:
Allaa mahad leh, ilaaha innagu galladay, nimcada amniga iyo
islaannimada, Rasuul baa amaan leh kaas oo hadal, fal iyo sugidba diinta innagu
soo gaadhsiiyey
Intaasi ka dib waxaan jeclaaday idin idila wadaago
Qormo yar oo kooban oo afkeena somaaliga sida ay u
isticmaalaan dadkeena qaar ka mid ahi akhri qoraalkan hoose ka dibna ka jawaab Ama kawar celi waydiinta ugu
danbaysa.
Sidaynu ka war qabno Umadii u dhalatay afkan somaaliga ahi
waxa inoo cadaatay in ay ka guureen Afkoodii hooyo oo ay u guureen af
English oo wadamo kale lee yihiin sidaynu wada ogsoonahay umadani luuqada
somaliga iska lehi Qiyaasta boqolkiiba
40% waa ay ka tageen Afkoodii hooyo waxay u guureen English marmarka qaar
kalmadaha ay isticmaalayaan Somali iyo
English ayaa laysku qabanayaa sidaynu arki doono .
Hadaba aan idinla wadaago kalmado Aanu ka maarmin qof kastoo
Af somaliga ku hadla isla markaaasina ay u badan yihiin adeegsigoodu af English iyo
af Somali isku qasan Adna
kuwaad hayso fariin iigu soo dir waana kuwan ee dhugasho wacan .
Kalmado hore waa ta khaldan ee bulshadeenu ku dhegtay kalmada danbena wa tii afkeena hooyo kuna
Qiyaasay inay tahay ta Saxda ah
1:/excuse me saaxiib/ * /maxaa
u diiday iga raali ahow/
2:/prepaid iigu shub/ * /maxaa u diiday ku hadal iga iibi/
3:/sorry/ * /maxaa u diiday iga raali ahow /
4:/please ila qabo/ maxaa u diiday inuu ku yidhaahdo Afkiisa hooyo /fadlan ila qabo/
5:/qof ii call garee / *
/maxaa u diiday inuu ku yidhaahdo Afkiisa hooyo /qof ii wac /
6:Bushaaro ayaad gashay qofbaad ku tidhi shaygaa ma haysaa
isuu ku odhanayaa / welcome/ maxaa u diiday soo
dhawoow walaal
7:/Tvga inaga off garee/ * /maxaa u diiday muuqbaahiyaha inaga dami
8:/laambada inaga off garee/ * / maxaa
u diiday iftiinka Ama Nalka inaga dami
Kuwaas oo kale ayaa kamida kuwa kale oo aad u fara badan waa
ay jiraan .
Waar inagu ma lihin luqadaas Englishta iyo luuqadaha kale Ee Shisheeye waxaynu leenahay af somaaliga luuqadaas waa
luuqadaadii Amase afkaagi hooyo hadii aad ka tagtid Bulshadii yaad uga tagtay .
Af aand
lahayn hadaad ku hadaaqdo waa mashaakil
Af aanad
lahayn hadaad ku hadasho waa dhibaato iyo qaxar iyo weerar aad ku qaaday
afkaagi hooyo ee soomaaliga ahaa .
Waxaan kula talin lahaa umadda afkan soomaaliga iska lehi in
Ay afkooda ilaashadaan oo ay ku hadlaan isla markaasina iska dhafaan luuqadaha
shisheeye ee ay adeegsnayaaan hawl kastoo ay hayaan .
Waxaan jeclaan lahaa in iskuul kasta oo lagu barbaariyo umadda
afka soomaaliga ku hadasha ay Asaaska luuqada Afkooda hooyo baraan Dhalinta soo
kacaysa .
Ugu danbayn waxaan kula talin lahaa si aanu afkeena hooyo ee soomaaligu u dabar goin aanu ilaashano
oo aanu barno Bulshadeena kalmadaha saxda ah ee afkeena hooyo Saldhiga
u ah amba se naxwaha u ah hadaba waxaan ku waydiinayaa Waydiintanan hadii aad somaliga naxwehiisa taqaano .
War celinta idinka ayaan idinka sugayaa hadii aad hesho war
celinta saxda ku ah emailka hoose iigu soo
dir hadii aad khalado warcelinta waan kuu saxayaa waanan kuu soo sheegayaa
warcelinta saxda ah In Shaa Alaah.
W/Q: Eng
Abdifatah Jama Ahmed{Amiir Ridwaan}
Email:Sircabdifataxj@gmail.com
Website:EngAbdifatah.blogspot.com
Hargeisa
somaliland .