Yuhuudda iyo Internetka

Unknown
0


Waa qormo kooban oo ka hadlaysa xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya mareegaha Internetka iyo Yuhuudda, iyaga oo inta badan gacanta ku haya baraha ugu caansan Internetka sida; Facebook, Google iyo WhatsAppka.
Barahaas oo ah kuwo ay bulshada caalamku gaal iyo Muslimba si xooggan u isticmaalaan, iskuna weydaarasadaan afkaaraha iyo aragtiyaha kala duwan. Waa goobo lagu faafiyo diimaha dunida ee kala geddisan.

● Facebook: waxa aas'aasay Mark Zuckerberg, oo dhashay 1984 kii waa Yuhuudi Amerikaan ah.
● Google: waxa aas'aasay Segie Brein, oo dhashay 1973 kii waa Amerikaan hooyadii ay Yuhuudiyad tahay.
● WhatsApp: waxa aas'aasay Jan Kom, oo dhashay 1976 kii waa Yuhuudi ka soo jeeda Yukrayn.

Intaa yar marka aan soo ururiyay waxa aad weydiinaysaa naftayda iyo taadaba haddaa maxaad u isticmaalaysaa guud ahan Internetkan? Warbixintan kooban miyay ku socotaa mid aan Internetkaba isticmaalin asalan ba? May. Hadday haa noqon lahayd, waxa ay la micno ahaan lahayd sida mid kutub ka iibinaya qof aan garanayn akhriska. Waa murug inteeda le'eg in aan ogaato waxa aad isticmaalayso in nacabkaagu gacantiisa kuugu hayo.

Facebook iyo Google waa baro u taagan basaasid iyo in bulshooyinka lagu faafiyo dhaqammo liita oo xunxun. Innaga waxaa innaga saaran in aan u yeelanno taxaddar.


Haddii aynnu ka fogaanno wax badan baa innagu seeggan, haddii aan ilaa xad ugu dhawaannana dhibteeda ayay leedahay. Si cilmi iyo akhlaaq wanaag ku dhisan barahan waxaynu uga dhigi karnaa kuwo lagu faa'iido, sharkana lagaga durko. Cadawgaaga baro denbi ma aha.


W/Q: Dalxa Hassan Sofe

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)