Sheeko gaaban oo mucjiso badan: Muhiimaddu waa in la dhiso dadka.

Unknown
0


Aabbo ayaa isku dayay in uu akhriyo jariidad uu u heellanaa akhrinteeda, laakiin waxa uu iskaga taagwaayay inan yar oo uu dhalay, kolba wuu ka soo dhex galaa. Khaati buu istaagay. 
Markii uu ku daalay kii yaraa ayuu warqad ay khariidadi ku sawiran tahay oo ka mid ah jariidaddii inta uu soo gooyay dhawr qaybood oo yaryar u kala jarjaray, kii yaraana ku yidhi isku hagaaji khariidaddaas; bal si uu ugaga mashquulo. Odaygii Akhrintii jariidadda ayuu iska sii watay isaga oo filaya in uu ka yari maanta oo dhan ku mashquuli doono isku keenkeenidda khariidadda.
Cajiib, kii yaraa waxa uu ku soo noqday muddo 15 daqiiqo oo keliya isaga
oo isku soo dubbariday khariidaddii qaab sax ahna isugu soo hagaajiyay.
Aabbihiii inta uu yaabay ayuu kii yaraa ku yidhi: "aabbo ma hooyadaa ayaa ku bartay Juquraafiga?"
Wiilkii yaraa ayaa ku jawaabay: "may, laakiin warqadda xaggeeda kale waxa ku sawirnaa suurad qof, haddii aan suuradda qofkaas isku hagaajiyana khariidadduna way hagaagaysaa!!" Weedhaasi waxa ay noqotay mid aabbihii ka yaabisay dunidana ka hirgashay.
"Haddii lagu guuleysto in dad la dhiso, dunida inteeda kalena waa la
dhisi karaa" Muhiimaddu waa in la dhiso dadka.

W/Q: Dalxa Sofe

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)