Caajisku waa luggooyo socota. W/Q: Dalxa Sofe

Unknown
0
Wax walbaaba waa suuregale weli Caajiskii nasakha ahaa oo laga dhigay qof caadiya ma aragtay Way dhici kartaa in uu noqda e, sheekadan kooban ee weydiimaha iyo warcelinta ah ayaa na dhex martay aniga iyo caajis mar aan u si lama filaan ah u kulannay. Weydiimahani waa male'awaal.


1. Maxaad ka dhigi lahayd yoolkaaga nololeed?
- Waxaan ka dhigi lahaa mid raaxo iyo nasasho.

2. Maxaad ugu jeclaan lahayd?
- Sariirtayda waana hantidayda kaliya e.

3. Maalintii maxaad qabataa?
- Maalin oo dhan midhkaa ma qabta e naftayda uun baan daaliyaa si aan si fudud ugu seexato habeenkii.

4. Sidaad u aragtaa shaqada?
- Shaqadu waa wax adag oo aan u qalmin in weligeed loo dhowaado.

5. Haddii lagu odhan lahaa; qofkaas talo sii maxaad odhan lahayd?
- Qabo waxa ugu fudud ee aad qaban karto, iskuna day in ay kuwa kale qabtaan shaqadaada.

6. Shaqadaada dib ma u dhigtaa adiga oo awoodaya in aad qabato?
- Haayoo, shaqadayda dibba uma dhigto ilaa berri aniga oo u riixi karaya ilaa sahandanbe.

7. Shaqo la'aan ma loo dhiman karaa?
- Markaasaan ka quustaa dadkaba. Ha isku wareerin niyaw qofka aan waxba ba qaban weligiina ma dhimanayee.

8. Ka warran qofkii in badan shaqeeya?
- Kaasaa noole ugu liita. Kii shaqo badan isku qabta isaga uun bay dhibi doontaa ilaa uu ka dhinto.

9. Waadigan shaqada necebe ma laga yaabaa in aad mar uun jeclaato?
- Hodhodho, haddii aan dareemo in yar oo shaqo-jacayla waxoogaa ayaan iska nastaa ilaa uu iga baxayo xiisahaas yari.

10. Iga raalli noqo, goormaad dhimanaysaa?
- Wagagac aniga iyo Ibliis faran nooma dhexeeyo, ilaa qiyaamaha waan joogaa adeer.

W/Q: Dalxa Sofe

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)