dhaqaalaha iyo aragtida ilyaas

Unknown
0

























timthumb-16-150x150













Hargeysa(Ilays-News)-Akhriste, marar badan adiga oo jaraa’iddada iyo wararka shabakadaha intarneetka akhriyaya amase muuqaal-baahiyaha war ka fiirsanaya, ma akhriday mase maqashay iyada oo laga hadlayo koboca dhaqaaleed ee uu dal waddamada adduunka kamid ahi gaadhey? Jeer kalena, siyaasiyiinta dalkeenna amase kuwo waddamo kale u dhashay oo hadal haya koboca dhaqaalaha dalka soo ma aadan maqal? Haa, waxay u dhowdahay inay kelmaddaasi marar badan dhegahaaga ku soo dhacday dabadeedna aad micnaha dhabta ah ee ay xanbaarsan tahay is-weydiisey. Hagaag! Qoraalkan kooban ee aad iminka akhriskiisa bilowday waxaynu si kooban ugaga hadli doonnaa koboca dhaqaalaha iyo waxyaabaha sababa. Ugu horraynta waxaynu qeexi doonnaa koboca dhaqaalaha iyo waxa looga jeedo, waxaynu xusi doonnaa muhiimadda iyo dhibaatada ka dhalata koboca dhaqaalaha. Dabadeed, waxaynu ka jawaabi doonnaa weydiimaha ah: Maxaa sababa koboca dhaqaalaha? Iyo Innagu koboc dhaqaale si dhakhso ah ma u gaadhi karnaa? Ugu danbayntana, waxaynu wax ka taataaban doonnaa doodda aynu u bixinay: Koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda dawladda: Faragelin mise fara-ka-qaadid? Waa maxay koboca dhaqaaluhu? Marka waxqabadka (performance) dhaqaalaha dalka la cabbirayo, waxa ugu horrayntaba la xisaabiyaa tacabka ama waxsoosaarka dalka idilkiis (Gross Domestic Product – GDP). GDP-gu wuxuu tilmaamaa qiimaha suuqa (market value) ee wadarta tacabka (total production) dalka. Qiimaha suuqa ee dhammaan badeecadda iyo adeegga waddanka gudihiisa lagu soo saaray muddo cayiman waxay ku siinayaan GDP-ga waddanka. GDP-ga ama wadarta tacabka dalka inta badan looma adeegsado is-barbardhigga dhaqaalaha dalalka kala duwan ee adduunka maxaa yeelay dalalku waxay ku kala duwan yihiin tirada muwaadiniinta ku nool. Sidaasi darteed, si dhaqaalaha waddamada la isku barbardhigo, siday u kala horreeyaanna loo ogaado, waa in GDP-ga dalka loo qaybshaa tirada dadka ku nool si ay inoogu soo baxdo tacabka dalka ee qofkiiba ama saamiga qof kasta oo waddanka u dashay kaga soo hagaagaya tacabka dalka idilkiis (GDP per capita). Tusaale ahaan, tirakoobkii ugu danbeeyey (World Economic Outlooke Database, October, 2015) ee ay soo saartay Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF, waxa GDP-ga waddanka Hindiya lagu qiyaasay $2,051,228, Hindiyana waxay sidaa ku noqotay waddanka sagaalaad ee adduunka ugu waxsoosaarka badan. Isla tirakoobkaasna, waxa GDP-ga waddanka Qatar lagu qiyaasay $210,109, waxayna Qatar noqotay waddanka Afartan iyo Sagaalaad ee adduunka ugu waxsoosaarka ama GDP-ga sarreeya. Akhriste, faraqa GDP-ga labada dal u dhexeeya soo uma jeedid? GDP-ga Hindiya waxa uu kan Qatar ka badan yahay $1,841,119. Sidaas oo ay tahayna, waddanka Qatar ayaa intuu doono ka qanisan Hindiya. Sababtu wax kale maaha ee tirada dadka labada waddan u kala dhashay ayaa cirka iyo dhulka isku jira! Hindiya waa waddanka labaad ee adduunka ugu dadka badan marka laga yimaaddo waddanka Shiinaha, waxana ku nool 1.252 Bilyan oo qof (World Bank, 2013). Halka dadka reer Qatar lagu qiyaaso 2.169 Milyan oo qof (World Bank, 2013). Tirada dadka labada dal oo kala badan awgeed, isla sannadkaa waxa qofka reer Qatar, GDP-ga waddankiisa kaga soo hagaagayey lacag lagu qiyaasay $137,162, taas oo Qatar ka dhigtay waddanka koowaad ee adduunka ugu qanisan. Halka qofka Hindiyaanka ah GDP-ga waddankiisa kaga soo hagaagayey saami dhan $5,808, Hindiyana ay sidaa ku noqotay waddanka Boqol iyo Shan iyo Labaatanaad ee adduunka ugu qanisan (IMF, 2014). Haddiiba aad si fiican u fahantey tacabka dalka idilkiis (GDP), waxaa kuu fududaanaysa inaad fahanto micnaha Koboca dhaqaalaha oo ah halka aynu beegsanayno. Koboca dhaqaalaha, kolka si fudud loo qeexo, waxa uu tilmaamaa isbeddelka muddo cayiman oo badanka hal sanno ah ku yimaada tacabka ama waxsoosaarka dalka idilkiis (GDP). Si kale haddii loo dhigo, koboca dhaqaaluhu wuxuu ka tarjumaa korodhka ku yimaadda waxsoosaarka guud ee dalka. Muhiimadda Koboca Dhaqaalaha Haddii aynu koboca dhaqaalaha iyo waxa uu daaran yahay isla garanay, waxa is-weydiin mudan muhiimadda uu koboca dhaqaaluhu leeyahay. Haddiiba waddanku uu gaadho koboc dhaqaale oo sarreeya, waa maxay waxa laga dheefi doono? Xaqiiqatan, haddii koboca dhaqaalaha iyo hantida ummada si isku mid ah loo qaybsado oo aanay koox, gobol ama reer gaar ahi gacanta ku hayn ilaha dhaqaaleed ee ugu muhiimsan dalka, dadka intooda kalena ka qatanayn, koboca dhaqaaluhu wuxuu xal u yahay dhibaatooyin dhaqaale oo bulshooyinka dalal badan oo keennu kamid yahay haysata. Koboc dhaqaale oo sarreeya waxa uu ka tarjumaa fursado shaqo oo badan, shaqooyinkana waxa laga kasbadaa lacag ay muwaadiniinta dalku ku noolaadaan, dabadeed arrintaasi waxay keenaysaa in saboolnimada iyo cuddurada ka dhasha sida gaajada, biyo la’aan, hoy la’aanta, caafimaad darrada iyo waxbarasho la’aanta la tirtiro. Koboca dhaqaaluhu wuxuu sidoo kale keenaa in nolosha muwaadiniintu noqoto mid tayo leh. Dhaqaalaha dalka oo kobca waxa uu muwaadiniinta dalka u suurta-geliyaa inay daboolaan baahiyahooda kala duwan. Dhibaatada ka dhalata koboca dhaqaalaha Akrhiste, koboca dhaqaaluhu waa arrin aan laga maarmi karin haddii la doonayo in isku filnaanshe la gaadho, saboolnimada iyo cuddurada la halmaamana meesha laga saarro. Balse taas micneheedu maaha in aanay koboca dhaqaalaha ku lammaanayn dhibaatooyin kala duwan. Dhibaatada ugu tunka weyn ee koboca dhaqaalaha ka dhalata waa dhaawaca soo gaadha deegaanka. Warshadaha waaweyn ee badeecadda soo saara, waxa ay hawada ku sii daayaan qiiq. Qiiqaasi waxa uu keenaa mushkiladda loo yaqaan “Wasakhowga hawada” iyo in cimiladu is-beddesho (Climate change). Cimilada adduunku, hawlaha dhaqaaleed ee sii kordhaya darteed, maalinba maalinta ka dambaysa waa ay sii kululaanaysaa. Kulaykaas ayaa keenaya in dhulalkii berefka ahaa ay dhaqaaqaan, ka bacdina biyo isu beddelaan oo ay ku darsamaan biyaha badda iyo webiyada. Taasi waxay sababaysaa in baddu ku soo durugto dhulka, sii jiritaanka magaalooyinka xeebaha ku teedsanna shaki galo! Wasakhowga iyo dhibaatada deegaanka soo gaadhaysaa waxay kale oo keenaan in caafimaadkii dadku halis galo. Sidaasi awgeed, caqabadda ugu weyn ee iminka adduunka hortaallaa waa sidii loo xakamayn lahaa, xalna loogu heli lahaa dhibaatada deegaanka soo gaadhaysa ee ka dhalanaysa koboca dhaqaaleed ee ina Aadan ku talaabsaday qarniyadii ugu dambeeyey. Maxaa sababa koboca dhaqaalaha? Marka laga hadlayo waxyaabaha sababa in dhaqaaluhu kobco, dhinacyo kala duwan ayaa laga eegi karaa. Qoraalkeenanse, waxaynu ku koobnaan doonnaa waxyaabaha keena in waxsoosaarka dalku bato maadaama aynu koboca dhaqaalahaba ku qeexnay isbeddelka ku yimaadda tacabka dalka. Afar qoddob; [Dhulka iyo keysada abuurta ah (Land and natural resources), shaqaalaha (Labour), maalgashiga gumarada (Capital investment) iyo horumarka tiknaloojiyadeed (Technological progress)] – oo sabab hor leh u noqon kara korodhka ku yimaadda waxsoosaarka dalka – ayaynu hoosta ka xarriiqi doonnaa. 1) Dhulka iyo keysada dabiiciga ah Dhulka, marka cilmiga dhaqaalaha la joogo, waxa lagu qeexaa dhammaan keysada dabiiciga ah ee waddanku leeyahay ee dhulka caadiga ahina ku jiro. Dhulka, haddii si heersare ah looga faa’ideysto, waxa hubaal ah in la xaqiijin doono koboc dhaqaale oo aad u sarreeya sababta oo ah ka faa’idaysiga dhulka iyo dhammaan khayraadka dabiiciga ah ee ku jira waxa ka dhalanaya inay balaadhato baaxadda waxsoosaar ee dalku (Production capacity). Tusaale ahaan, waddanka Sacuudigu wuxuu kamid yahay waddamada shidaalka qanniga ku ah. Haddii aanu Sacuudigu shidaalka dhulkiisa ku jira la soo bixi lahayn, waxa la qiyaasi karaa inuu maanta kamid noqon lahaa dalalka adduunka ugu saboolsan. Haddii la doonayo in koboc dhaqaale oo fiican la gaadho, nolosha muwaadiniinta dal gaar ah ku noolna la tayeeyo, waa in sida ugu macquulsan looga faa’idaystaa dhulka iyo khayraadka tirada badan ee ku duugan. Waxase baraarujin mudan, inaan keysada abuurta ah, sida shidaalka iyo xoolaha nool, la isku hallayn balse la xoojiyo oo la kobicyo ilaha dhaqaaleed ee beddelka u noqon kara keysada dabiiciga ah sida warshadaha. Dhibaatada ugu weyn ee iminka waddamada Khaliijka ku soo fool leh waa in shidaalkii dhaqaalahoodu ku tiirsanaa gabaabsi ku dhow yahay muddo aan sidaa u sii fogeynna gudhi doono. Marka waxa haatan waddamadaa la gudboon inay ka fekeraan wixii shidaalka dhaqaalahooda laf dhabarta u ah beddelka u noqon lahaa ee aanay sugin inta nimcadan ay sida fudud ku heleen ka dhammaanayso. Keysada Ilaah-sameeyga ah sida shidaalka, saliidda iyo macdanta kala duwan waxaan qabaa inay tahay deeq iyo haddiyad Eebbe ugu talagalay bini’aadanka uu u xil saaray inay khaliifo iyo danjirayaal ka noqdaan arlada. Deeqdaas Eebbe dadka badda iyo berriga u geliyey, dadka qaarkood way garteen ka bacdina way ka faa’idaysteen. Kuwo kalena iyada oo haddiyaddii Ilaahay ku hareeraysan tahay ayay haddana gaajo u dhimanayaan! Sidaasi darteed, shakhsi ahaan, labadaa qolo waa ay ii kala duwan yihiin oo kuwo haddiyaddii Eebbe intay garteen ayay sidii ay ahayd uga faa’idaysteen, nolol tayo lehna abuurteen. Kuwa kalena, aqoon darro iyo doqoniimo waxay ka tahayba, haddiyaddii Eebbe u fidiyey waa ay ka sooman yihiin, weliba soon bilaa ajar ah haddaanu danbiba noqon! Soomaaliduna, nasiib darro, waxay ku jiraan liiska kooxda danbe! Soomaalidu waa dad tiro ahaan yar balse deggan dhul baaxad weyn oo aad u balaadhan. Badda Qaaradda madoow ee Afrika ugu dheerna waxa nasiib u helay oo ay ku dherarantahay dhulka Soomaalidu degto. Kol kalena, dhulka iyo badda Soomaaliyeed waxa buux dhaafiyey khayraad aad u tiro badan oo aan qiyaas lahayn. Sidaasi oo ay tahay, dadka Soomaalidu waa ka af-xidhan yihiin khayraadka dhulkooda iyo baddoodaba ceegaaga. Warkoo kooban, Soomaalidu waa dad sabool ah balse dhulkoodu qani yahay. Si kale haddii loo dhahona, Soomaalidu waa dad dhulkoodu wada qaniimad yahay balse iyagu ka qatan. Nimcadii Eebbe geliyey dhulka Soomaalida, markii ay iyagu iska diideen inay la soo baxaan, ayaa shisheeyihii u soo qalab qaatay. Maraakiib shisheeye oo waaweyn ayaa baddii Soomaaliyeed maalin cad galay, wixii kalluun ahaa ee ku jireyna boobay! Ogobeey haddiiba ay boobka keysada badda ku jirta qudhiyaata ku koobnaan lahaayeen wayba roonaan lahayde, waddamada qaar ayaa baddii Soomaaliyeed ka dhigay meel sunta Nukliyeerka lagu daadiyo! Baddii Soomaaliyeed ee dadkeedu dayacay, ugu danbayntii waxay isku beddeshey goob si badheedh ah waxa khayraad ku jira loo boobo, kuddaafad qashinka iyo sunta lagu daadiyo iyo qayb sheekadii caanka ahayd ee “Ku qabso ku qadi mayside” waddamada qaarkood ku tijaabiyaan (Sida Kiiniya oo iminka qayb kamid ah badda Soomaaliya sheegatay). Sidaas oo ay tahayna, weli keysadii ku jirtey fari kama qodna. 2) Shaqaalaha (Labour) Mar kasta oo dadka shaqeeya ee waddanka la kordhiyo, shaqooyin badanna la abuuro, waxa siyaadaya waxsoosaarka guud ee dalka, siyaadadaas ayaa dabadeed horseedaysa in koboc dhaqaale la gaadho. Dadku waa hantida ugu qaalisan ee waddan haysto. Waddankuna dhaqaale ahaan wuu horumari karaa haddii aanu lahayn khayraad dabiici ah sida waddamada Japan iyo Singapore, laakiin waa habeenkii xalay ahaa oo tegey inuu horumar iyo koboc dhaqaale sameeyo haddii aanu haysan dad saaxiib u ah awood maskaxeed iyo mid jidheed oo wax soo saari karta. Waxa kale oo xusid mudan, shaqo la’aantu waa dhibaatada ugu weyn ee carqaladaysa habsami u socodka koboc-dhaqaaleed ee dalalka. Jeer kalena, shaqo la’aantu waa aafo qaran oo aabbo u ah cudurro badan oo koboca dhaqaalaha waddamada curyaamiya. Mar haddiiba tirada xoogga shaqaaluhu muhiim u tahay koboca dhaqaalaha, waxa jira dhowr dariiq oo lagu kordhin karo shaqaalaha dalka:- 1. Isbeddelka la soo dersa shaqaalaha dalka: Haddii dad badan oo dhallinyar ahi ku soo biiraan shaqaalaha dalka, waxa imanaysa in xooggii shaqaalaha (workforce) dalku uu siyaado. Badi waddamada reer galbeedka ee dhaqaale ahaan horumaray, tirada dadkooda korodh badani kuma yimaaddo. Sidaasi sababteed, waddamadaas waxa marba marka ka danbaysa isasii dhimaya dadka dhallinyarta ah ee shaqaalaha dalalkaas ku soo biiraya, maxaa yeelay waxa hoos u dhac weyni ku yimi tarankii dadka reer galbeedka laga soo bilaabo sannadkii 1960-kii. 2. Korodh ku yimaadda haweenka shaqaalaha dalka qaybta ka ah: Ragga ku dhaqan badanka waddamada adduunka ee fursadaha shaqo ka jiraan, waa kuwo shaqeeya, balse tirada haweenka ee qaybta ka ah shaqaalaha dalalkaas waa mid aan badnayn. Haddii ay kordhaan tirada haweenka shaqeeya ee dal gaar ah, waxa dhici doonta in tirada dadka shaqeeya ee dalkaasi ay badato. 3. Soodoolnimo (Immigration): Dariiqo fudud oo uu waddanku ku kordhin karo shaqaalihiisa ayaa ha inuu dad awood u leh inay xoogsadaan waddamada kale ka soo dhoofsado. Xeeladani waa mid ay waddamo badan oo reer galbeed ahi in muddo ah ku soo caano maaleen. Kaadhka cagaaran ee waddanka maraykanku siiyo dadka uu ka soo dhoofsado waddamada adduunka isaga ayay faa’ido weyni ugu jirtaa ee ujeeddadu maaha inuu dadkaa u danaynayo! Maadaama dadku yihiin hantida ugu qiimiga badan ee aan la’aanteed koboc dhaqaale sinnaba loo suubbin karin, dawladdu waa inay maalgashataa muwaadiniinteeda; iyada oo u suurtagelinaysa helidda waxbarasho tayadeedu sarrayso, tababbaro xirfaddooda lagu kobcinayo iyo daryeel caafimaad oo heersare ah. Amminta ay dawladdu dadkeeda wax gashato oo aqoon ahaan iyo tababbar ahaanba dhisto, awooddooda maskaxeedna (intellectual ability) sare u qaaddo, ayaa la filan karaa koboc dhaqaale oo degdeg ah, maxaa yeelay waxbarashada iyo tababbarada xirfadeed waxay sare u qaadaan tacabdhalka qofka (individual productivity), waxayna muwaadiniinta u fududeeyaan inay wax hal-abuuraan, daah-furyo kala geddisanna la yimaaddaan. Tusaale ahaan, waxaad ka soo qaaddaa, inaad ka shaqayso shirkad qoraalka iyo daabacaadda buugaagta ku shuqul leh. Adigu waxaad ka hawl gashaa qaybta kaambayuutarka oo waxaad maalin kasta siddeeddii saacba qortaa ku dhawaad 15 bog. Kolka aad wax qorayso, xawaaraha qoraalkaaga kiiboodhku waa uu hooseeyaa, labada murdiso ayaadna badanka wax ku garaacdaa! Dabadeed waxaad ka soo qaaddaa in maalintii danbe qoladii aad u shaqaynaysey kambayuutarka kuugu shubeen barnaamijka la yidhaahdo “Mavis Beacon” ee dadka lagu baro sidii ay xawaarahooda adeegsiga kiiboodhka u kordhin lahaayeen. Muddo kolkii aad ku tababbarayneysey qoraalka degdegga ah, isla markaana lagu baray qaabka tobanka faroodba loo adeegsado, ayaad maalintii danbe muddo siddeed saacadood gudahood ah 300 oo bog kaga faraxalatay. Isbeddelka ku yimi inta bog ee aad maalintii qori jirtey kolka aynu fasirayno waxaynu odhanaynaa “Tacab-dhalkaagii ayaa batay”. Sababta ugu weyn ee ka danbeysey in tacabdhalkaagu uu kordhona waa tababbarkii aad ka heshay barnaamijka “Mavis Beacon” ee shirkaddu kugu caawisay

. Sidaas si lamid ah ayay waxbarashada iyo daryeelka caafimaadku u saameeyaan tacab-dhalka qofka. Qof caafimaad qaba iyo qof xanuunsanaya oo tabcaan ahi marnaba isku tacab-dhal ma nonayaan. Qof aqoonta uu u leeyahay waxa uu ka shaqaynayo kooban tahay iyo mid aqoontiisa ku aaddan shaqada uu hayo ay sarrayso; iyana waa habeenkii xalay ahaa ee tegey inay isku tacab-dhal noqdaan! 3) Horumarka Tiknaloojiyadeed Horumarka Tiknaloojiyaddu wuxuu kamid yahay waxyaabaha saamaynta ugu mugga weyn ku leh koboca dhaqaalaha. Laba siyaaloodba horumarka tiknaloojiyaddu wuu u kordhiyaa kobaca dhaqaalaha ee waddamada: 1. Tiknaloojiyaddu waxay hoos u dhigtaa kharashka waxsoosaarka badeecadda. 2. Tiknaloojiyaddu waxay fure u tahay soosaarka badeecad cusub. Haddii aan badeecad cusub la sancayn, waxay u dhowdahay inaan dadku dheeriga dakhligooda ku isticmaalin iibsashada badeecadaha suuqa yaalla. Haddii ay taasi dhacdo oo ay dadku dakhligooda wax ku gadan waayaanna, koboc dhaqaale oo la taaban karo ma jiri doono. Sidaasi aawadeed, waa in ummad kasta oo doonaysa inay ku talaabsato horumar iyo koboc dhaqaale oo laxaad leh xoogga saartaa sidii ay tiknaloojiyadda u horumarin lahayd. Haddii aanay awooddaa lahayna, adduunka kale uga soo dhoofsan lahayd. Cilmibaadhistu waa sida qudhiya ee dalku horumarka tiknaloojiyadeed ku gaadhi karo. Marka waa in kharash badan lagu bixiyaa sidii cilmibaadhista loo dhiirrigelin lahaa, waana in jaamacaduhuna yeeshaan xarumo cilmibaadhis oo si heersarre ah u hawl gala. 4) Maalgashiga Gumarada (Capital Investment) Maalgashiga lagu sameeyo badeecadda gumarada (Capital goods) sida makiinadaha, kambayuutarada, gawaaadhida iyo dhammaan qalabka loo isticmaalo soosaarka badeecad kale waxa uu horseedaa in dhaqaaluhu si xawli ah u kobco. Warshadaha iyaga oo adeegsanaya qalab kala geddisan oo soo saara badeecad kala duwan iyo kuwa adeegyada kala caynka ah bixiya ayaa tusaale fiican u ah maalgashiga gumarada ee aynu ka hadlayo. Waxase xusid mudan inaan maalgashi kasta oo la sameeyo sabab u noqon koboc dhaqaale. Tusaale ahaan, maalgashiga lagu sameeyo guryaha cusub iyo cisbitaalladu mustaqbalka faa’ido lacageed oo badan ma soo celiyaan. Sidaa si lamid ahna, maalgashiga lagu sameeyo warshadaha ku guuldaraysta iib-geynta waxsoosaarkooda khasaare moojaaane wax faa’ido ah kama soo xereeto. Marka waa in maalgashiga lala beegsadaa meelaha tacab-dhalkooda iyo faa’idada laga heleyaaba sarrayso. Qalabka loo adeegsado waxsoosaarka oo tusaale u ah gumarada, haddii la horumariyo waxaa kordhaya tacab-dhalka shaqaalaha adeegsanayey markii hore. Tusaalihii aynu hore u soo qaadanay ee ku saabsanaa adiga iyo kambayuutarka aynu mar kale adeegsano si aynu iskula fahanno masaladan. Waxaad ka soo qaaddaa in adiga oo kambayuutarkaagii (gumaradaadii) hore isticmaalaya, isla markaana maalintiiba qora 300 bog, kambayuutarro cusub oo casri ah soo baxeen (Mahadi ha u sugnaato horumarka tiknaloojiyadeed ee la gaadhay eh). Waxaad ka soo qaaddaa in kambayuutarradan cusubi yihiin kuwo marka qoraalka loo yeedhiyo iyagu si iskood ah (automatic) u qora (Waloow aanan jiritaankooda hubin)! Dabadeed shirkaddii aad u shaqaynaysey ayaa kambayuutarradaa casriga ah soo iibsatey, adigana mid kamid ah ayaa laguu keenay, qarafaadhuggaagii horena waa lagaa tuuray. Dabadeed aroortii danbe ayaad shaqada soo gashay. Qoraalkii aad qori lahayd baad kambayuutarka u yeedhisey, saa degdeg buuba u qorayaa. Adiguna isma aadanba dhibin ee yeedhiskii baad dabada u qabatay, saa muddadii aad shaqayn jirtey ee siddeedda saac ahayd ayuu ku khatimay 800 oo bog halkii aad adigu hore 300 oo bog diiq ku qori jirtey! Maadaama oo ay kaabayaasha dhaqaaluhu yihiin furaha koboca dhaqaalaha, la’aanta kaabayaal dhaqaale oo tayadoodu sarraysona ay caqabad hor leh ku noqon karto dardarka koboca dhaqaalaha ee dalka iyo in maalgashiyo ganacsi waddanka laga sameeyo; dawladdu waa inay maalgelisaa mashaariicda lagu dhisayo laguna tayeynayo kaabayaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, biyaha, is-gaadhsiinta, laydhka, dekedaha, garoomada, diyaaradaha … iwm. Marka kaabayaasha dhaqaalaha ee tabcaanka ah laga hadlayona, malaha waddankeenna ayaaba tusaale innoogu filan. Biyo la’aanta baahsan ee Hargeysa ka jirta, laydhka adduunkaba ugu qaalisan ee dalkeenna loogu yimaaddo iyo waddooyinka khalaaska ah, meelaha qaarna aanayba lahayn, waxay muujinayaan sida dawladdu u hagratay maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha, taasina waxay caqabad ku noqonaysaa in lagu dhaco maalgashiga dalkeenna maxaa yeelay kharashka waxsoosaarka (Cost of production) ee laydhka qaaliga ah, biyo la’aanta iyo waddo la’aantu keensanayaan ayaa cirka isku shareeraya, dabadeed taasi waxay keenaysaa inaan badeecadda waddanka gudihiisa lagu sanceeyo cidna iibsan mar haddiiba qiimaheedu sarreeyo. Sidaynu hore u soo tibaaxney, dawladdu waa inay kordhisaa maalgashiga waxbarashada iyo tababbarada xirfadeed ee kala duwan. Marka ay dawladdu kaabayaasha dhaqaalaha tayayso, waxbarashada iyo tababbarada xirfadeedna saami fiican miisaaniyadda dalka uga qoondeyso, ayaa la filan karaa in muwaadiniinta iyo ajaanibtuba mashruucyo maalgashi oo kala duwan waddanka ka sameeyaan. Markaas ayaynu dabadeed odhan karnaa maalgashigu waa uu dheelitiran yahay (Balanced investment). Ugu danbaynta, haddii uu dalku doonayo inuu dhaqaalihiisa sare u qaado, waa inuu abuuraa jawi maalgashi, ganacsatada dalkaas u dhalatay iyo ajaanibtana si toos ah iyo si dadbanba ugu dhiirrigeliyaa inay maalgashiyo kala duwan ka sameeyaan waddanka. Koboc dhaqaale si dhakhso ah ma u gaadhi karnaa? Haa waynu gaadhi karnaa. Laakiin iminka maaha! Oo maxaa iminka innaga hortaagan? Innaga ayaa iska hortaagan! Sidee hadda? Qabyaaladda aabbaha u ah eexda, musuqa, boobka hantida dadweynaha, sed bursiga, nacaybka, qoqobka iyo dhammaan cudurrada halista ah ee la halmaama marka aynu ka bogsanno ayaynu koboc dhaqaale iyo horumar gaadhi karnaa. Oo qabyaaladda iyo koboca dhaqaalaha maxaa isaga shan iyo toban ah? Wax kasta! Warshaddii sibidhka ee Berbera markii la is yidhi hala maalgeliyo, ma waan sheekadii la qabyaaladayn, maalgashigiina sidii ku baaqan? Dabadeed innaga oo buuraheennu wada sibidh yihiin ma waynaan Itoobiya iminka ka soo dhoofsan? Shidaalkii Saraar laga sahaminayey isaga ka sheekee? Shirkaddii sahaminta iyo baadhista shidaalka waddey ma waan reero qoryo u soo guran ka bacdina aanay lafaheeda la cararin?! Marka aynu sardhada dheer ee aynu ku jirno ka baraarugno oo qiranno inaynu nahay kuwo iyada oo horumar loo tartamayo seexday, dabadeed meel aan arliga ahayn oo cidlo ah lagaga tegey ayaynu koboc dhaqaale gaadhi karnaa. Markaynu dalalka tartanka horumarka iyo dhaqaalaha hoggaaminaya wax ka barano oo qaabkii ay u ordeen iyo xeeladihii u suurtageliyey inay kaalmaha hore galaan si fiican u fahanno ayaynu koboc iyo horumar dhaqaale gaadhi karnaa. Mahatheer Maxamed oo ahaa hoggaamiyihii dalka Malaysiya horumarka balaadhan gaadhsiiyey ayaa mar la weydiiyey sida ay Malaysia meesha ay joogto ku gaadhey. Isna ismaba uusan dhibine hadal micno ii sameeyey ayuu ku hal celiyey. Kuyee “Markaanu doonnay [tukashada] salaadda, Makka xaggeeda ayaanu u jihaysaney, markaanu dhismaha dalka doonnayna, Jabbaan xaggeeda ayaanu u jihaysanay” Waaba iga waydiine, horta innagu horumarka iyo koboca dhaqaalaha markaynu ka hadalno, xaggaynu u jihaysanaa? Wallay ka tahay meel alaale meel aynu u jihaysano ma jirto. Astaqfurrulaah, war malaha dee qubuuraha ayaynu u jihaysanaa, soo innagan habeen iyo maalin odayaal qarniyo ka hor dhintay ku faanayna ee horumarka u haysanna! Maalintaynu helno dawlad damiir leh oo dadkeeda u damqanaysa isla jeerkaana diyaar u ah inay tayayso nolosha muwaadiniinteeda ayaynu koboc dhaqaale xaqiijin karnaa. Sideedaba horumarku bilaash maaha ee waa loo halgamaa, naftaa loo huraa, waana hayaan dheer oo hawl badan. Wax kastana aqoonta ayaa ka horraysa. Haa, oo ma nin hayaan ku jira oo aan garanahaynin dariiqa loo marayo meesha uu beegsanayo ayaa safarkiisu guul ku soo idlaan?! Koboca dhaqaalaha iyo siyaasadda dawladda: faragelin mise fara-ka-qaadid? Dawladda iyo doorkeeda guud ee dhaqaalaha dalka Waxaanu muran ka taagnayn doorka soo jireenka ah ee dawlad kasta kaga aaddan dhaqaalaha dalkeeda oo ay ugu muhiimsantahay:- 1. Inay dawladdu badeecadda guud (public goods) ee suuqa aanay faa’idadu ugu jirin maalgashigooda sida: Difaaca dalka, garsoorka iyo booliiska ay masuuliyad iska saarto sidii ay u maalgashan lahayd iyada oo adeegsanaysa lacagta ay muwaadiniintu cashuur ahaan u bixiyaan. Sidoo kale, waa inay dawladdu maalgelisaa mashaariicda kor loogu qaadayo tayada kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo weliba caafimaadka iyo waxbarashada. 2. Dawladda waxaa waajib ku ah inay daabacdo lacagta dalka isla jeerkaana sugto qiimaheeda. Jeer kalena, la dagaalanto sicir-bararka. 3. Dawladdu waa inay samaysaa sharci dadka kala haga, xuquuqdooda lahaanshiyona suga. Tusaale ahaan, haddii ay cid gaar ahi isku daydo boobka hanti cid kale leedahay, waa inuu jiraa sharci qabanaya cidda falka noocaas ah ku kacda. Sidoo kale, waa inay dawladdu ilaalisaa xuquuqda cidda badeecad ama adeeg gaar ah maskaxdooda ka hal-abuurta sida badeecadda iyo adeegyada kala duwan ee ay shirkaduhu ikhtiraacaan. 4. Waa inay dawladdu xakameysaa washakhowga (pollution) ka dhalanaya hawlaha suuqa sida waxsoosaarka warshadaha waaweyn. 5. Waa in dawladdu hubisaa in suuqa tartan xor ahi ka jiro oo aanay jirin shirkado keligood-cun ah (Monopoly) oo xuurto ku haysta qaybo kamid ah dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, waa in dawladdu ku dadaashaa sidii keysada kooban (limited resources) ee dalka si siman loogu qaybsan lahaa, isla markaana ku dadaashaa sidii ay u yarayn lahayd faraqa dakhli (income inequality) ee muwaadiniinta dalka u dhexeeya. Doorkaa guud ee dawlad kasta dhaqaalaha dalkeeda kaga aaddan ee aynu kor ku soo xusnay marka laga yimaaddo, waxa jira laba qolo oo kala aaminsan laba aragtiyood oo iska soo horjeeda. Qolada koowaad waxay qabaan aragtida ah “Faragelinta suuqa xorta ah”, halka qolada labaadi aaminsantahay aragtida ah “Fara-ka-qaadka suuqa xorta ah”. Sidaasi daraadeed, waxaynu isku deyi doonnaa inaynu si kooban labadan aragtiyood wax uga tilmaamno. Aragtida faragelinta suuqa Qolyaha aragtidan qaba waxa ay aaminsan yihiin inaan suuqa oo keliya koboc dhaqaale oo degdeg ah waddanka u horseedi karin sababta oo ah waxa suuqa badanka ku yimaadda waxa loo yaqaan “Guuldarrawga Suuqa” (Market Failure). Guuldarrawga suuqa waxa sababa hab-dhaqanka danaystinimada (Sel-interested behavior) ee shakhsiyaadka ku lug leh suuqa iyo ganacsiga xorta ah, waana marka lagu fashilmo amase laga gaabiyo buuxinta kaalmo lagama maarmaan u ah koboca dhaqaalaha ee waddanka. Sidaasi aawadeed, waxay qolyahani ku doodayaan in faragelinta dawladda ee suuqa sinnaba looga maarmi karin mar haddiiba heerka kartida (Efficiency) suuqu aanay sarrayn, fashilka la soo gudboonaadaana uu badan yahay loona baahan yahay in ay dawladdu gacan ka geysato dardar gelinta xawliga uu ku socdo koboca dhaqaalaha dalku. Faransiiska, Jabbaan iyo Jarmalku waxay kamid yihiin waddamada siyaasadda faragelinta suuqa iyo jihaynta dawladda ee dhaqaalaha dalka ku liibaaney. Qolyaha aragtidan qaba waxay tilmaamaan siyaabo kala geddisan oo ay dawladdu suuqa u faragellin karto iska jeerkaana koboca dhaqalaha dalka u dedejin karto. Kordhinta kharashka ay dawladdu ku bixiso waxbarashada iyo tababbarada Tayada shaqaalaha dalka waxa la hagaajin karaa marka beegaalka (standard) waxbarasho ee dalka kor loo qaado. Hadafkan waxa la gaadhi karaa marka, tusaale ahaan, caruur badani ay iskuulka ku negaato, arday badanina ku biirto jaamacadaha iyo macaahidda lagu barto xirfadaha gacanta ee kala duwan. Taasina waxay suurtoobaysaa marka la kordhiyo saamiga miisaaniyadda dalka uga qoondeysan waxbarashada. Marka tababbarka laga hadlayo, qolooyinkani waxay ku doodayaan inaan shirkadaha suuqa xorta ahi awood u lahayn inay lacag ku bixiyaan tababbarka shaqaalahooda cadaadiska kharashka waxsoosaar ee haysta darteed. Sidaasi awgeedna, shirkad kasta waxay isku deyi doontaa inay shaqaale tababbaran oo xirfad leh ka soo dabato shirkadaha kale iyada oo siyaabo kala geddisan shaqaalaha xirfadda leh u soo jiidanaysa. Taasina waxay horseedaysaa inuu suuqu fashilmo oo uu awood u yeelan waayo suurtagellinta tababbaro ku filan shaqaalaha dalka. Mar haddiiba suuqu ku guuldarraysto arrintan, dawladda ayaa looga fadhiyaa inay suuqa soo farageliso. Dawladdu si ay mushkiladdan u xaliso, waxay samayn kartaa sharciyo shirkadaha khasab kaga dhigaya, tusaale ahaan, inay toddobaadkiiba maalin ama laba cisho tababbaro siiyaan shaqaalaha dhallinyarta ah ee suuqa ku cusub. Waxay kale oo dawladdu ku dhiirrigelin kartaa shirkaduhu inay tababbaraan shaqaalahooda iyada oo kab ama taageero lacageed la garab is-taagaysa shirkadaha hawshan sideeda uga so baxa. Akhriste, si dooddani kuugu baxdo aan tusaale fudud kuu soo qabto. Shirkadaha dhismaha ee magaalada Hargeysa ka jira, kolka ay dhisayaan fooqaqa qurxoon ee wada muraayadaha ah, waxay kuuliga iyo badanka shaqaalaha ka shaqaynaya dhisidda dabaqyadaa, ka soo dhoofsadaan waddamo aad inooga fog sida Hindiya iyo Baakistaan. Carab, Suuriyaan iyo Yamani u badan, ayaa iyana sidoo kale dhismaha dabaqyadan ka qayb qaata. Waxa laga yaabaa inaad is-weydiiso waxa ku dhacay shaqaalihii reer Hargeysa ee waddanka u dhashay isla markaana shaqo la’aanta ka cabanayey! Jawaabta oo kooban, kuuliga dalka u dashay markii horeba xirfaddooda ayaa iska yarayd, cid tababbarta oo xirfaddooda kobcisana waa ay waayeen. Sidaa aawadeed baa shaqaalaha dhismayaasha waaweyn dhisa ilaa Hindiya iyo dhul aan arlada ahayn looga doonaa! Weydiinta ay tahay inaynu markan is-weydiino ayaa ah: Shirkadihii gaarka loo lahaa mar haddiiba aanay isku hawlayn tababbarka shaqaalaha dalka u dhashay, jaamacado iyo xarumo lagu barto xirfadaha noocan oo kale ahna aanay jirin, miyaanay ahayn inay dawladdu, (Waaba haddii shaqaalaha dalka lexlajeclo ka haysee), arrintan soo farageliso oo ay wax ka qabato? Kabka maalgashiga gaarka loo leeyahay (Subsidizing private investment) Mar kaste oo kharashka ku baxaya gumaradu (capital) hoos u dhaco, shirkaduhu waxay badanka kordhiyaan maalgashigooda, kuwa cusubna waxay ku dhiirradaan inay suuqa ku soo biiraan oo ay maalgashiyo kala duwan sameeyaan. Sidaasi daraaddeed, dawladdu waxay dhaqaale ahaan kabi kartaa shirkadaha doonaya inay maalgashiyo cusub waddanka ka sameeyaan si ay koboca dhaqaalaha ee dalka u kordhiso. Laba siyoodba dawladdu kabkan way u samayn kartaa. Waa marka koowaade, waxay shirkadaha maalgashiyada cusub samaynaya si toos ah u siin kartaa lacag ay maalgashigooda ku xoojiyaan si ay maalgashiga guud ee dalka u dhiirrigeliso. Marka labaadna, waxay dawladdu cashuur-dhaaf u samayn kartaa shirkadaha doonaya inay maalgashiyo cusub hirgeliyaan. Sidoo kale, dawladdu waxay si gaar ah u bartilmaameedsan kartaa shirkadaha ay is leedahay faa’idadooda mustaqbalka ayaa badan amase kuwa koboca dhaqaalaha ee dalka door laxaad leh ka ciyaari kara, dalkuna aanu ka maarmi karin waxsoosaarkooda. Siyaasadda noocan ah waxa loo yaqaan “Siyaasadda doorashada guuleystayaasha” “Policy of picking winners”. Maalgashi dawladeed oo toos ah (Direct Government Investment) Xoogagga suuqa xorta ah, xitaa kolka ay sidooda ugu fiican u hawl gelayaan, waxa dhici karta inay ka gaabiyaan xaddiga maalgashi ee dalka looga baahanyahay. Sababtaas awgeed, dawladdu waa inay suuqa si toos ah u soo faragelisaa halkii ay shirkadaha gaarka loo leeyahay si dadban u faragelin lahayd ama go’aamadooda saamayn ugu yeellan lahayd. Tusaale ahaan, dawladdu waxay qaramayn kartaa shirkado gaar loo leeyahay oo ay u aragto inaanay sii jiri karin khasaaraha lasoo darsaya awgeed. Shirkad kacday balse aanu dhaqaalaha dalku ka maarmaynin haddii ay jirto dawladdu waa ay la wareegi kartaa si ay waxtarkii waxsoosaarka shirkadda dalka ugu badbaadiso. Sidoo kale, dawladdu waxay iyada oo kaashanaysa ganacsatada dalka maalgashi ku samayn kartaa ganacsiyo kala duwan. Mar kalena waxay dawladdu kaashan kartaa warshadaha gaarka loo leeyahay si ay badeecad cusub u soo saaraan. Dhiirrigelinta cilmibaadhista iyo horumarka Habab kala duwan ayay dawladdu u dhiirrigelin kartaa horumarka tiknaloojiyadeed ee dalka. Tusaale ahaan, jaamacadaha iyo macaahidda xirfadaha kala duwan lagu barto ayay maalgellin kartaa si ay u sameeyaan cilmibaadhis. Mar kalena, dawladdu waxay aasaasi kartaa xarumo Cilmibaadhiseed oo ay iyadu gacanta ku hayso. Sidoo kale, waxay lacag ku taageeri kartaa shirkadaha gaarka loo leeyahay ee cilmibaadhista sameeya, wax cusub oo waxtar lehna daaha ka qaada. Malaha, dhibaatada ugu weyn ee Soomaalilaan iminka haysata waa cilmibaadhis la’aanta baahsan ee ka jirta. Jaamacadaha Soomaalilaan ka jira, midh qudha oo kamid ah oo diraasad ay iyadu gaar u samaysay soo bandhigtay ilaa iminka lama hayo. Cilmibaadhis inay isku hawlaan iska daaye, jaamacad qudha oo leh qayb ama xarun cilmibaadhis lama arag. Shirkadaha gaarka loo leeyahayna warkoodaba daa. Markan oo kale, miyaan cid (Dawlad) shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Jaamacadaha ku dhiirigelisa, mararka qaarna khasab kaga dhigta inay cilmibaadhis sameeyaan loo baahnayn? Ilaalinta shirkadaha dalka (protectionalism) Dawladdu waxay dareemi kartaa in shirkadihii waddanku ay ku guuldarraysanayaan ama aanayba ku dhacayn inay maalgashadaan dalka iyaga oo ka cabsi qaba tartanka badeecadaha shirkadaha ajnabiga ah. Qolooyinka qaba aragtida “Siqiiridda shirkadaha” (Infant industry argument) waxay ku doodayaan in shirkadaha kharash badan ka baxo bilowga maalgashigooda sidaas darteedna aanay awood u lahayn inay la tartamaan shirkadaha waaweyn ee shisheeyaha iyo badeecadahooda jaban muddada ay raad baradka yihiin, taasina ay keensanayso inay dawladdu shirkadahaas bilowgooda ka ilaaliso tartanka caalamiga ah iyada oo cashuurta ku kordhinaysa badeecadda shisheeyaha amabase waddankaba ka mamnuucaysa si ay badeecaddda warshadaha waddanku soo saareen suuq u helaan, shirkaduhuna aanay bilowgoodaba u siqiirin. Korodhka Xanibaadaha Caalamiga ah ee lagu xakamaynayo faragelinta Suuqa Xorta ah Waxa xusid mudan in beryahan danbe ay sii adkaanayso faragelinta tooska ah ee dawladdu ay ku samayn karto suuqa, sababta oo ah waxa jira heshiisyo badan oo ay dalalka qaarkood galaan kuwaas oo dhigaya in waddanna aanu si toos ah u faragelin suuqa xorta ah. Tusaale ahaan, waddamada xubinta ka ah midowga Yurub waxa mamnuuc ka ah inay suuqa farageliyaan. Waddanka Jarmalka oo xubin ka ah midowga Yurub awood uma laha inuu shirkado gaar ah oo waddanku leeyahay taageero lacageed siiiyo. Sidoo kalena Jarmalku badeecadda ka imanaysa waddamada xubinta ka ah midowga Yurub cashuur dheeraad ah kuma soo rogi karo heshiiska uu la gelay Midowga Yurub dartiis. Fara-ka-qaadidda suuqa: Doodda suuqa xorta ah Qolooyinkan la dhacsan doodda ku salaysan aragtida ah inay dawladdu faraha kala baxdo suuqa xorta ah waxay ku doodayaan in suuqu yahay habka ugu fiican uguna kartida badan ee lagu qoondayn karo keysada kooban ee la haysto. Faragelinta dawladda ee suuqu badiyaa, markay ugu wanaagsan tahay xitaa ma midho-dhasho, waxayna dhaawac u geysataa koboca dhaqaalaha dalka ee timaaddada fog. Qodobbada ugu muhiimsan ee ay qoladani xoogga saarrayaan dooddoodana u cuskanayaan waxa kamid ah kuwa hoos ku xusan. Waxbarashada iyo tababbarada Marka waxbarashada laga hadlayo, qolooyinkani waxay qirsan yihiin muhiimadda ay leedahay inay dawladdu bixiso ama qaban qaabiso waxbarashada iyo tababbarada balse waxay ku doodayaan in kala doorashadu lagama maarmaan tahay, qaybta gaarka loo leeyahayna (Private sector) loo oggolaado inay gacan ka geystaan bixinta waxbarashada iyo tababbarada. Waa inay dawladdu ikhtiyaarka ardayda ilaalisaa oo ay u oggolaataa halka ay iyagu doorbidayaan iyo nooca waxbarasho ee ay doonayaan iyada oo siinaysa lacag waxbarasho oo ay halkay doonaan wax kaga baran karaan. Waxay kale oo ay qolyahani ku doodayaan marka waxbarashada sare la joogo, in dawladdu yarayso deeqda (fund) ay ku bixiso, ardaydana lacag laga qaado maxaa wacay ardaygu marka uu waxbarashada lacag ku bixiyo ayuu dareemi karaa qiimaha ay ku fadhido, dedaal badanna la imanayaa. Marka tababbarka loo yimaaddana, dawladdu ma go’aamin karto nooca tababbar ee ay shirkaduhu u baahan yihiin. Haddii shirkaduhu ay tababbari waayaan shaqaalahooda, sababtu waa inay liidato faa’idada ka soo laabanaysa tababbaridda shaqaalaha. Sidaasi darteed, shirkaduhu waa inay lacagta ku bixiyaan meelo faa’ido sare laga filan karo oo dakhliga qaranka (National income) kordhinaysa, halkii ay kharash ku bixin lahaayeen tababbaridda shaqaalahooda! Waxay qabaan inaan dawladdu waxba ka garan karin tababbarada ay shirkaduhu u baahan yihiin, sidaas darteedna ay tahay inay iyaga faraha uga qaado. Maalgashiga Qoladani waxay qabtaa in maalgashiga faraha looga qaado shirkadaha gaarka loo leeyahay. Shirkadaha macaash-doonka ahi mar kasta waxay maalgashanayaan meesha ugu waxsoosaarka iyo macaashka badan. Haddiise dawladdu soo farageliso, badanka waxay wadataa ujeeddooyin kale oo ay kamid yihiin yaraynta shaqo la’aanta, ama kordhinta barwaaqada goob waddanka kamid ah. Taasina waxay hoos u dhigaysaa xawliga koboca dhaqaalaha dalka, maxaa yeelay mashaariicda waxsoosaarkoodu badan yahay ayay tahay in la maalgashto. Ganacsiga xorta ah Qolyahani waxay sidoo kale qabaan in ganacsiga xorta ah iyo tartanku yihiin arrimo muhiim u ah koboca dhaqaalaha. Ganacsiga xorta ah iyo tartanku waxay sabab u noqonayaan in keliyaata shirkadaha kartidoodu (Effiency) sarrayso badbaadi doonaan oo suuqa ku sii jiri doonaan. Ilaalinta shirkadaha dalka (Protectionalism) iyo keligii-cunku (monopoly) waxay shirkadaha kartidoodu hoosayso u suurtageliyaan inay suuqa ku sii jiraan, badeecaddooda iyo adeeggoodana waxay macaamiisha kaga iibiyaan qiimo aad u sarreeya. Qolyahani waxay tusaale u soo qaataan guusha dhaqaale ee ay gaadheen waddamada Hong Kong iyo Koonfurta Kuuriya oo ahaa waddamo dhoofka (export) xoogga saara, kuna guulaystay inay badeecaddooda adduunka kaga iibiyaan qiime macquul ah iyo tayo heerkeedu sarrayso. Gebo-gebo Akhriste, waxaan kuugu hambalyeynayaa inaad gebo-gebadii qoraalkan soo gaadhey oo aadan bilowgiisiiba ka hadhin. Waxaan rejaynayaa in wax badan kaaga baxeen qormadan aad iminka akhriskeeda ka faraxalanayso. Qormaddeenan, waxaynu ugu horrayntiiba ku qeexnay koboca dhaqaalaha, dabadeed waxaynu ka hadalnay muhiimada koboca dhaqaalaha iyo weliba dhibaatada ka dhalata. Waxaynu tilmaamnay waxyaabaha sababa koboca dhaqaalaha. Dabadeed waxaynu ka jawaabney weydiinta ah: Innagu koboc dhaqaale oo degdeg ah ma gaadhi karnaa? Ugu danbayntiina waxay si kooban u soo bandhignay laba aragtiyood oo iska soo horjeeda isla markaana ku aaddan doorka dawladda ee koboca dhaqaalaha dalka. Ticraacyo 1. Alain Anderton (2000), Economics, 6th Edition. 2. Roger Leroy Miller, Economics Today, 9th Edition. 3. N. Gregory Mankiw, Principles of Macroeconomics, 6th Edition. 4. Philippe Aghion; Peter Howitt (2009), The Economics of Growth. 5. Nicolas Roys; Ananth Seshadri (2015), On the Origin and Causes of Economic Growth. 6. Daron Acemoglu, Introduction to Modern Economic Growth. *** W/Q: Ilyaas Maxamed

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)