SHeeko xiiso badan talo waayeel

Unknown
0


day waayeel ah ayaa soo fadhiistay webi garabkii, waxoogaa markii uu fadhiyay ayuu arkay bisad ku dhacday webigii oo biyihii ku hafatay; iyada oo rabta in ay nafteeda badbaadiso. 
Odaygii wuxuu go'aansaday in uu bisadda badbaadiyo, gacantiisii ayuu ula tagay, laakiin bisaddii ayaa qaniinyo ku dhufatay, wuu kala soo booday isaga oo xanuun dareemaya, kamuu hadhine mar labaad ayuu gacantii ku fidiyay haddana 'kadh' bay kaga siiyay bahal miciya. Mar saddexaad ayuu ku quustay isaga oo gacanta nabar ka soo gaadhay, dibadda biyaha ayuu soo dhigay bisaddii ugu danbeyntii.
Nin isna meesha joogay ayaa la socday arrinta odayga iyo bisadda, ninkii ayaa soo dhaqaaqay odaygiina ku yidhi "Adeer maxaad sidan u yeeshay?" Odaygii ayaa yidhi: "Dadka kula dhaqan dabeecaddaada, ha kula dhaqmin tooda, sida ay doonaan ha kuu dhaawacaan, dhibkoodaasina yaanay saameyn taban ku yeelan wanaaggaaga."

W/Q: Dalxa Sofe

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)