7 dii beenood ee ugu darnaa 2014 kana dhacay daafaha aduunka! cajiib

Unknown
0
Sanad kastaa wuxu leeyahay waayihiisa iyo dhacdoyinkiisa, mararka qaarkood waxa dhaca ama dadka loo sheega dhacdo ay dad badani dhagahooda ama indhahoodu rumayasan waayaan,
waxan halkan maanta kuso bandhigayna dhacdooyinkii sanadkii tagay ee 2014 aduunka laga sheegay inay ka dhaceen ama ka dhacayaan balse markii danbe been cad noqday ama la ogaaday inaanay dhicin.
1)Goyta geedkii aduunka ugu da’da weynaa
Sida ay aduunka ku baahiyeen qaar ka mid ah saxaafadu waxay sheegeen in la gooyay geedkii aduunka ugu da’da weynaa kaas oo lagu daray markii la xaalufinayay dhir weynihii Peru, balse markii danbe waxa cadaatay inaan la goyn geedka aduunka ugu da’da weyn balse ay ahayd waxa la xaalufiyay dhir iska caadi ah.
2)Xanuunka EBOLA iyo ciyaaryahan Michael Essien
Ciyaaryahankii hore ee kooxda chelsea hadana ka tirsan ciyaar yahana kooxda AC milan aya waxa aduunyada lagu shaaciyay inuu qabo xanuunka halista ah ee EBOLA kaas oo wadamo africa ku yaal faro baas ku haya, basle markii danbe waxa cadaatay in warkasi been yahay siday ciyaaryahanka iyo maamulka kooxduba cadeeyeen.
3)Dhimashada dad caan ah
Waxyaabaha kale ee sanadkii 2014 dadka aad ka uga yaabiyay af kala qaad na ku noqday waxa ka mid ah dhimashada dad caan ah sida Miley Cyrus iyo Kim Cardchian kuwas oo markii danbe la ogaaday inay ahayd been la faafiyay waxa kale oo iyana xusid mudan in isla sanadka la faafiyay dhimashada labada fanaan ee soomaaliyeed xasan aadan samatar iyo fananada fartuum birimo.
4) Qorax madoobad 6 cesho ah
Sida ay faafisay wakaalada wararka ee NASA waxay sheegtay inay dhici doonto qorax madobad 6 cesho ah kaas oo ka dhici doona meelo badan oo caalamka ah balse markii danbe waxa cadaatay in aanu dhicin wax qorax madoobaad ahi.
5)Caruur duur joog ah oo lagu arkay kaymaha maraykanka
Warar laysla dhex maray wadanka maraykanka aya lagu sheegay in qaar ka mid ah kaymaha maraykan lagu arkay caruur duur joog ah oo indho madaw leh, warkan oo kale waxa hore loo sheegay todobatanaadki balse baadhitan ka dib waxa la ogaaday inaanay jirin wararka sheegaya caruurta la arkay.
6)Sawirka gabadh saddex naas leh
Sawiradii ugu falaqaynta badna sanadkii tagay waxa ka mid ahaa sawirka haweeney sadex naas leh kaas oo noqday sawir aad loo hadal hayay dad badana xiiso galiyay inay arkaan ama la kulmaan haweynayda ilaahay sadexda naas u yeelay balse ugu danbayntii waxay noqotay sheeko badh go’day markii la ogaaday in sawirku photoshop ahaa.
7)Xeebtii cancerka la liicaysay
Waxa baraha bulshada ee lagu wada xidhiidho laysku dhaafsaday sawir xeebeed lagu sheegay inay tahay xeebta cancerka aduunka ugu khatarsan laga helay balse lama sheegin xeebtu wadanka iyo goobta ay ku taalo taas oo cabsi badan ku abuurtay dad badan oo u dalxiis tagay ama qorshaha ay ugu jirtay inay dalxiis ahan ugu baxaan xeebaha kala duwan ee aduunka loo dawashada tago, balse ugu danbayntii waxa la cadeeyay in aanu sugnayn warkaasi sawirkana photoshop ahan loo sameeyay.
Fadlan soo qor numberka aad maqashay ee ka mid ah 7 dan beenood balse markii danbe aad ogaatay inay ahayd been la sameeyay.

xigasho  bahda faaido

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)