Qormo Xiiso Leh Oo Ku Saabsan Bani Aadanka!!

Unknown
2



-Ma ogtahay in dadka khajilaada badani ay yihiin dadka kuwa ugu daacadsan mustaqbalkana noqda kuwa xaasaskooda ugu roon.
-Ma ogtahay in xaqiiqada shakhsiyada insaanku aanay ku jirin waxyaabuhu ku hadlo se ay ku jirto waxyaabuhu qabto.
-Ma ogtahay in xanuunka dhalmadu ay u dhiganto 42 lafood oo ka mid ah lafaha jidhkaaga oo la jibiyo.
-Ma ogtahay in caajisku (boring) u keeno fikir badan taaso kugu keenaysa murugo. Naftaada mashquuli si aad markasta u noqotid qof faraxsan.
-Ma ogtahay in wakhtiyada adagi ku tusiso asxaabtaada kuwa dhabta ah.
-Ma ogtahay in kelyahaagu leeyihiin 1 milyan oo filtero ah kuwaaso nadiifiya ilaa 1.3 liter oo dhiiga ah daqiiqad kasta, maalinkastaana 1.5 liter oo kaadi ah jidhkaagu dibada u saaro.
-Ma ogtahay markaad murugaysantahay in ay maskaxdaadu ku moodsiinayso inay dadka agagaarkaaga jooga wada faraxsanyihiin.
-Ma ogtahay inay indhahaagu u dhigmaan kamrad (camera) 576 megapixels ah.
-Ma ogtahay markasto talaabo qaadatid inaad isticmaalaysid 200 oo muruq.
-Ma ogtahay in wakhtiyada adag iyo kuwa murugada leh ay kobciyaan maskaxdaada kaana dhigaan qof maskax badan mustaqbalkana kaa dhiga qof go’aan qaadasho leh.
-Ma ogtahay dadka jecel inay caawiyaan dadka kale ay noqdaan dadka ugu farxada badan markay waynaadaan.
Xuquuqda waxa iska leh Nabad Iyo Caddaalad

Post a Comment

2Comments
Post a Comment