Sheeko Xikmad Badan: Ninkii Afarta Xaas Qabay!

Unknown
0
Waxa jiray nin ganacsade ah  oo qabay 4 xaas. Xaaskiisa 4aad ayuu ugu jeclaa wuxuu usoo iibin jiray dharka ugu qaalisan wuxuuna ula dhaqmi jiray si naxariis leh, aadbuu uga taxadiri jiray waxa ugu fiican ee uu hayana uu siin jiray.
Sidoo kale waxa uu aad u jeclaa xaaskiisa 3aad wuu ku faraxsanaa wuxuna markasta ugu faani jiray saaxiibadii, iyadoo taasi jirto ayuu hadana ka cabsan jiray in ay maalin uun ka tagto oo ay ka doorato nin kale.
Xaaskiisa 2aad iyada si aad ah ayuu u jeclaa,waxay ahayd qof aad u caqli badan oo markasta u sabarta, kalsooni buuxdana wuu ku qabi jiray. Markasta oo uu dhibaato uu la kulmo iyada ayuu ula iman jiray oo uu usoo bandhigi jiray. Way caawin jirtay si uu uga gudbo xiliyada adage ee dhibta badan.
Xaaskiisa 1aad waxay ahayd qof aad daacad ugu ah waxayna ka qayb qaadan jirtay hawlihiisa dhinacyada maamulka iyo ganacsiga taas oo ay u dheerayd hawsha guriga. Sidaas oo ay tahay ganacsaduhu mu jeclayn xaaskiisa 1aad iyadu se waxay u haysay jacayl saa’id ah marnaba sidaas umuu qiimayn jirin.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ganacsadihii uu xanuusaday waxaana uu qiyasay in uusan wax badan sii noolaan Karin, waxa uu ka fikiray noloshiisii macaanayd, wuxuna naftiisa waydiiyay: “hada 4xaas ayaad leedahay, laakiin markaad dhimato kaligaa ayaad noqonaysaa, ilaa goormaad kaligaa ahaan doontaa”.
Markaas ayuu xaaskiisii 4aad u yeedhay wuxuna ku idhi: “Aad ayan kuu jeclahay, waxaana kuu keenay dharka ugu wanagsan aadna waan kuu dhaqaaleeyay hada waan dhimanayaa ma iraacaysaa oo ma i wehelin?”
“Suuragal maaha” ayay xaaskiisii 4aad ugu jawaabtay, wayna baxday iyadoo kalmad kale dhihin jawaabteedu waxay qalbigiisa u durtay sida midi af badan oo kale.
Ganacsadihii murugaysnaa wuxuu su’aalay xaaskiisii 3aad: “Aad ayaan kuu jeclaa intii aynu isla noolayn, hada waan dhimanayaa ma iraacaysaa oo ma iwehelinaysaa”. “Maya” ayay ugu jawaabtay “noloshu aad bay u qurux badan tahay markalaan guursan doonaa markaad dhimato kadib”. Wuu niyad jabay ganacsadihii aad ayuuna u naxay.
Kadib xaaskisii 2aad ayuu waydiiyay: “mar walba adiga Ayaan kuu iman jiray markaan garab u baahdo adigana mar walba garabkayga ayaad ahyd hada waxaan kaa rabaa inaad mar kale icaawiso, markan dhinto ma iraacaysaa oo ma iwehelinaysaa”. Waxay ugu jawaabtay “waan ka xumahay markan kuma caawin karo, waxa ugu fog ee aan kuu qaban karo waa inaan qabrigaaga kuu diro aniguu ku karaamaynaya”, taasina waxay si buuxa u niyad jabisay ganacsadihii.
Kadibna cod ayaa meesha ka so yeedhay: “Aniga ayaa ku raacaya oo kula tagaya meel walba oo aad aado”, ganacsadihii wuu fiiriyay ileen waaba xaaskiisii 1aad, aad ayay u baaba’sanayd caato ayay ahayd waxaana ka muuqatay inayna cunto cunin.
Ganacsadihii wuxuu yidhi: “waxay ahayd inan adiga ku dhaqaalaysto, markii aan awooda lahaa”
Dulucda Sheekada
Hadaba xaqiiqadu waxay tahay inta aaynu noolnahay waxaynu dhamaanten leenahy 4xaas
Xaaska 4aad waa jidhka: si walba oo aynu waqti iyo dadaal ugu bixino wuu inaga tagayaa markaynu dhimano.
Xaaskeena 3aad waa xilalkeena heerarka aynu gaadhno iyo hantideena: marka aynu dhimano waxay u wereegayaan dad kale
Xaaska 2aad waa qoyska ehelka iyo asaxaabta: si kasta oo ay inoogu dhaw yihiin meesha ugu fog ee ay inala tagayaan waa qabriga iridiisa.
Xaaska 1aad wa nafteena: marwalba waynu hilmaanaa waxaana ka daba cararnaa meqaam hanti iyo waxay naftu jeceshahay
Ruuxda ama nafta waa shayga 1aad ee inoo raacaya meel walba oo aanu aadno.
Waxa inala gudboon in aynu iminka hagaajino si aynaan u qoomamayn marka ay na haleelsho sakaartul mootka.
XIGASHO BAHDA NABAD IYO CADAALAD

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)