Sheeko mucjiso ah: Saddexdii danbaabay.

Unknown
0


Saddex nin oo kala ah Carab, Yuhuudi iyo Jarmal ayaa maalin danbaabay, denbi yar may galine khamri bay cabbeen, waa la qabtay markaasaa jeelka la dhigay, waxaana loo dhaadhiciyay maxkamadda, xaakimkiina waxa uu ku xukumay in midkiiba dhabarka laga ga dhufto labaatan jeedal.
Markii loo diyaariyay garaacistii, waxa yimid odaygii karbaashi lahaa oo faraxsan waxaanu yidhi: Maanta waxa ii dhashay ilmo, munaasibaddan farxadda ah darteed mid walba waxa uu jecel yahay ha i weydiisto.

Kii Jarmalka ahaa oo garaacista lagu bilaabayay ayaa yidhi "Dhabarkayga hal barkimo saar inta aanad igu bilaabin" waanu u sameeyay. Barkimadiina markii 10 aad ayay ku googo'day ... dhabarkiina wuu murxay ilaa uu ka baroortay.

Yuhuudiga wakhtigiisii ayaa la soo gaadhay, codsigiisii ayuu qaddimay "aniga laba barkimo dhabarka ii saar" ayuu yidhi, waanu u saaray. Laakiin labadii barkimaba waxa ay baaba'een markii 15 aad. Intii soo hadhay ayaa dhabarkiisii raaxada ka qaadday, dhiigguna qulqulay.

Markan Carabkii ayaa yimid, waana midkii ugu danbeeyay, odaygii wax karbaashayay ayaa ku yidhi: "Adigu walaalkay ayaad tahay oo carab ah, jaarna waynnu nahay oo waxa aan ku siinayaa laba fursadood." Carabkii ayaa yidhi: "Mahadsanid mudane, marka hore 100 jeedal iigu beddel 20kii layga jari lahaa!" Wuu yaabay odaygii, markaasuu yidhi: "Geesi baabad tahay, marka labaad na maxaad dooran?" Carabkii qunyar inta uu dhoollacadeeyay ayuu yidhi: "Mar labaadkana kaa Yuhuudiga ah dhabarka ha lay saaro!". Markale ayay 100 jeedal ku dhaceen dhabarkii Yuhuudiga. Miyuuba sii noolaaday.

Waa Carabtii dhiigga lahayd kuwan ma'aha.

Qalinkii: Dalxa Sofe

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)