Qormo kooban: Qorshee noloshaada

Unknown
0


Inta badana dadku waxay ku jahawareeraan qaabka ama se habka ugu san uguna quruxda badan ee ay u dajisan lahahaayeen qorshe ay maaganyihiin inay qabtaan. Hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa habab kala duwan oo aad u fudud oo aad ku hanan karto Rajooyinkaaga iyo halkaad rabto inaad gaadho.


1: Go'aan qaadasho: Arin walba oo la qabanaya kama soo hadho go'aan qaadashada, waayo hadaanad go'aan lahayn waligaa dhaafi maysid xaydaabka kugu xeeran. Intaanad go'aanka gaadhin ka hor soo waysayso oo laba rakcadood tuko Ilaahayna ka bari inuu kaa caawiyo inay kuu rumoobaan rajooyinkaagu, waayo wax walba oo aad qabanayso oo aad is badal wanagsan ku doonaysa ma suurto galayaan hadaanad Illaahay la kaashan.

2: Qorshe Dajin: Meel kaliga fadhiiso aanay wax rabshad ahi ka jirin ama se ku jeedin karaa, maskaxda tuuji oo wax kasta oo kaa dhex guuxaya qor deetana kala shaandhee oo qaado qodobada kuugu muhiimsan ee aad isleedahay waxaad ku gaadhi kartaa Guushaada iyo halkaad rabto, sidoo kale waa inay kuu cadaataa oo aad xaqiiqsata waxaad doonayso ee aad rabto inaad noqoto oo aanu shaki iyo shucaac toona kaaga jirin.

3: Qiyaas Qaadasho: isku day inaad ka qiyaas qaadato waqtigaad ku gadhi karto Hafkaaga ama se intay leegtahay waqtigay kugu qaadanayso inaad gaadho halkaad rabtaa.

4: Habee sidaad u qabanayso: markaad doonayso inaad dajiso qorshe waa inaad heshaa sidoo kale hanaankii iyo habkii aad u gaadhi lahayd iyo sidoo kale waxaad isticmaali lahayd ee kuu fudadyn kara inaad gaadho halkaa aad rabto.

5: Ku dhaqaaq hawsha: Markaad hubsato inaad martay hababkan kala duwan waa inaad ku dhaqaaqdaa hawsha oo aad guda gashaa adoon dib u dhigayn, waayo hadaad dib u dhigto waxa hubaal ah inaad halkaagi hore uun ka miisayso oo aanad waxba faa'idayn.

5: Saamee Akhris: Akhriso sheekooyinka iyo Odhaahyda kaa caawin kara ama se kugu dhiiri galinaya waxa aad doonayso inaad noqoto kuna galinaya xamaasad xad dhaaf ah.

6: Dib u eegis: mar kasta oo aad talaabo qaado qor dibna u eeg inay khaladaad ku jiraan haday ku jiraana sax haddii kalena sii xooji.

Insha Allah hadaad talaabooyinkan yaryar aad raacdo waxa hubaal ah inaad kama midho dhalin doonto dadaalkaaga.

Qalinkii: Xamse Siciid Kuuriya (Tudhaale)

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)