sidee ayad u noqo karta qofka dadka ugu farxada badan

Unknown
3
1- Ha ku fikirin hadalada xun-xun ee lagaa yidhi,waayo adiga ku dhibi mayso ee
waxay dhibaysaa qofkii yidhi.
2- maanta waxaad qaban karto berri dib hawgu dhigan.
3- ka fikir Nimcad Alle ku siiyay oo ka sheekee.
4- ku qanac wuxuu Alle ku siiyey ee caafimaada,ehela,shaqo ah.
5- si fiican ula macaamil ka aad qaraabada tihiin iyo ka kaa fog ba
6- ha daba gelin wararka xun-xun ee dadka laga sheegaayo
7- samee jimicsi oo daryeel caafimaadkaaga,qalbiga fayow wuxuu ku jiraa jidhka
fayow.
8- Markasta Alle weydiiso caafimaad,denbi dhaaf,iyo nabad gelyo
9- ku raali noqo wuxuu Alle qadaray iyo risiqa laguu qorayba
10- ha isku mashquulin waxa dhici doona mustaqbalka,waayo hadaad maanta
haagaajisato,Berrina way kuu hagaageysaa
11- la mid noqo shinida waxay cuntaa ubax,waxaanay dhashaa malab.
12- nidaami waxaad xidhaneyso,meeshaad seexanayso,xafiiskaaga,gurigaaga,waayo
caalamakuba wuxuu ku dhisan yahay nidaam.
13- aqri taariikhda iyo sheekooyinka iyo gabayada kuwooda wanaagsan.
14- ogow in dadku qofka aad u dhex gala ay duleeyaan,qofka wax siin waayana ay
ucadhoodaan,qofka u dulqaatana ay weyneeyaan,qofka u baahdana ay u cadhoodaan .
15- ha ilaawin kelmada(Xasbuna laah wa nicmal wakiil),waxay bakhtiisaa
dhimbiilaha murugada.
16- iska ilaali muranka ma dhaleyska ah,saaxiibka doqonka ah.
17- isku day inaad ka tagto khilaafka,ka dheerow faanka,ka nabad gal beenta,ka
raali noqo qadarka alle,kana haajir xasadka.
18- murugada waxaa sabab u ah ado ka jeesta alle,aduuna daba carara.
19- qofka sooma cuntadiisa ayaa u wanagsaata,qofka cibaado u kac habeenkii
hurdadiisa ayaa u wanaagsanaata,qofka deeqsi noqdana amaantiisa ayaa
badata,qofka madax noqdana xasadkiisa ayaa bata.
20- ogow in risiqaagu ku daba socdo sida hadhka oo kale mana dhimaneysid ilaa
aad risiqaaga dhameysato.
21- ku gaadhi maysid raaxo dedaal waxaan ahayn,kuna heli meysid mid ku jecel
edeb waxaan ahayn.
22- ha damaaciyin wax kasta oo aad maqasho,hana aaminin saaxiib kasta,sirtaadana
ha u sheegin dumar,hana daba gelin wax kasta oo aad niyeyeso.
23- maalmaha waxaa ugu wanaagsan kuwa dulqaad kuu kordhiya,aqoon kuu
siyaadiya,denbina kaa hor joogsada.
24- noloshu waa fursad aynaan garaneyn ilaa aynu weyno,caafimaadkuna wa taaj
saran madaxa dadka caafimaadka qaba oo ay arkayaan kuwa xanuunsanayaa oo keliya.
25- ogow in Alle xaq kugu leeyahay,naftaaduna xaq kugu leedahay,ishaaduna xaq
kugu leedahay,xaaskaaguna xaq kugu leeyahay,martidaaduna xaq kugu leedahay,mid
kasta oo xaq kugu leh sii xaqiisa.
26- ku dedaal kalaahada`z (jarmaadad)wasxay leedahay barako badan.
27- maalkaaga waxaa ugu kheyr badan inta aad ku intifaacsato,cilmigaagana waxaa
ugu wanaagsan ka kor kuu qaada,saaxiibnawaxaa ugu wanaagsan ka kula taliya ee ku
waaniya.
28- ogow hadii aanay jirin cid ku xaasidaa wanaag ma lihid,hadii aadan saaxiib
lahayna dabeecad ma lihid,hadii aadan diin lahayna mabda ma lihid.
29- cayilnaanta(baruurta)badani waxay keentaa moogaanaan,dherega badanina wuxuu
keenaa maskax yari,hurdada badanina waxay keentaa guul darro,qosolka badanina
qalbiguu dilaa,shakiguna waa cadaab.
30- addunyada waxaayaaba ugu macaan waxaa ka mida ado safar la gala qof aad
jeceshahay,kana fogaada qof aad necebtahay ,kana nabad gala mid ku dhibay.
31.- aduunka oo lagu farxo waa farxada caruurta,amaanta fiican oo lagu farxo waa
farxada rag,Alle agtiisa waxa yaala oo lagu farxaana waa farxada dadka
wan-wanaagsan.
32- runtu waa xisilitaan,beentuna wa shaki,xishoodkuna waa gashaan,cilmiguna waa
xujo,hadaka cadina waa qurux,aamusnaantuna waa xikmad.
33- qofka wanaagsani waa ka ku cibro qaata qayrkii.
34- daqiiqad aad murugootaa waxay la dherer tahay maalin dhan,maalin aad
faraxdaana waxay la dherer tahay daqiiqad,habeenka farxaduna wuu
gaabanayahay,habeenka murugaduna wuu dheeryahay.
35- biyo ha cabin ilaa aad haraado,waxna ha cunin ilaa aad gaajooto,hana
seexanilaa aad daasho.
36- wanaag waxaa iska leh qofka Alle u nimceeyo ee mahad naqa,marka la
imtixaamona samra,markuu debi sameeyana denbi dhaaf dalba,markuu cadhoodan
dulqaad sameeya,markuu wax xukumaayona cadaalad sameeya.
37- adduunyada janoo ayaa ah qofkaan gelina jannada aakhiro ma galo,waana xuska
alle,adeecidiisa,jacaylkiisa iyo weheshadiisa.
37- wanaaji camalkaaga ku foof arrimahaaga,hayso carbakaaga.
126- Alle wuxuu la jiraa kuwa ka cabsada,cadawga ayuu ka celiyaa, dhibta ayuu ka
ilaaliyaa,xanuunkana wuu ka bogsiiyaa.
38- ha murugon Allaa inala jiree,wuu ina arkaa,hadelkeena ayuu
maqlaa,cadawgeena ayuu inooga hiiliyaa.
39- kabtanka doontu markuu cabsado wuxu yidhaa “yaa Allaah”, ka lumay markuu
jidka waayo wuxuu yidha “yaa Allaah”,ka xanuunsanayaa wuxuu yidhaa “yaa
Allaah”,maxaa aidga kuu diiday inaad tidhaa “yaa Allaah”.
40- ka faqiirka ahow iska samri,waxaad ka nabad gashay inaad xoolo ilaaliso,ku
dedaasho xoolo ururis,iyo xisaabtan dheer oo Alle kula galo.
41- kan indhaha la,aw ku bushaareyso janno laguu siiyo abaal marin indhaha aad
weyday awgood,ogowna inaad ka nabad gashay inaad aragto munkaraadka.
42- maxaad ugu fikireysaa waxa aanad haynin,o aad ugu mahad naqi la,dahay waxaad
hasyo,maxaad u ilaaweysaa nimcadaad hayso ee aa u raadineysaa mid kaa
maqan,maxaad dadka u xaasideysaa ee aad u eegi la,dahay waxaad haysato.
43- ku noqo aduunka mid safar,inyar oo raati ah,kabasho biyo ah iyo
go,sita,ayaamuhu waa yaryihiin habeenaduna waa tirsanyihiin dabadeed caalamku
wuu dhamaanayaa qabrigana kii taajirka ahaa iyo kii faqiirka ahaa waa isku mid
44- ogow in boqorka lagu ag aaso shaqaalihiisa,madaxweynahana
ilaaliyiisa,gabayaaga caaka ahna lagu ag aaso faqiir caajislow ah,balse qabriga
gudihiisa ay yaalaan camalo kala duwan iyo darajooyin kala sareeya.
45 maalinta qorax cusubi kuu soo baxdo ku dheh soo dhowow matiyahay,wanaaji
maritinimadeeda ado gudanaaya waajib,towbad la imanayaa, ha ku sagootin
maalintaas denbiyo iyo murugo waayo soo noqon meyso.
46- noloshu way gaabantahay haku sii gaabin murugo,saaxiibadu waa yaryihiin ha
ku lumin canaan,cadowguna waa badanyahay ha ku sii badin macaamilxumo.
47- samirka kala mid noqo qudhaanjada,geedka 100 jeer bay kortaa oo hadan ka soo
dhacdaa,kamana daasho ee way ku noqotaa.
48- la saaxiib buuga,cid lala saaxiibo isaagaa u wanaagsqane
49- malaa,iigtu ma gasho guri ay joogto ey,farxaduna ma gasho qalbi ay joogaan
shahwado been.
50- iska ilaali meelaha lagu murmo,diinta ayaa lagu iibiyaa qiimo
jaban,dadnimadana waa lagu dhaawacaa,nasbkana waa lagu tuntaa.
51- cayda qofka guuleysta ay caayaan kuwa xaasidinta ahi waxay ka dhiganahay
iyagoo u riday madaafiicdii hambalyada,kuna dhawaaqay guushiisa.
52- rayigaaga ku xaaji la tashi waayo hal ra,yi waxaa ka wanaagsan laba ra,yi.
53- ha u qaadan dhaliil kasta oo laguu soo jeediyo cadaawad.
54- wadado aad raacdo waxaa ugu sharaf badan ta aad masaajidka u marto,wado aad
marto waxaa ugu aaminsan ta aad gurigaaga u marto,meel aad istaagto waxaa ugu
adag inaad nin madaxa hor istaagto.
55- akhlaaqada wanaagsan iyo dabeecada fiican ayaa ka qurux badan quruxda wejiga
iyo dharka waayo waxba ma tarto qurxda qaabka ahi.
56- ka indhaha la wuxuu tabaniyaa(jecleystaa)inuu maruun wax arko,ka dhegha
la,na wuxuu tabaniyaa inuu mar uun wax maqlo,ka curyaanka ahina wuxuu
jecleystaa inuu mar uun talaabsado, adna waxbaad maqleysaa,arkeysaa,oo waad
soconeysaa hadana waad murugooneysaa!!!!!!!!!!!
57- ha u malayn in nolosha qofna loo dhameystiray ka guriga haystaa gaadhi ma
haysto ,ka xaaska haystaa shaqo ma haystoo,ka aamateed hayaa waxa uucuno ma
hayst,ka waxa uu cuno haystaana cuntadiiba waa loo diiday.
58- dadka ha ka doonin inay ku ixtiraamaan ilaa aad ixtiraamto hana ku canaan
guuldarada kugu dhacday adiga isku canaano,hadii aad doonto dadku inay ku
karaameeyaana horta adigu karaamee.
59- shimirka cuntadiisa looguma keeno buulkiisa,libaaxa cuntadiisa looguma keeno
godkiisa,qudhaanjada laguma siiyo cuntadeeda halkay degentahay balse dhamaantood
way raadsadaan,adiguna u raadso siday u raadsadaan waxaad u heli siday u heleen.
60- hadii aduunka aad ka heli weydo maxkamad cadaalad ah,dacwadaada u dhigo
aakhiro ,markhaatiyadu waa malaa,iig dacwadu waa qorantahay garsooruhuna waa ka
ugu garsoorka fiican kuwa wax garsoora.
xiga sho bogga cilmi korodhsiga

Post a Comment

3Comments
Post a Comment