Afkeenii hooyo qiimo beel waa AFSOOMALIGEE

Unknown
0

Allaa mahad leh, ilaaha innagu galladay, nimcada amniga iyo islaannimada, Rasuul baa amaan leh kaas oo hadal, fal iyo sugidba diinta innagu soo gaadhsiiyey
Intaasi ka dib waxaan jeclaaday idin idila wadaago
Qormo yar oo kooban oo afkeena somaaliga sida ay u isticmaalaan dadkeena qaar ka mid ahi  akhri qoraalkan hoose ka dibna ka jawaab Ama kawar celi waydiinta ugu danbaysa.
Sidaynu ka war qabno Umadii u dhalatay afkan somaaliga ahi waxa inoo cadaatay in ay  ka guureen Afkoodii hooyo oo ay u guureen af English oo wadamo kale lee yihiin sidaynu wada ogsoonahay umadani luuqada somaliga iska lehi Qiyaasta boqolkiiba 40% waa ay ka tageen Afkoodii hooyo waxay u guureen English marmarka qaar kalmadaha ay isticmaalayaan Somali iyo English ayaa laysku qabanayaa sidaynu arki doono .
Hadaba aan idinla wadaago kalmado Aanu ka maarmin qof kastoo Af somaliga ku hadla isla markaaasina ay u badan yihiin adeegsigoodu af English iyo  af Somali isku qasan  Adna kuwaad hayso fariin iigu soo dir  waana  kuwan ee dhugasho wacan .
Kalmado hore waa ta khaldan ee bulshadeenu ku dhegtay  kalmada danbena wa tii afkeena hooyo kuna Qiyaasay inay tahay ta Saxda ah
1:/excuse me saaxiib/ *  /maxaa u diiday iga raali ahow/
2:/prepaid iigu shub/ *  /maxaa u diiday ku hadal iga iibi/
3:/sorry/  *  /maxaa u diiday iga raali ahow /
4:/please ila qabo/ maxaa u diiday inuu ku  yidhaahdo Afkiisa hooyo  /fadlan ila qabo/
5:/qof ii call garee /  * /maxaa u diiday inuu ku  yidhaahdo Afkiisa hooyo  /qof ii wac /
6:Bushaaro ayaad gashay qofbaad ku tidhi shaygaa ma haysaa isuu ku odhanayaa / welcome/ maxaa u diiday soo dhawoow walaal
7:/Tvga inaga off garee/ * /maxaa u diiday muuqbaahiyaha inaga dami
8:/laambada inaga off garee/ * / maxaa u diiday iftiinka Ama Nalka  inaga dami
Kuwaas oo kale ayaa kamida kuwa kale oo aad u fara badan waa ay jiraan .
Waar inagu ma lihin luqadaas Englishta iyo luuqadaha  kale Ee Shisheeye  waxaynu leenahay af somaaliga luuqadaas waa luuqadaadii Amase afkaagi hooyo hadii aad ka tagtid Bulshadii yaad uga tagtay .
Af aand lahayn hadaad ku hadaaqdo waa mashaakil
Af aanad lahayn hadaad ku hadasho waa dhibaato iyo qaxar iyo weerar aad ku qaaday afkaagi hooyo ee soomaaliga ahaa .
Waxaan kula talin lahaa umadda afkan soomaaliga iska lehi in Ay afkooda ilaashadaan oo ay ku hadlaan  isla markaasina iska dhafaan luuqadaha shisheeye ee ay adeegsnayaaan hawl kastoo ay hayaan .
Waxaan jeclaan lahaa in iskuul kasta oo lagu barbaariyo umadda afka soomaaliga ku hadasha ay Asaaska luuqada Afkooda hooyo baraan Dhalinta soo kacaysa .
Ugu danbayn waxaan kula talin lahaa si aanu afkeena hooyo ee soomaaligu u dabar goin aanu ilaashano oo aanu barno Bulshadeena kalmadaha saxda ah ee afkeena hooyo  Saldhiga u ah amba se naxwaha u ah hadaba waxaan ku waydiinayaa Waydiintanan hadii aad somaliga naxwehiisa taqaano .
Waydiin : sheeg kalmadaha KAN IYO ISAGA maxay ku kala duwan yihiin ?
War celinta idinka ayaan idinka sugayaa hadii aad hesho war celinta saxda ku ah emailka hoose iigu soo dir hadii aad khalado warcelinta waan kuu saxayaa waanan kuu soo sheegayaa warcelinta saxda ah  In Shaa Alaah.
W/Q: Eng Abdifatah Jama Ahmed{Amiir Ridwaan}
Email:Sircabdifataxj@gmail.com
Website:EngAbdifatah.blogspot.com
Hargeisa somaliland .


Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)