Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud

Unknown
0
Waa barnaamij weydiin iyo war-celin ah, amaba Su’aalo iyo Jawaabo ah, oo aanu soo daabici doono inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, haddii uu Alle raali ka noqdo.
1-Su’aal Sheeg Asxaabtii Nebiga (NNKH) keebaa ugu cimri dheeraa?
1-Jawab: Waxaa ugu cimri dheeraa Aanas Bin Malik rc.
2-Su’aal Sheeg Aanis Bin Maalik rc Cimrigiisu imisa sano ayuu gaaray?
2-Jawab: Wuxu gaaray 98 ilaa 100 sano.
3-Su’aal Sheeg imisa sano ayuu Arday u ahaa Imaamu Shaafici Macalinkiisii Imaamu Maalik?
3-Jawab: Sagaal sano.
4-Su’aal Sheeg xagee buu-ku aasan yahay Imaam Axmed Ibnu Xanbal rc?
4-Jawab: Wuxu ku aasan yahay magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq.
5-Su’aal Sheeg imisa jir buu markii uu geerinooyaayey Imaam Axmed Ibnu Xambal rc?
5-Jawab: Wuxu jiray 77 sano.
6-Su’aal Sheeg imaam Axmed Ibnu Xanbal duugtiisii imisa qofood ayaa ka soo qeyb gashay?
6-Jawab: waxa ka soo qeyb gashay 800,000 oo nin ah iyo 60,000 oo Haween ah. Xigasho Kutubka Tarjamatul Imam.
7-Su’aal Sheeg imisa Asxaabi ayaa ka soo qeyb gashay Qudbadii ugu danbeesay ee uu Nebiga (NNKH) ka jeediyay Xajkiisii ugu danbeeyey ?
7-Jawab: Waxa ka soo qeyb gashay 124,000 oo Asxaabi.
8-Su’aal Sheeg waa imisa Culeyks Maskaxda Bili’aadamka?
8-Jawab: Waxa weye hal kiilo iyo bar (1.5kg).
9-Su’aal Sheeg Su’aal Sheeg waa imisa boqolkiiba Culeyska maskaxda bili’aadamka marka loo-eego Culeyska jirka?
9-Jawab: waxa weye boqolkiiba 2. (2%).
10-Su’aal Sheeg imis ayaa boqolkiiba biyo ah jirka bili’aadamka?
10-Jawab: Waxa weye boqolkiiba 60 (60%) oo raga ah, iyo boqolkiiba 55 (55%) oo haweenka ah.
11-Su’aal Sheeg waa imisa culeyska maskaxda Maroodiga?
11-Jawab: Waxa weye toddoba kiilo iyo bar (7.5kg).
12-Su’aal Sheeg waa imisa caleyks maskaxda daanyeerka?
12-Jawab: Waxa weye in ka yarn us kiilo (420 gr)
13-Su’aal Sheeg waa imisa culeyska maskaxda lo’da?
13-Jawab: Waxa weye nus kiilo (500 gr).
14-Su’aal Sheeg waa imisa culeyska maskaxda Bisada (yaan-yuurta).
14-Jawab: waa 30 garaam. (30 gr).

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)