarad iyo foodad jiq lagu
siiyey ayaa gaadhi Djibouti u socda la saaray, waxaana raacday islaan
eedadii ahayd. Intii ay ku sii jireen jidka u dhexeeya Hargeysa iyo
Djibouti, Balayax wuxuu ahaa gabadh dheer oo madow, oo weliba dhego la’
sidaa ayuuna kaga nabad galay askartii koontaroolada fadhiday, hadii
kale judhaa dhab la siin lahaa, waayo taarkiisuna meel kasta waa yaalay,
wejigiisana judhaa la garanayaa inuu askari baxsad ah yahay.

Balayax iyo eedadii goor caweysin dambe ah, ayey galeen magaalada
Djibouti. Dabadeedna waxay ku degeen xaafad ay qaraabo fog yihiin, waxa
ku noolaa dad badan oo hurdadu cidhiidhi bay ahayd, weliba qol walba
dumarbaa jiifay oo ragga way ku hurdo xumayd. Hase yeeshee, xaafad kale
magaalada kamay garanayn sidaa awgeed xaafadoodii ayey iska
cidhiidhsadeen. Balayax wuxuu la seexday laba wiil oo kale meel daarad
ah, seexda habeenkii aroortiina goor hore ka toosa. Labada wiil ee kale
suuqooda ayey xulaan, oo habeenkii uun bay soo hurdo tagaan, laakiin
Balayax ma garanayo meel kale oo aan gurigan ahayn, sidaa awgeed kaabad
albaabka guriga ku taal ayuu maalin oo dhan fadhiyi jiray, habeenkiina
daaraddiisa ayuu dib u soo jiifsadaa. Balayax, magaalada Djibouti ee uu
joogaa ma ahayn meel uu iyada lafteeda beri ku yahay waayo jaandaaranka
Djibouti ayaa dadka, wixii aan sharci lahayn, waagii beryaba raafaya oo
Soomaaliya dib ugu celiya, mana garanayo meel kale oo uu uga gudbo,
takale hadii uu meel uun afka iska saari lahaana mahaysto wax aduun ah
oo uu ku jidmaro, halkii uu u dhashayna isaga oo aan cidna dhagar ka
gelin, waatii ay dantu maryo dumar u gelisay ee cir iyo dhulba loo
diiday. Balayax, malahayn wax balwad ah wuxuuse aad u jeclaa shaaha.
Dhinaca dad dhexgalka iyo sheekadana wuxuu ka ahaa ammuumiyaha la
sheego, haasaawe iyo sheeko dumarna Cudbi ka dib, dibnaha uma kala
furin, wuxuuna maalintii waqtiga ku dhamaystaa hadh-qoodalka guriga uu
daaradiisa jiifsado. Guryaha Djibouti, waxay muunadoodu ku xidhan tahay
hadba shaqada qofku haysto, oo hadii uu qofku shaqo hayo rinji baa
guriga lagu subkaa, hadii qofka shaqadu ka dhamaatana gurigiisa dushiisa
ayaa laga gartaa inuu qofkaasi camal la’yahay. guriga ay Balayax iyo
eedadii ku degeen, wuxuu ka samaysan yahay jiingad iyo loox, waana guri
dul abaar ah, oo uu qofka arkaa iska garanayo inuu qofka gurigan lihi
shoomeer (bilaa shaqo) yahay. Maqsinada guriga, waxa sida waadhka u
jiifsada xaawalay ciiddaa ka badan. Sidaa awgeed, Balayax daaradda uu
jiifsado iyo kaabadda albaabka hore iyo dib midna uma dhaafo, waxaana
kabjarta ka dhigtay joog-joog xumo iyo xaalad cidhiidhi ah.

Balayax, wuxuu markii uu muddo joogay isku deyey, inuu camal doondoono,
oo albaabka hore u dhaafo, balse xirfad magaalo waxba kama yaqaan, oo
sooyaalka noloshiisa waxba uma dhexayn Xero gaal iyo xero askareed.
Balayax mudadii uu tababarka askarinimo ku jiray, wuxuu si fiican u
bartay qoraalka af-soomaaliga, sidoo kale nambarada xisaabtana wuxuu ku
qori jiray far qaloocan takale boodh kasta oo wax ku qorran yihiin iyo
xaashi kasta oo wax ku qorran yihiin, wuxuu isku hawli jiray inuu
akhriyo. Balayax, maalintii dambe ayuu bilaabay inuu ku lug daro labadii
wiil ee ay daaradda wada seexan jireen, wuxuuna subax walba suuqa uraaci
jiray mid ka mid ah labadii wiil. Wiilka uu Balayax raacaa, wuxuu maryo
huudhaydh ah ku iibiyaa meel u dhow waddo baabuurtu marto, Balayaxna
huudhaydhka ayuu wiilka la iibiyaa, maalmaha qaar ayey askarta Djibouti
suuqa ku soo figaasaan, oo ay maryaha huudhaydhka ahna kala qubaan,
qolyaha iibinayana waa la raafaa. Hase yeeshee, Balayax aad buu uga
feejignaa in inta la qabto dib loogu masaafuriya Soomaaliya. Balayax,
waxa tartiib-tartiib uga sii hadhaysay diiftii iyo darxumadii uu ka
dhaxlay, askarinimadii iyo waayihii uu soo maray, aakhirkiina intuu xuub
dhacsaday oo labeeni martay ayuu dib u soo noqday shacnigiisii. Dhinaca
kalena marba marka ka dambeysa, waxa u sii kordhayey il magaalo, wuxuuna
in doora ka fahmay shuqulka magaalada iyo sida loogu noolaan karo. Wuxuu
wadaba, wuu durugsaday, wuxuuna ilaalka ka hooyey iibinta dharka iyo
dus-duska suuqa. Wuxuu noqday nin aamin ah oo aanu qofka bartaa weligii
ka xiiso goynayn. Balayax, inkasta oo uu magaaladii aad u dhex galay,
waxbadana kala qabsaday dhaqanka iyo nolosha magaalada, hadana marqudha
kuma daqaqamin balwadaha ay dhalinyarada qayrkiisa ahi, sida duqsi fuud
(maraq) arkay ugu daateen. Balayax, aakhirkii wuu ka dalacay
huudhaydhkii, wuxuuna u wareegay iibinta dharka cusub, oo inta uu soo
iibiyo waxoogaa mushqaayad ah laga siin jiray, ka dibna mushqaayadihii
la siin jiray ayuu urursaday, wuxuuna aakhirkii noqday nin iskii wax u
iibsada, isaga oo hadba waxoogaa dhar ah, oo ka sii dabo macaasho
mac-daarada waaweyn ka soo iibsada. Balayax, wuxuu markii dambe ku caan
noqday iibinta dharka haweenka, isaga oo dharka dumarku xidhaan la
meeraysan jiray suuqyada magaalada iyo suryooyinka xaafadaha Djibouti,
waxa inta badan waxka iibsan jiray dumarka guryaha jooga iyo gabdhaha
adeegtooyinka ah, ee xaafadaha u shaqeeya. Balayax, waxa mararka
qaarkood, ku dhici jiray inay gabdhaha xaafadaha u shaqeeyaa ka
amaahdaan duruuc ama garbo saaro, dabadeedna markuu maalmo ka dib
isyidhaahdo lacagta u doono, ayaa markuu guriga yimaado loo sheegaa inay
shaqadii ka tagtay, balse in kasta oo lacago yaryar lagala tegi jiray,
hadana kuma khasaari jirin, ee marba qadar macaash ah ayuu ka heli jiray.

Balayax, wuxuu ahaa nin aan balwadi dhuuqayn, oo waxoogaaga uu ururiyo
jeebka ayuun buu ku hayaa. Sidaa awgeed wuxuu lacag u dir-diri jiray
reerkooda oo uu duco ka shaqaysan jiray. Soomal haadka iyo hanfiga
kulaylka xeebta Djibouti, marqudha kama hadh geli jirin, sidaa darteed,
marka ay gol-casta duhurnimo ugu daran tahay ee ay cid waliba meel
hadhle ku eerato, Balayax waxa lagu arki jiray laamiyada iyo
luuq-luuqyada xaafadaha dhexdooda, isaga oo doondoonaya cid uu wax ka
iibsho. Balayax, qoraxdu saaxiib lama ahayn, ee sida ay dadka kale u
gubayso ayey isna naftiisa u gubaysay, waxaase dabada ka waday naftiisa
oo waxay quudato ka rabto waagii cirguduutaba, Jabuutina kuma haysto
eheliyad uu nafta kula eerto markay dhanaanaato. Waxa kale oo jiif iyo
joogba u diiday waayaha Reerkuudu ku sugan yahay, iyada oo ay colaad iyo
abaari isku barkaday mood iyo noolba ka rifeen. Waxa jirtay gabadh
Sukhra la yidhaahdo oo ku nool magaalda Djibouti, goor casar gaaban ah
oo ay shamsadu joog warran le’eg dhulka ka sarayso, walwalka xeebtuna
soo dhacay ayey Sukhra hurdo ka toostay. Ka dibna iyada oo gashan
xamaalad khafiif ah oo ay ku seexatay, tuwaal yar-na tuurta ku sidata
ayey gashay, xamaamka maydhashada. Dabadeedna is hoos taagtay qasabadii
qubayska, oo ay biyo isku shagax siisay, in yar ka dibna waxay ku soo
noqotay qolkeedii, ka dibna iyada oo lebisan xamaaladii khafiifka ahayd
ayey is hortaagtay muraayad weyn oo ku taal wajahadda kabadhka dharka
lagu gurto oo qolkeeda gaar ah dhexyaal. Sukhra, waxa hamashka dhigay
bahalo timo ah, oo tiro iyo tayabo leh, ka dibna intay dabada qabsatay
saqaf ku shaqaysa dabka laydhka, ayey si farshaxanimo leh ugu furaashtay
timaheedii. Sukhra, markay humaagta muraayaddu tustay inay quruxdii
wejigeedu baraarugtay, oo uu jidhkeeda ka duulay cambuskii hurdadu, ayey
hadana soo qaadatay, mindiisha ciddiyo gamuurta ah, oo ay isku dhishay.
Sukhra, waxay kursi soo dhigatay daaradda hore ee gurigooda. si ay u
daawato dhaqdhaqaaqa suuqa iyo dadka marmaraya wadada laamiga ah ee
gurigooda ka horeysa. Sukhra, waxa ku dhacaysa neecaw macaan, oo ah
wal-wal galabeed lagu yaqaan dhul xeebeedka, waxayna indhaha la
raac-raacaysaa dadka iyo baabuurta wadada isdhex qaadaya, balse dadka
iyo baabuurta isku si u xiisayn mayso, ee guuxa iyo dhaqdhaqaaqa
gawaadhidu, dareenkeeda waaba dhibayaan. Sidoo kalena, haweenka wadada
marmayaa aragtidoodu wax qiimo ah uguma fadhido, waxayse indhaha aad ula
raacraacaysaa wiilasha dhalinyarada ah eefaceeda ah, kuwaas oo ay
isheedu si shiishka qoriga u qabanayso, isla markaana ay bidhaantooda
aad u jeclaysanayso. Sukhra, waxay kolba wiil indhaha la sii raacdaba,
waxay markii dambe marqudha isha ku dhufatay bidhaanta wiil barbaar ah,
oo ay cadceedda galabnimo salaanta wejiga ka hayso, waana bidhaantii
sadexaad dhinaca ragga ee ay indhaheedu si sugan u milicsadaan qadarkii
ay daaradda fadhiday, wuxuuna wiilkaasi garbaha ka kala riday maryo
dumar, oo uu iib ahaan ula meeraysanayo. Sukhra, intay kor u kacday ayey
jeedaalo xiiso leh aad indhaha ula raacday iyada oo qadar toban daqiiqo
ka badan si aan limiqsi lahayn ugu dhaygagtay.

Wiilka dhalinyarada ah ee maryaha dumarka la wareegayaa ee ay gabadha
dareenkeeda soo jiitay, waa Balayax. Hase yeeshee, Sukhra ma taqaan
magaciisa, waase markii saddexaad ee ay aragto.Balayax, wuxuu
warwareegaba, wuxuu ku soo dhowaaday Sukhra gurigoodii, isaga oo
deydeyaya cid ku tidhaahda dirica ama googaradu waa imisa. Isla markaana
Balayax, cid maryo ka iibsanaysa oo maryahaa markay aragto u yeedha
mooyee, ma rumaysna, xisaabtana uguma jirto cid baa aragaaga
xiisaynaysa. Sukhri iyo Balayax, waa laba qof oo aan xagga nolosha
abtirsiimo wadaagin ee kala fog. Waayo Sukhra, waxay ka dhalatay qoys
maalqabeen ah, oo aad u laddan, oo ay baahida nolosha kala yara
dhuunteen. Sukhra, waxay ayaamo ka hor ka timi dhinaca magaalada Baariis
ee caasimadda Faransiiska, halkaas oo ay kaga jirto jaamacad sharciaga
lagu barto, waxayna ku jirtaa fasax. Sukhra, midabkeedu waa maariin,
laakiin barwaaqada iyo bii’ada ay ku nooshahay ayaa jidhkeeda aad u
subkaya, waxaana midabkeedu u ekaaday casaan dhalaalaya oo midabka
dahabka oo kale ah. Sukhra, inkasta oo ay tahay gabadh Reer magaal ah,
oo aqoon iyo il magaalo wax badan ku soo dhex jiray, hadana ma aha qof,
ku milantay ilbaxnimada khaayiska ah. Sidaa awgeed, way ka badbaaday
isticmaalka alaabooyinka kiimikada ah, ee ay gabdhaha qaarkood quruxda
ka dayaan, quruxdii Sukhra, waxay ahayd, qof garasho leh, oo caqligeedu
ku fillan yahay. Sidaa darteed markii ay ka caantay, waxay diiradda
saartay oo ku dhaqaaqday inay mustaqbalkeeda ka shaqayso oo ay nafteeda
iyo shakhsiyadeeda dhisto, waxa kale oo himilooyinkeeda nololeed ee ay
higsanaysay ka mid ahaa inay hesho nin xalaal ah, oo ay nololsha wada
qaybsadaan. Sukhra, tiro labo galbood oo hore ayey indheheedu qabteen
Balayax, waxayna ku milicsatay daymo dhumuc leh iyo dareen xiiso leh.
Sidaa darteed, Sukhra, waxay aragtida Balayax, ku beertay damac jacayl
iyo dareen soo jiidasho leh, isla markaana waxay labadii galbood ee
horeba, u hollatay inay la hadasho, waxaase walaaciyey aqoon la’aan iyo
il nugayl gabadhnimo, laakiin galabtaa oo ahayd, galab saddexaadii waxay
ku talo gashay inay la hadasho oo ay xidhiidh iyo sheeko la bilwodo.

Balayax, wuxuu warwareegoba, wuxuu soo hormaray sekeddii uu ku yaalay
guriga Sukhra, ka dibna dumar horfadhiyey xaafado ay Sukhra reerkooda
deris yihiin ayaa joojiyey oo eeg-eegay maryihii uu iibinayey, balse
intii uu Balayax dultaagnaa dumarkii ayey Sukhri u soo baxday debedda,
ka dibna markuu dumarkii ka soo dhaqaaqay ayey u yeedhay, dabadeedna wuu
ku soo leexday, wuxuuna markaa sitaa duruuc miidhan oo ay tiradoodu
gaadhayso ilaa dhowr iyo toban diric, oo ah noocyada aan aad u qaaliga
ahayn. Balayax, markii uu soo dul joogsaday Sukhra ayey ku tidhi “Waa
imisa qiimaha maryuhu”. Ka dibna wuxuu ugu sheegay qiimo jaban.
Dabadeedna waxa ku tidhi “Waan kaa wada iibsanayaaye lacagtooda isku
xisaabso”. Balayax, intuu aad u farxay ayuu xisaabtii u sheegay. Sukhra,
maba xidhato duruucda noocaas ah, sidaa awgeed intay kala bixbixisay
ayey markiiba u qaybisay dumarkii ay jaarka ahaayeen iyo dumar kale oo
masaakiina. Sukhra, intay gurigii dib ugu noqotay ayey lacagtii uu
sheegtay, u soo qaaday ka dibna intaanay lacagtii gacanta u gelin ayey
ku tidhi “Walaal magacaa”, markaasuu yidhi, “Balayax baa la
iyidhaahdaa”. Dabadeedna intay lacagtii u dhiibtay bay ku tidhi,
“lacagtii waa tane hoo, laakiin waxaad yeeshaa caawa todobada fiidnimo
guriga iigu kaalay muraadbaan kuu leeyahaye”. Balayax, intuu yaabay buu
ku yidhi “ma aniga”, markaasay tidhi “Haa”, ka dibna wuxuu ku yidhi “Waa
yahay” Sukhra markale ayey ku celisay “hada ha iigoyn waan ku
sugayaaye,” Balayax wuxuu isna ku celiyey “Waayahay waayahay”. Sukhra
intay yara qososhay ayey tidhi “markaad guriga timaado Sukhra ayaan
doonayaa dheh, magacana ha ilaawin” intaa markii la is yidhi ayuu
Balayax degdeg u dhaqaaqay intuu lacagtii jeebka gashaday, Sukhra markuu
Balayax dhaqaaqay ayey sii daawatay sii jeedkiisa, ka dibna markii uu ka
libdhay ayey gurigii dib ugu noqotay, iyada oo isku qancisay inay hawl
badan nafteeda u qabatay galabtaa, farxadna la kala badatay.

Balayax, waxa oogadiisa ka muuqata diif iyo darxumo badan, waayo waa nin
aan nolol wanaagsan ku noolayn oo maalin oo dhan cadceed
wareegaalaysanaya, habeenkiina daarad jiifsanaya. Hase yeeshee, Sukhra
waxaasi uma muuqdaan ee waxa kaliya oo u muuqda suuradiisa yaabka leh
iyo rabitaankeeda nafsaaniga ah, waxaaba laga yaabaa dookhu waa cajiibe,
inay diifta iyo suuradda nololeed ee ka muuqata ku raacday. Naftu waxay
jamato, loogama taag helee, Sukhra si aan qiyaas lahayn bay nafteeda ugu
qancisay Balayax, waxayse hoosta iswaydiinaysay, “Talow xaas maleeyahay”
balse, xataa hadii uu yeesho xaas kale, dareenkeedu kama xiiso goynayo
oo waxay nafteeda ku qancisay inay macal xaaskiisa ku qaadato. Sukhra,
aabaheed wuxuu ka werweri jiray inay gabadhiisu dhaqanka gaalada ku
milanto, oo ay maalinta dambe nin gaal ah, ula timaado wuuna nebcaa
dhaqanka gaalada. Sukhra, aabaheed wuxuu wadnaha farta kaga hayn jiray
in la soo sheego gabadhiisa oo Baariis nin faransiis ah jaas kula
cayaaraysa, weligiina ma filayn inay jeclaan doonto, wiil yar oo
wadooyinka magaalada iyo luuq-luuqyada xaafadaha dhexdooda dayac iyo
qoraxi ku dilootay. Hase yeeshee, Sukhra iyo aabaheed way kala war
la’aayeen waayo Sukhra ma jeclayn ragga dabaqade sare ku nool iyo
wiilasha reeraha laddan ka dhashay dhaqanka gaaladana way nebcayd.
Markii ay xiligii ballanta gaadhay ayuu Balayax gurigii Sukhra soo
qabtay, isaga oo aanay maskaxdiisu waxyarna ka mallaynayn muraadka ay
gabadhani ka leedahay. Balayax, ma soo bedellan ee waa suuradii uu
galabtaa kaga tegay, Sukhra wuxuuna xidhan yahay shaadh iyo surwaal uu
huudhaydhka kala soo baxay oo meel walba ka cadaaday siduu qoraxda ula
wareegayey iyo kabo buudh ah oo afka hore ka daloola oo markuu
talaabsado ciidda cantuugaya. Jidhkiisa waxa ka soo uraya siifadii ka
soo raacday bacadkii uu maanta oo dhan meeraysanayey iyo dhididkii ay
golcastu jidhkiisa ka tuujisay. Balayax, markuu gurigii Sukhra tegay ee
uu albaabka garaacay, waxa ka furtay gabadh oo ku tidhi, “maxaad
doonaysaa”, markaasuu ku yidhi “Waxaan doonayaa Sukhra” dabadeedna
gabadhii intay huruuftay ayey ku tidhi, “Waryaa huudhaydhle yaa ku baray
Sukhra, waar soco”. Balse intaanu Balayax dhaqaaqin ayaa Sukhra oo
dhegtu taagnayd hadalkii maqashay, ka dibna intay haw soo tidhi ayey
gabadhii Balayax la hadashay indhaha kaga dhacday, oo weliba ku sigatay
inay gacanta saarto, markaasay Balayax ku tidhi,”Soo soco walaal”.

Balayax baa gurigii hore u galay. Daaradda gurigu waa mar-mar, balse
Balayax wuxuu daaradii sii dhexmaray isaga oo sita kabihii calfaha ahaa
ee afka ka daloolay, markaasuu ciid kuus-kuusan kaga tagay meeshuu cag
dhigoba, waxaase basrisay Sukhra, oo meeshuu raad dhigoba wixii ciid
kaga hadha cagaheeda ku kala riixda. Sukhra, waxay Balayax fadhiisisay
qolkeedii oo si fiican u goglan ka dibna kursi fadhi ah oo buush
kasamaysan ayey tidhi ku fadhiiso, iyana mid kale oo ka soo horjeeda
ayey soo fadhiisatay, markaasay cod naxariis leh ku tidhi, “Walaal
maxaad cabaysaa?” Balayax oo si didmo ugu jirto, dhegahana taagtaagaya
ayaa yidhi “iga daa waxba cabimaayo oo haraad ima hayee”. Sukhra intaa
kuma dayn ee intay soo agdhigtay noocyo sharaab ah, sida Pepsi colla,
Fanto iyo Mirinda ayey tidhi “Walaal kala dooro” Balayax, intuu cabaar
aamusay ayuu ku yidhi “Naa aniga igadaa bahalahan oo shaah mala hayaa”.
Sukhri intay qososhay bay tidhi “Haa walaal, sidee baan shaah loo hayn”,
markaasuu yidhi “Aniga fijaan qaxwe ah ii dhiib” ka dibna intay falaas
shaah ah soo agdhigtay ayey bakeeri ugu shubtay shaahii. Dabadeedna
markii ay shaahii siisay ayey ku tidhi, “Balayax waxaan ku waydiiyey,
qaadka macuntaa, sigaarkase macabtaa”, markaa ayuu ku yidhi “Maya midna
iskuma dayo, wax balwed ahna ma lihi”, waxay hadana weydiisay, “Xaas ma
leedahay”, maya ayuu yidhi, waxay kale oo ku tidhi “Adigu ma Reer
Djibouti baad tahay”, wuxuu ku yidhi “Maya ee Hargeysa ayaan ka imi”
hadana waxay ku tidhi “maalin kasta ma dharkaad la wareegtaa”. Haa ayuu
yidhi, waxa kale oo ay waydiisay “Balayax adigu maxaad jeclaan lahayd
inaad mustaqbalka noqoto”, wuxuuna ugu jawaabay “Waxaan doonayaa inaan
bacadle weyn suuqa ka furto oo aan dhar badan iyo diricyo badan iibiyo”.
Sukhra, waxay hadana ku tidhi “Ma intaas oo qudha, ayaad doonaysaa,
miyaanad wax kale u baahnayn”.

Balayax, wuxuu yidhi “Uma baahni”, Sukhra oo xiisaynaysa jawaabaha
Balayax ayaa tidhi “Balayax, gabadh ma la sheekaysataa” maya ayuu yidhi.
Waxay hadana ku tidhi “Habeenkii miyaanad cidna raacin oo aydaan suuqa u
wada bixin”, wuxuu yidhi “Walaal habeenkii debedba uma soo baxo waayo
sharci ma lihi oo booliska ayaan ka baqaa, sidaa awgeed xaafad baan la
seexdaayoo, fiid cawlka ayaan hoydaa, salaadiina waan kacaa oo
duruucdayda ayaan la meeraystaa, markaa waxa aad sheegaysaa hawlahayga
maaha”. Sukhra, madaxa ayey ruxday, waayo wax badan ayey ka fahamtay
dhaqankiisa iyo xaaladiisa nololeed, si ay hadaba didmada uga saarto
ayey ku tidhi “Balayax tiifiiga aan inoo shidee filimada noocee baad
jeceshahay” wuxuu ugu jawaabay “maba daawado”, markaasay, hadana ku
tidhi “Haddaa aan shiriigga (Raadyowga) inoo shidee heesahee ayaad
dhegaysataa” wuxuu ugu jawaabay “Heesahana ma dhegaysto”. Markaasay ku
tidhi “Miyaanad hees-ba aqoonin” markaasuu yidhi “Hal hees baan aqaan”
waxay ku tidhi “Waa tee, bal ku luuqee” markaasuu isaga oo ku luuqaynaya
wuxuu yidhi, “Tollaay, Reer Hargaysow, dhankaad iga jirtaan baa dhaxantu
iga haysaa”. Sukhra, weligeed ma maqal heestaa iyo fanaan qaadaya toona,
dabadeedna intay yara qiirootay, ayey tidhi, “Walaal yaa qaada” wuxuu
yidhi “Waxa qaada Maxamed Mooge”. Sukhra, waxay markaa ku tidhi “Walaal
ninkaa cajaladiisa, magaalada ma laga helayaa”. Dabadeedna, wuxuu yidhi
“Haa”. Balayax, sheekadiisa iyo dareenkiisaba waxa laga akhrisanayaa,
inay wax xaganayaan, oo geeliisa cirka lagu maalayo. Sidaa awgeed,
Sukhra waxay fahantay in ninkan ay dhibaato dalkiisii ka keentay, oo uu
halgan ugu jiro ama aad uga fekerayo dalkiisii oo laga haysto. Sukhra,
aad bay maqsuud uga tahay joogista uu Balayax la joogo, ka dibna kamarad
yar oo ay haysatay ayey ku sawirtay, waayna marba marka ka dambaysa ku
sii istareexaysaa sheekada iyo la cawaynta Balayax, isla markaana
Sukhra, waxa ku beermay oo jacaylkii u dheeraaday, qaddiyadii Balayax ee
halganka. Iyada oo ay Sukhra, sheekadu meel fiican u marayso, oo uu
dareenkeedu naruuro iyo nasteexo quudanayo, ayuu Balayax yidhi “Walaal,
waxa la gaadhay xiligii aan tegi jiray guriga aan seexdo, waayo goor
hore ayaan hoydaa, oo waxaan ka baqayaa jaandaarranka, markaa waan
hoyanayaa”.

Sukhra, ma jeclayn inuu Balayax ka tago, ka dibna waxay ku tidhi “Walaal
cabaar iska joog, aniga ayaa hadhow booliska ku dhaafinayee, hadii
kalena iskaba joog, gurigayaganba waad seexan kartaaye”. Balayax, wuxuu
ugu jawaabay “Naa maxaa tidhi, sidee baan u seexdaa guri dad leeyahay”.
Sukhra, intay qososhay ayey tidhi “Gurigu waa gurigayagii, aniguna
xoriyad baan u haystaa, hadii aad doontona waad seexan kartaa”. Balayax,
Arrinta seexashada guriga waa ka gotaaleeyey, sukhrana markay aragtay
inay ku adag tahay, ayey ku tidhi “Hadii aanad ila joogayn, oo aad caawa
iga tageyso, markaa habeen dambe ii kaalay, oo toddobada fiidnimo yaan
ku waayin. Waayo muraad weyn baan ku leeyahay” ka dibna wuxuu yidhi
“qabuul”, markaas ayuu sidii bisad xabsi laga sii daayey degdeg albaabka
uga booday. Balayax, markuu daaraddiisii uu jiifsan jiray tegay ayuu
isweydiiyey, tolow muraadka ay gabadhani kaa leedahay halkee buu daarran
yahay”, qaabka ay doonaysaa, waa caynkee, malaa gabadhan caynkaa u eg,
ee reerka kibray ka dhalatay, ninkaagan cagaha cad, wax kale ku
falimaysee, ma waxay doonaysaa inaad u shaqayso”. Balayax, habeenkii oo
dhan hurdo ma leddin, maskaxdiisuna aad bay u shaqaysay, waxa ku
abuurmay feker cusub iyo dareen yididiilo leh, waxa u muuqday odorso
jacayl oo aanu beryahaa oo dhan. Sidoo kale, gabadhii Sukhra habeenkaa
cunto iyo caways kale toona uma baahan, waxayna la labban legdootay
farxad iyo rayn-rayn, iyado oo isku qaacisay inay libbin weyn gaadhay,
ka dibna markii ay nefteeda la showrtay, waxay talo ku soo ururisay
inaanu Balayax, kulankan-kulanka xiga dib u noqon, ee ay umuraad
sheegato, ka dibna ay aabeheed ku wargeliso inay doonayso inay ninkan is
guursadaan. Sukhra, aabeheed, aad buu u jeclaa, dadna iyada iyo wiil
qudha ayuu leeyahay isla markaana Sukhra aabeheed aad buu ugu tabci
jiray, isaga oo doonaya inay mustaqbal wanaagsan iyo sharaf ku noolaato.
Sidaa awgeed, wuu la jeclaa guur, mase jeclayn inuu inantiisa u soo
golefadhiisto nin duruuc wadada ku iibiyaa . Sukhra Aabaheed ma jeclayn
inuu guur u soo doonto nin aan dabaqadda sare ka dhallan, oo danyar ah.
Hase yeeshee, tashigiisu wuxuu ahaa inaanu ka hor iman rabitaankeeda oo
aanu mooral jebin. Balayax, habeenkaa maalinnimadiisii wuxuu hawlihiisii
ganacsi iyo dhar iibintiisii ku dhamaystay jawi farxadeed iyo shax-shax.
Isla markaana waxbuu ka bedelay dabeecaddiisii hore, waayo halkii uu
fiidka guriga ka tegi jiray, maalintaa, wuxuu tegay goor hore oo casar
gaabkii ah, ka dibna intuu maydh-maydhay ayuu isgiigiijiyey oo qaab
cusub oo kiisii hore ka duwan u lebistay, maryihiina iska bedelay.

Dumarkii guriga uu seexdo joogay ee dabeecadiisa yaqaanay ayaa yaabay,
oo yidhi “naa yaadha ma sidan buu u qurux badnaa, tolow maxaa ku soo
kordhay, kolley waxbuu damacsan yahaye, muxuu damacsan yahay”. Balayax,
oo aad u ilaalinay xiligii ballanta ayaa markii ay toddobadii dhowr
daqiiqo ka hadhsanayd, isu cayntaariyey dhinicii gurigii Sukhra ee uu
ballanta ku lahaa, isaga oo aad u degdegaya. Balayax, intii uu jidka ku
sii jiray waxa uu ku sii laafyoonayey jawi xarago leh, wuuna
isdaawanayey, isaga oo kolba dhinac iska eegaya, oo saxarka iska
dhowraya ayuu gurigii ku tibbadday. Hase yeeshee, markuu suryadii guriga
looga leexan jiray ku baydhay, oo uu albaabkii gurigu u muuqday, ayaa
marqudha inta dhabarka lagaga yimid tudh la siiyey, saa waa ciidankii
jaandaarranka ee uu weligii ka baqan jiray. Dabadeedna, waxay degdeg u
waydiiyeen sharcigiisii, balse nasiib daro, ilayn sharci hayste maahee,
markii ay ka waayeen ayey ku riteen gaadhi shabaqle ah, oo meel halkeer
ah u taagnaa, ka dibna waxay ku tuureen jeel Djibouti ku yaal oo la
yidhaahdo Gabood. Gabadhii Sukhra, oo habeenkaa aad ugu sii diyaar
garowday ayaa gediga habeenkii albaabka guriga debediisa lignayd, oo
qofkii dariiqa soo maraba, u malaynaysay Balayax. Ka dibna waxay
taagnaataba, goor dambe ayaa iyada oo madluun ah, Aabaheed u yeedhay,
dabadeedna markuu ka yaabay dhogor madoobaanteeda iyo in qabar ku
yuururo, ayuu waydiiyey waxa ku soo kordhay, balse waxay isku dayday
inay wax ka qariso oo majare habaabiso, laakiin way qancin kari wayday,
wuxuuna iska gartay inay debedda cid ku sugaysay, wuxuuna ku yidhi
“Aabe, cid baad banaanka ku sugaysay ee iskamaad taagnayne yaad ku
sugaysay, waxba ha iga qarine”.

Dabadeedna Sukhra, markay aragtay odaygu inuu dareenkeeda si fiican u
fahmay ayey isaga badheedhay, waxayna ku tidhi “Aabe wiil Balayax la
yidhaahdo oo aanu ballan sanayn ayaan sugayey”, wuxuu yidhi “Aabo
Balayaxu, muxuu ahaa”, waxay tidhi “Aabe, waxa weeye wiil dhalinyaro ah
oo aanu sheekaysano, jacaylna naga dhexeeyo”, wuxuu yidhi “Aabbe waa
heli doontaaye iska seexo”. Hase yeeshee, Sukhra habeenkaa hurdo uma
dhadhamin, waxayna u labo boglaysay, sidii qof dhiilo ku soo korodhay,
waxa hadheeyey feker iyo wahan, ma garanayso, meel ay u raadiso, oo aan
ahayn inay wadada ka eeg-eegto, waxayna isku ciil kaambiday fursaddii
habeen hore oo ay isku canaanatay inaanay ka faa’iidaysan, oo uu si hawl
yar kaga dhamaaday kulankaasi, balse Sukhra, ma oga inuu ninkii Balayax
gacan cadow galay, oo uu god madow ku jiro. Ninkii Balayax, markuu
habeenkii xidhnaa ee subixii albaabka laga furay xiligii quraacda, ayuu
go’aan ku gaadhay inuu baxsado, ka dibna ilayn, waa nin tababar
kamaandoos soo qaataye, intuu afar nin oo jeelka ilaalinayey, looto ku
gagabiyey ayuu gidaar ka booday oo taw yidhi. Hase yeeshee askar baa ka
dabo yaacday oo markuu hal cabbaar ah, sii ordayey ayaa gidaar dheer oo
dhismayaal ahi soo oodday, ka dibna inta la qabtay ayaa si xun loo jidh
dilay. Dabadeedna isaga (Balayax) iyo shan nin oo kale ayaa inta goor
habeen madow ah gaadhi lagu qaaday, la geeyey tuulada lawyacaddo oo ku
taal xadka, waxaana gacanta loo geliyey askartii Siyaad Barre ee uu ka
soo baxsaday. Ciidankii Djibouti ee Balayax iyo raggii la socday xadka
keenay, waxay ciidankii Siyaad Barre ee ay raggaa u gacan geliyeen u
dhiibeen waraaq galaysan, oo laga soo qoray xafiiska nabadgelyada iyo
wadashaqaynta Soomaaliya iyo Djibouti. warqaddaa waxa ku qoran inuu
ninka Balayax la yidhaahdaa ka tirsan yahay ururka SNM, isla markaana uu
tababar halis ah ku soo qaatay meesha la yidhaahdo (Baabuli) oo ku taal
Ethiopia, waayo askarta Djibouti waxay ka yaabeen tababarkiisa belada
ah, saraakiishii ciidamadii Siyaad Barre ee lawga joogay, markii ay
warqaddii akhriyeen ayey Balayax ka tiinad ku jebiyeen, waxayna askartii
ka tiinadda ku jebinaysay, ku boobeen haraati iyo qori dabadii, iyaga oo
ku dhawaaqaya “Qurmis-Qurmis dhashay”. Sarkaalkii haystay ciidankii
Siyaad Barre ee lawga fadhiyey ayaa markiiba taar ku soo cayntaariyey
Hargeysa, wuxuuna si dhiillo leh, ugu sheegay inuu hayo nin qurmis ah.
Waxa sarkaalkii degdeg loogu amray inuu Hargeysa u soo dhaadhiciyo.
Dabadeedna ninkii Balayax, oo ka tiinadaysan ayaa inta ciidamo tikniko
wata lagu soo daray, Hargeysa la keenay, waxaana lagu xidhay xeradii
Hangashta ee Hargeysa. Gabadhii Sukhra, laga soo bilaabo tan iyo
habeenkii ay Balayax ka hungowday waxay u ahayd yooyaal iyo seexanwaa,
gabalkii dhacaana wuxuu u ahaa galab-baas. Jacaylkii cusbaa ayaa ku
siraatay, oo jiif iyo joogba u diiday, qalbiga ayaa gubanaya oo marqudha
farxad laguma arag, waxa sida laytarkhadarka ku noqday aragii Balayax,
waxay noqotay sidii qof aad u harraadan oo inta biyo xareed ah lagu
yidhi cab, balse markuu is yidhi afka saar laga dhuftay, meel loola
kacayna garan waayey.

*S*ukhra, tegistii uu Balayax ka tegay iyo ku soo noqonwaagiisii, wuxuu
ku noqday afkala qaad, waxay xusuusatay googaalaysigii caruurta ee ahaa
“Meeshaa mar oo muuqaaga la waa” Waxay ku dul-dhaygagtay taswiir ay
habeenkii ka qadaay. Waxa hadheeyey boholyow iyo qulub, dadka ka
yacsumay sidaa darteed, ehliyadeeda iyo dadkii deriskuba marii ay u
caddaatay inaanay Sukhra dawo kale lahayn, ninkii Balayax oo ay hesho
mooyaane ayey talo aduun noqotay in ninkii Balayax la baadidoono oo
Djibouti laga dhex baadho. Sukhra iyo aabaheed ayaa is-raacay ka dibna
iyaga oo gaadhi wata ayey ka yaboohiyeen suuqyada dharka huudhaydhka ah,
lagu iibiyo. Sukhra, marba qof ayey sawirkii Balayax tustaa oo ku
tidhaahdaa ninkaa ma garanaysaan, dhowr qof ayaa wejigiisa gartay, balse
garan waayey meel uu u baadi yahay, ninkii ugu dhowaa ayaa sheegay in la
raafay, lagana yaabo inuu jeelasha Djibouti ku jiro. Jeelashii ayey
Sukhra iyo aabaheed ka soo baadheen, balse way ka soo hadh galeen, waana
la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay. Inkasta oo Balayax, laga soo
walagdhigay hadana Sukhra, uma ahaan, oo samir iyo quus daayoo, markii
ay ogaatay in la raafay isaga oo ku soo socda ayaa xanuunkii jacaylku ku
soo labo kacleeyey oo ay qalbiga ka sii ruxantay. Gabadhii Sukhra, ee
caafimaadka daarradda ku laydh san jirtay, firfircoonideedana laga yaabi
jiray, waxay gaadhay heer ay jiifka iska rogi waydo oo ay sariirta
dultaalo, waqtiga inta badan, ay sawirkii Balayax ka dul ooydo, waxaase
Sukhra, murugada iyo dhibaatada soo food saartay laqaybsaday waalidkeed
oo aad u jeclaa, inuu saxar gaadhona aan ogolaan jirin. Sukhra, waxay
yididiilo iyo nefis ka dhigan jirtay in loogu sheekeeyo Balayax, waa
lahelayaa, balse markii muddo laga soo wareegay sidiina ay dhaami
wayday, ayaa fasaxii jaamacadduna ku dhamaaday, dabadeedna waxa lagu
qanciyey inay Jaamacaddii qabato maadaama uu fasaxii ka dhamaaday, iyada
oo dhinaca kalena loo ballan qaaday in Balayax la sii baadidoonidoono.

Ka dibna waxay qabatay Jaamacaddii. Hase yeeshee, markii ay Baariis
tagtay, ayaa intii aanay Jaamacaddii iska xaadirin waxay ku horaysay
dhakhtarkeedii ay la xidhiidhi jirtay marka ay xanuun dareento.
Dhakhtarkii, wuxuu Sukhra, waydiiyey xanuunka ay ka cabanayso iyo sida
loo hayo, ka dibna waxay ku jawaabtay “Hurdo la’aan, feker badan, daal
badan iyo culays nafsaaniya”. Dhakhtarkii ayaa hadana waydiiyey “Sukhra,
ma jiraa wax kaa maqan oo aad ku werwertaa, takale waa maxay waxa ugu
badan ee aad ka fekertaa?”. Sukhra, waxay ku jawaabtay “Haa waa jiraa,
wax iga maqani, waxa ugu badan ee aan ka fekeraana waxa weeye wiil la
yidhaahdo Balayax oo aan waayey”. Dhakhtarkii ayaa isaga oo maskaxdeeda
dejinaya u celiyey “mar hadii ay sidaa tahay, waxba ma qabtid, oo waad
fiican tahay, balse waxaad ogaataa inaanu fekerka badani naftaada waxba
tarayn, wax uu yeelo mooyee, sidaa darteed, waxa haboon inaad la
dagaalanto mashquulka badan”. Dhakhtarkii, Sukhra uma qorin wax kiniin
ah, balse wuxuu dawo uga dhigay waxoogaa talo ah, isaga oo yidhi
“Caafimaadkaagu, wuxuu ku xidhan yahay adiga oo dadka la sheekaysta, oo
la qosla, filimada daawashadoodana badiya, waxa kale oo aan kugula
talinayaa inaad nin kale guursato ama la saaxiibto xataa hadii aanad
jeclayn, maadaama ninkii aad jeclayd aad Jabuutina ka soo wayday,
Baariisna aanu joogin, iyada oo loo baahan yahay inaad xusuustiisa ka
meermeerto, si aan caafimaadkaaga waxyeelo ugu gaysan, waxbarashadaadana
aad u dhamaysan karto. Markaa sidaa yeel, bil kastana hal mar iikaalay”.
Ayuu dhakhtarku kula taliyay. Sukhra, jaamacadeedii ayey iska
xaadirisay, talooyinkii dhakhtarna way isku qancisay, marka laga reebo
qoddobka ah, nin kale guurso. Sukhra, talooyinkii dhakhtarka markii ay
ku dhaqantay, waxoogaa isbedel ah ayey dareentay waxaana u suuro gashay
inay waxbarashadeedii sii wadato, laakiin jacaylkii iyo rabitaankii
Balayax, nafteeda ku beeray marna kama bixin xusuusteeda. Balayax,
markii lagu riday god ku yaal xerada hangashta ee uu hal habeen ku jiray
ayaa naalintii dambe wax la waydiiyey, waxaana laga waraystay SNM-ta iyo
xiligii uu ku biiray ka dibna markii su’aashaa la waydiiyey wuxuu ku
jawaabay “Anigu weligay maan arag meel ay SNM joogto, kamana mid noqon”.
Hadana waxa la waydiiyey “maxaad ka shaqayn jirtay”, dabadeedna wuxuu
yidhi “Djibouti ayaan duruucda iyo dharka huudhaydhka ah, ku iibin
jiray”. Hase yeeshee Balayax, wax kasta oo uu ku andacooday lagama
aqbalin, waxaana markhaati looga dhigay warqaddii been abuurka ahayd ee
Djibouti laga soo raaciyey. Markii loo soo qaadayey xagga Soomaaliya
Balayax, waxa meel kula xidhnaa dad kale, oo aan xataa waraaq been abuur
ahna lagu soo lifaaqin balse u qoollan qudhmis baad tihiin, markhaatina
loo dhigay qudhmis buu u eg yahay yahay. Xiligaasi, wuxuu ahaa xili ay
SNM-tu cudud milateri iyo mid siyaasadeedba ugu badheedhay taliskii
Siyaad Barre, oo ay sheekadu hadal hayn iyo dareen dhaaftay, hadhcadna
la isu badheedhay. Dawladii Siyaad Barre, xaalkeedu wuxuu noqday, “Fule
wax ka qoryo badan” iyo “Fule meel aan godobtiisu jirin ayuu nabar ku
babsiyaa”. Sidaa awgeed waxay samaysay hayado iyo kooxo gaar ah, oo leh
magacyo kala duduwan balse hal shaqo oo isku mid ah dhamaantood haya.
Hayadahaasi waxay fasax iyo awood aan xad lahayn u haysteen inay dadka
rayidka ah sida ay doonaan ugu takrifalaan, oo ay marba inta ay doonaan
soo xidh-xidhi karaan kuna eedeeyaan qudh-misbaad tihiin, markhaati iyo
caddayna uga dhigaan Reer hebel iyo qudhmis bay gacan siinayeen. intaa
ka dibna waxay fasax iyo amar u u haysteen inay dadkaa qoorta u
dheereeyaan, hantidoodana la wareegaan.

Muraajaco ahaan ayaa intan loogu soo celiyey Balayax, wuxuu markiiba
dhufsaday qori kamid ah, qoryihii laga qabsaday askartii jeelka, ka
dibna wuxuu xagga hore ka raacay ciidamadii jabhadda SNM. Balayax, oo
qaba ciil iyo cadho ku gaamuray, ayaa qorigii badhada u safaystay, ka
dibna, isaga oo ka faa’iidaysanaya tababarkii kamaandawsnimo ayuu
dagaalkii isku labo rogay. Wuxuu noqday sooma jeeste aan la looddin
karin oo aagga uu galaa ay gallan tahey, wuxuuna ka qaybgalay hawlgalo
dhuumaalaysi ah iyo dagaalo qadhaadh oo ka foolka fool ah. Balayax,
goobo badan ayuu ka dagaal galay, wuxuuse aakhirkii ka weerar galay
gudaha maamulka Dowladda oo ay ifisadu ka heesayso, madaafiicduna ka
reemayso. Wuxuu ka mid noqday wiilasha gacanta barakaysan ee lagu aamino
qoryahay silsiladda jiita ee badh-daloolka loo yaqaan. Muddadii uu
dagaalku socday, Balayax dib oo dambe uma waraysan cidna ma waydiin meel
reerkoodu yaalo, isla markaana muddadii ay socdeen dagaaladii SNM,
Balayax, wuxuu goor walba joogay afjinacleyda ugu xun ee dagaalka.
Markii ay SNM-tu, dib uga baxday gudogalkii magaalooyinka, wuxuu
Balayax, ka mid ahaa ciidamo SNM ah, oo ku sugnaa waqooyiga Hargeysa.
Waqtiyada aan dagaalku socon Balayax wuxuu dhegaysan jiray qasiidooyin
iyo heeso ay jabhaddu ku digriyi jirtay sida “Dadyahow hubka qaata,
holciyaay cadowgiina, wixii aad rabtaanba Ilaah baad ka heshaane,
Allaahu maalig, wa saalim, calaa xabiibi Muxamed caleylihi salaam”.

*B*alayax, markuu qasiidooyinkaa maqlo, ayuu dareenkiisu sii kici jiray,
waxaana geli jiray dhiiranaan iyo shucuur geesinimo oo hor leh. Sukhra,
iyadu marka ay dhegaysato heesaha Maxamed Mooge, gaar ahaan heesta ay
midhaheeda ka mid yihiin “Tolaay, Reer Hargeysow, dhankaad iga xigtaan
baa dhaxantu iga haysaa”, ayay kalgacal aan qiyaas lahayn la dheeliman
jirtay, waayo waxay uun xusuusan jirtay habeenkii uu Balayax kursigii
maqsinkeeda yaalay ku fadhiyey ee uu heestan sida quruxda badan ugu
luuqaynayey.

Gabadhii Sukhra, waxay maalintii dambe shaqo ka heshay hayad Faransiis
ah oo Djibouti deganayd, xafiisna ku lahayd magaalada Diridhabe ee dalka
Ethiopia, waxayna hayaddaasi ahayd, Hayad samofal, oo ka shaqaysa
caawimada dadkii qaxootiga ahaa ee ka barokacay magaalooyinka waaweyn
iyo tuulooyinka gudaha ku jira.
Sukhra, waxay shaqadeedu u badnayd socdaalo dhulka ah, oo ay hayaddaasi
hawlo kaga qaban jirtay meelo ka mid ah degaamada gobolka Awdal iyo
nawaaxiga Hargeysa.
Markii ay ciidamadii SNM dib uga baxeen magaalooyinka, gaar ahaan
ciidamadii Hargeysa ka baxay ee uu Balayax ka tirsanaa, waxay fadhiisimo
ka samaysteen degaamada ku gadaaman naawaxiga Hargeysa, waxaana jabhadda
caado u ahayd inay jidgooyin ka galaan wadooyinka hareeraha ka soo gala
Hargeysa. Maalin-maalmaha ka mid ah, ayey Hayaddii Faransiiska ahayd ee
ay Sukhra u shaqayn jirtay hawl sahamin ah ku samaysey goobo ku yaal
waqooyiga Hargeysa, oo la sheegay inay dad qaxooti ahi ku suganyihiin.
Sukhra iyo saddex hawlwadeen oo caddaan ah, oo uu weheliyo nin darawal
ah oo Soomaali ah, ayaa iyaga oo wata baabuur Landcruiser ah, socod ku
soo maray meel ka mid ah waqooyiga Hargeysa. Ka dibna hurrin ka tirsan
ciidamadii SNM, oo meel waddo ah jidgooyo kaga jira ayaa qabtay
baabuurkii Hayadda Faransiiska ah, oo saaranyihiin shan qof oo ay Sukhra
ka mid tahay. Jabhaddii intay baabuurkii la hadheen ayey dadkii geeyeen
xero jabhaddu lahayd oo ku taal kayn dhexdeed.

Qoladii gaalada ahayd aad bay u naxsanaayeen, laakiin Sukhri, iyadu
caadi bay iska ahayd, oo dareen cabsiyeedba isma gelin. Waxayna mashquul
ku ahayd doondoodnista Balayax, oo aad moodayso in meelahan loogu
sheegay, waxay aad ugu fiirsanaysay wejiyada inamada jabhadda ah,
waxaana marba ku soo baxayey qaar suuradoodu u egtahay Balayax, oo ay
hoostaa ka leedahay “Alla kaasi Balayax u ekaa”.

Qoladii Hayadda, markii la keenay xeradii jabhadda, waxa maxaabiis ahaan
loo fadhiisiyey geed hoostii, waxaana loo sameeyey rag waardiyeeya.
Balayax, wuxuu ka mid yahay qolada jabhadda ah ee markaa joogta xerada
qolada Hayadda la keenay, kadibna wuxuu qoladii jabhadda ahayd ee qolada
Hayadda ah, soo qabatay ku canaantay soo qabashada ay soo qabteen
hawladeenada Hayadda.
Balayax baa yidhi “oo waayo” markaasaa lagu yidhi “waxay u qaateen in la
dilay, haddii aad Sukhra raaci waydo oo aad caddayn waydo inay jacayl u
xanibantahay, waxa caalamka oo dhan laga sheegayaa in ururka SNM ay
dileen gabadh Hayad u shaqayn jirtay, taasina waxay dheg xumo ku
noqonaysaa sumcadda ururka, sidaa darteed, waa inaad Sukhra soo raacdaa,
oo aad ururka dhegxumada kala dagaalantaa”.

Wax la wadoba Bayalax aakhirkii wuu ogolaaday inuu Sukhra raaco, ka
dibna goor gabal dhac ah ayaa xeradii laga soo baqoolay, iyada oo
habeenimadii guurogal lagu dhaafay Arladii khatarta ahayd, ee ay labada
col iska ugaadsan jireen. Ka dibna subaxnimadii ayey tageen
Harta-Sheekha, iyaga oo nabad qaba, Balayax iyo Sukhra iyo baabuurkii
sidayba. Waxaana Sukhra loo geeyey qoladii gaalada ahayd, waxayna
qoladii jabhadda ahayd, u sheegeen gaaladii in Sukhra loo soo kexeeyey
wiilkii ay jeclayd oo uu kan yahay “inta Balayax gaaladii la horgeeyey”.

Qoladii gaalada ahayd intay aad u farxeen ayey u mahad celiyeen
saraakiishii SNM iyo jabhaddii oo dhan.

Hase yeeshee, waxa dhacday inuu Balayax yidhi “Sukhra, mar haddii aan
gaaladii kuu keenay, adiga oo nabadqaba, anigu waxaan ku noqonayaa
farrantii ee hawshaadii, adna iska wado oo marka ay dunidu si uun noqoto
ha inoo ahaato”.
Sukhra, markii ay hadalkaa maqashay ayey naxdin awgeed muraayaddu
jabtay, oo ay muraara dilaacday. Gabadh caddaan ah, oo madax ka ahayd
xafiiska Hayadda ay Sukhri la shaqasyo ayaa Balayax, aad uga codsatay
inuu doonista Sukhra tixgeliyo, oo uu nafteeda badbaadiyo. Balayaxna wuu
aqbalay. Markii la yiqiinsaday halka uu Sukhra xaal ka taagan yahay ayey
arini noqotay, in laga shaqeeyo sidii la isugu dhisi lahaa ee guurkooda
loo bud-dhigi lahaa. Sidaa awgeed isla ayaamihiiba, Balayax iyo Sukhra
waxa meherkoodu ka dhacay magaalada Dirirdhabe ee dalka Ethiopia,
waxaana meherkooda loo sameeyey xaflad aanay ka soo qayb gelin dad aad u
badani oo ka dhacday Huteel. Maalmo toddobaad ka yar, ayaa hadana
aqalkoodu ka dhacay isla magaaladii Dirirdhabe. Balayax iyo Sukhra, waxa
farxad iyo gaar ugu fillaa inay dhinaca isa saaraan labadoodu, oo uu
midba-midka kale daawado, kuna raaxaysto sheekadiisa, isla markaana uu
midba midka kale aragiisa ku ildoogsado. Habeenkii Aqal-galkooda, waxay
u ahayd habeen farxadeed, iyaga ayaa is cajebiyey, iyaga ayaa
isdaawanayey, iyaga ayaa isu udgoonaa, iyaga ayaa isu bidhaamayey. Sidaa
awgeed macno uma samaynayn, fursad ay ku indho-indheeyaana umay hayn
dhal-dhalaalka iyo alaabooyinka lagu sharaxay guriga ay ku aqal-galeen.
Labadan qof, waxa loo gaafay oo uu Arooskoodu ka dhacay guri markii
horeba u kiraysnaa Sukhra, oo gudihiisu fakaag badan lahaa, si
quruxsanna loo qalabeeyey.
Sukhri, si ay fursad wanaagsan ugu hesho baanashada jacaylkeeda, waxay
Hayaddii ay u shaqayn jirtay ka qaadatay fasax Afar bilood ah. Balayax
iyo Sukhra, afartaa bilood mar qudha indhahooda iyo aragoodu daqiiqad ma
kala libdhin, jacaylkoodana bar u korodha mooyee, bari kama dhicin.
Balayax iyo Sukhra, marka ay sheekaysanayaan ama wadahadlayaan, waxay
isdhaafsan jireen weedho macmacaan oo ay tiraabtoodu malabka ka dhadhan
macaantahay. Waxa uu midba midka kale u hibbayn jiray dhegaysi aan
qiyaas lahayn iyo dhugmo aan eray qudhi dhaafayn. Waxay isu xullan
jireen erayba erayga uu ka debecsanyahay, kana luq-mad-wanaagsanyahay.
Wuxuu midba midka kale kala tacaali jiray kelmad kasta oo laga urin karo
dhadhamo xajiin leh. Balayax, ma lahayn, wax balwad ah, Sukhrina waxa
balwad u ahaa boholyowga iyo jacaylka Balayx, sidaa darteed markii ay
muddo saddex bilood ah, guri lahaayeen ayey labadooduba qalbiga iyo
jidhkaba ka dhogorgooyeen, oo sida cadceed subax joogta u widh-widheen.
Qof kasta oo hore u yaqaanay, markuu arko wuu la yaabaa, wuxuuna ku
murmaa “ma iyagii baa, mise waa kuwo u eg”. Balayax iyo Sukhra, inkasta
oo ay ku soo kala koreen labo bii’adood oo aad u kala duwan, dhaqankooda
nololeedna kala fogaa, hadana arintaasi marna saamayn kuma yeellan hab
dhaqankooda nololeed, mucaamilkooduna habayaraatee ma yeellan wax surmo
seegto ah iyo isfahmi waa, midna.

Macaamilka nololeed ee Balayax iyo Sukhra, goldaloolo iyo turxaan kasta
goldaloola oo meesha iman lahayd, asturaad iyo bilixijaab u noqday ama
isku gudbay mahiigaanka jacaylka ee qalbigooda biyo dhigay iyo
baarinimada caqliga weheshanaysa ee labadoodaba Ilaahay u khalqay,
taasina waa nasiib wanaag aanay barbaarta aduunku, badiba calafsan.

Sukhra, markuu fasaxii ka dhamaaday ayey shaqo tagtay, waxayna ku
hawlgashay dareen aad u xasiloon iyo jawi xanbaarsan firfircooni saayid
ah. Markii ay Sukhri shaqo tagtay, Balayax laftiisu isuma dhigin nin
meel iska fadhiya oo ay gabadhi u soo shaqayso, ee wuxuu noqday nin
halganka nolosha dhiniciisa ka soo dhalaala, oo aan baylihi agtiisa
oolin. Balayax, makhaayad shaaha iyo cuntada lagu kariyo oo afar irdood
ah, ayuu ka furtay magaalada Dirirdhabe, taasina waxay keentay inuu
qofba geestiisa uga dedaalo dhismaha iyo quruxda qoyskooda, waxayna
noqdeen qoys, qurux badan oo turxaanta iyo qodxaha ka ilaaliya
halgankooda nololeed iyo habdhaqanka jacaylkooda aqal galay.

Balayax, wuxuu noqday nin meheradiisa ka soo dhalaala, macaash badanna
wuu helay, wuxuu noqday nin macaamiisha iyo dadka wax ka iibsanaya kula
dhaqma akhlaaq wanaagsan iyo eray debecsan oo dareenka dadka soo
dhoweeya. Isla markaana wuxuu ahaa nin aan shaqadiisa ka hawl-hawlin oo
xilkasnimo ku guta, xaragona ku dhamaysta.

Mudooyinkii dambe ee ay dadkii dagaalada ku barokacay iyo dalkii
ciidamadii Siyaad Barre, xaaladda qaxootinimo ku sugnaayeen, waxay
Balayax iyo xaaskiisu ku jireen ayaamo xiiso leh, oo ay quruxda
noloshuba kow u tahay, farxadina agtooda taal. Waayo waxay ku
qanacsanaayeen guusha guurkooda, sanad iyo badh markii la joogay aqalkii
Balayax iyo Sukhra, ayuu Balayax, maalintii dambe idaacadaha ka maqalay
inuu dalkiisii laga saaray ciidamadii naxariista darraa ee uu carigiisii
hooyo uga caagay.

Balayax, isaga oo weli magaaladiisii Dirirdhabe degan, si wanaagsanna
uga ceeshaya, ayey maalintii danbe ugu yimaadeen qaxootiyadii ciidamadii
Siyaad Barre iyo xaasaskoodii. Balayax, oo goor galab ah, rushaynaya
meheradiisa horteeda ayaa isha ku dhuftay gabadh aad u diifaysan, oo
shan caruur ah dallandalsanaysa, aabahoodna barbar luudayo.

Dadkaas oo Hargeysa ka soo qaxay, waxay soo galeen dukaan dahable ah, oo
makhaayadda. Balayax ku qabsan. Gabadhu waxay xanbaarsan tahay ilmo yar
oo aan afartan bixin, waxayna doonaysaa inay dahablaha fargal ka
xaraashto oo ay caruurta caano iyo biyo ugu iibiso. qaar ka mid ah,
caruurta, gaar ahaan kuwa da’da yaryar ayaa macaluul iyo gaajo la
ooyaya, waana qoys darxumo badani ka muuqato.

Balayax, ayaa qoyskan darxumaysan aad u eegay, wuuna gartay inay yihiin
qaxootigii cusbaa ee Hargeysa ka soo barakacay dhowaan. Balayax, oo aan
weli ka sii jeesan qoyskii qaxootiga ahaa, oo isha la sii raacaya ayey
ruuxii dumarka ahayd, ee ilmaha yar xanbaarsanayd soo eegtay dhinicii
Balayax. Ka dibna Balayax oo ku fooraray rushaynta iyo fiiq-fiiqidda
meheradda horteeda ayaa kor u eegay qofkii dumarka ahayd, saa waa qof uu
wejigiisa aad u garanayo. Dabadeedna aad buu uga ilsugtay, saa wuuba
gartay, oo waxay noqotay gabadhii Cudbi oo ay isugu dambaysay afar sanno
ka hor iyo ninkeedii kornayl Sayruukh oo Hargeysa qaxootinimo iyo cago
caddaan kaga soo baxay. Balayax markuu hubsaday inay Cudbi tahay ayuu
dhawaaqay oo yidhi “Naa Cudbi” ka dibna Cudbi oo aad ugu oommanayd, qof
indho garad ah ayaa eegtay saa waa Balayax. Dabadeedna way ku soo
dhaqaaqday, ka dibna si diirran oo dareen kal gacayl iyo xusuus leh ayaa
la isu gacan qaaday. Ninkii Balayax, qoyskii Cudbi si wanaagsan buu u
soo dhoweeyey, wuxuuna kuligood fadhiisiyey gudaha meheradiisa, wuxuuna
siiyey cunto iyo cabitaan degdega ah, si uu nafta ugu soo celiyo.

Gabadhii Cudbi ee madluumka iyo xaaladda yacsumman ku jirtay,
niyadeeduna dharaska ahayd, farxad bay la kala badatay, waxayna aragtida
Balayax u noqotay, sidii ay heshay walaalkeed rumaad. Markii ay qoyskii
qaxootiga ahaa yara nefiseen, ee ay waxna dhadhamiyeen, waxoogaana
nasteen, ayey Cudbi isbartay Balayax iyo ninkeedii, waxayna hadalkeeda
ku bilowday “Balayax ninkan aan iskiin baro’e waa ninkaygii” hadana
ninkeedii bay ku tidhi “inankani waa inaadeerkay, waana wiilkii aad
berigii dilka ka sii daysay”. Intaa ka dib, Balayax iyo Cudbi ninkeedii
si fiican bay isu gacan qaadeen.

Cudbi iyo ninkeedu waxay Hargeysa kaga soo baxeen kabo la’aan, afar
caano maalna oomatiyi kama degin. Hantina waxa mood iyo noolba u ahaa
fargalkii ay doonaysay inay dahablaha ka xaraashto, ta kale Dirirdhabana
cid kuma ay ogayn ee nafta ayuun bay ula soo carareen, sidaa darteed,
hadii ay fargalkii habeen caruurta ku seexiyaan, wixii ka dambeeya meel
ay u irkadaan may garanayn, waxayna ka baqayeen inay gaajo ule’daan.
Balse nasiib wanaag waxay Cudbi heshay Balayax, oo ay awooddiisa
dhaqaale u saamaxayso inuu wax taro, abaalna ay ku lahayd. Xusuusta
waayihii ku soo maraa, waa shay lama huraan ah, sidaa darteed Cudbi waa
gabadhii ay Balayax is jeclaayeen ayaamu minasamaan, ee ay baadiye is
kala soo haajireen, balse raafka iyo cududda lagu kala irdheeyey,
aakhirkiina guursatay sarkaalka.

Cudbi, waa gabadhii uu Balayax gurigeeda horyimi, isaga oo u
boholyoobaya, balse intay ogaan ugu badheedhay, albaabka ka xidhatay.
Waxaase Balayax xusuustaa aan qalbiga u wanaagsan, ka masaxay abaal kale
oo ay Cudbi u gashay maalin maalintaa ka dambaysay. Waayo Cudbi, waxay
Balayax xumaantii iyo uurxumadii maalinta hore u gashay kaga baanatay,
ka dib markii ay naftiisa ka badbaadisay geeri, ee ay weliba intay aad
ugu muctaadday ku booqatay xabsiga, aduunkana ugu gaysay, isaga oo aan
filayn ehel xabsiga ugu imanaya.

Balayax, intuu qoyskii qaxootiga ahaa kaxeeyey ayuu gurigiisii geeyey,
ka dibna u sameeyey casuumad la yaab leh, isaga si xushmad leh u qaabilay.
Balayax, wuxuu isbaray xaaskiisii Sukhra iyo qoyskii martida ahaa ee soo
qaxay. Isaga oo u sheegay inuu qoyskani yahay qoyskii dilka ka
badbaadiyey. Cudbi, ninkeedii kornayl Sayruukh oo ay ka muuqatay
xanaftii iyo cabsidii dagaalku, ayey waxoogaa niyaddu u yara qabowday.
Waxaan maqli jiray, taariikhdu marbay libaax kaa dhigtaa, marna way ku
naab-naabtaa, sidaa darteed, waxay ahayd wax lagu cibro qaato, ayaamaha
isu bedelay nolosha kornayl Sayruukh iyo sida uu maalintaa ula kulmay
wax aanu qorshahaba ku darsan, ninbaa laga hayaa (labo kasta isa
saarayoo, weli labo tagoogo isma saarin).

Kornayl Sayruukh, wuxuu ahaa ninkii qallinka ku duugay ee saxeexay
xukunkii dilka ahaa ee Balayax iyo saaxiibediisii aan iyagu badbaadin.
Kornayl Sayruukh, wuxuu ahaa ninkii hadana Balayax ka badbaadiyey dilka,
isaga oo iska aamusiinaya baroorta ooridiisa, kornayl Sayruukh, markii
uu Balayax dilka ka badbaadinayey oohinta Cudbi iskaga jooji mooyee,
isma lahayn cid kale ugu xeer dhigo, waayo marna muu filayn, sheekadana
kuma darsan waxaad muddan doontaa Balayax. Hadiise maalintaa lagu
darilahaa 22-kii nin ee la dilay, maanta Cudbi iyo ninkeedu, may heleen
cid-away ugu noqota Dirirdhabe oo way ku qadi lahaayeen.

Balayax, hadii aanu Sukhra qabin ma xil baxeen oo Dirirdhabe cidna kuma
casuumi kareen.
Balayax, iyo Sukhra, way isu taageen qoyskii Reer Sayruukh, waxayna u
galeen si gobanimo leh, waxay dejiyeen qolal gurigooda ka mid ah, waxay
siiyeen lacag, waxayna u iibiyeen dhar.
Cudbi, iyo ninkeedu waxay sheegeen inay doonayaan Kenya, si ay uga qayb
galaan xeryo qaxooti oo laga qorayo meesha la yidhaahdo xagar dheer oo
dalka Kenya ka mid ah, ka dibna Balayax iyo ooridiisii Sukhra, waxay
Reer Sayruukh u diyaariyeen sahaydii ay ku meel mari lahaayeen, waxayna
siiyeen kharash wanaagsan oo ay ku jid maraan. Reer Sayruukh, hal
toddobaad bay marti u ahaayeen Reer Balayax, dabadeedna maalin
sideedaadii ayey u baqooleen dhinaca Kenya, waxaana la saaray gaadhi u
socda jiidda xagar dheere, sidaa ayeyna isku macasalaameeyeen labadii qoys.

Balayax iyo Sukhra, waxay noqdeen qoys ku noolaada nolol xiiso leh,
waxay noqdeen qoys jacaylkoodu aanu debec lahayn, waxay caado u
lahaayeen inay had iyo goor dhegaystaan heesaha Maxamed Mooge iyo
maansooyinka Maxamed Ibraahim (Hadraawi) iyo Maxamed Xaashi (Gaariye).

Sukhra iyo ninkeeda Balayax, waxay ku noolaayeen neecow macaan iyo nolol
xiiso leh.

Balayax, iyo Sukhra, waxa iigu war dambaysay iyaga oo sannadkii 1991-kii
weli degan magaalada Dirirdhabe, oo wax u siyaada mooyee aanay
noloshoodu hoos u dhicin.

Balayax iyo Sukhra, marna jacayl kama duugoobin, nololna kuma
cidhiidhyoomin, balse ogaantay ubad isuma dhallin.



Dhamaad





Qalinkii:         Axmed Cabdi Garas
Goobta:          Hargeisa, Somaliland
Date:             8 June 2012

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)