MAQAAL XIISO BADAAN Somaliland ictiraafkii baa ag yaala :

Unknown
0



   
                                  
sidaynu wada ogsoonahay Somaliland  waxa la aqoonsaday inay tahay
Wadan jira 1960 iyada oo aanay jirin somaliya,jabuuti,somalida Ethiopia ,NFD kenya .
 ingiriisku wuxuu  aqoonsaday inay Somaliland tahay  wadan madax banan sidaasi daraadeed inaga ayaa la doonanay meelo aynaan garanayn imika se hadda waxaynu 25 sano jirsanay la soo noqoshadii madaxbaanida jamhuuriyada Somaliland 1991 18 may sidaasi awgeed hadda wali ma hayno ictiraaf caalamiya inkastoo talaabooyin horumarineed oo lagu gaadhi kari ictiraaf caalamiya la qabtay
waxna hadhsan yihiin  .
Waxaan halkan ku soo gudbinayaa dhawr qodob Hadaba maxaa ka mida talaabooyinkaas ama qodobadaas  waa kuwa kooban oo aan ugu talo galay inay ka faaidaystaan cid kasta oo maqaalkaygana aragta  una gudbiyaan cida ay khusayso :
1:imika      Daafuur  oo ka  mida suudaan ayaa rabta in la ictiraafo oo ay noqoto wadan ka madax banan jamhuuriyada suudaan waxan kula talin lahaa madaxda jamhuuriyada Somaliland inay  taageeraan
Qadiyadaas oo ay u codeeyaan inay  DAAFUUR 13 sano dagaalo sokeeyo ka socdeen ay noqoto wadan ka madax banana suudaan inteeda kale  lana xidhiidhaan isla markaasina heshiisyo aanu kala qorano si  Hadhaw IYANA INOO ICTIRAAFAAN.
2:Ruushka oo saldhig ciidan laga siiyo meel ka mida Somaliland goboladeeda isla markasina  Lagu xidho shuruudo odhanaya saldhig milatari ka furo  Somaliland shuruudna looga dhigo oo heshiis lagula galo inuu ictiraafka Somaliland Meel uu saarayo oo uu ku dhawaaqayo isla markaasina ciidanka tababro siinayo Iyo waxaynu u aragno inay Somaliland muhiim iyo danba  u Tahay  sababtuna wax kale maahee ruushku waa wadanka qudha ee aduunka far ku warrejiya lana ficiltama reer galbeedka idilkood .
3:inaynu afrika wadamada Somaliland taageera aynu ka dhaadhicino inay aqoonsadaan Somaliland isla markaasina wufuuda la soo martiqaado sidii ay Somaliland u iman lahaayeen
4:in wadanka  ingiriiska  laga dhaadhiciyo inay Somaliland ku dhawaaqaan ictiraafkooda sababna looga dhigo warqadii quuenta engriiska ay qortay 1960 caalamkuna goob joog ka Ahaado  isla markaasina loo soo Bandhigi  aduunkana .
5:in wadan kasta oo Somaliland danaynaya la soo dhaweeyo loona ogolaado ,isla markaasina shuruudo lagu xidho in Somaliland ictraafkeeda aya siiyaan .
6:in  la taageero meel kasta oo ka go aysa wadan oo leh waxaanu rabnaa in aanu noqono wadan madax banan .
7:in la soo dhaweeyo wadamada ka taageera Somaliland dhinaca dhaqaalaha ,horumarka ,dib udhiska dalka iyo sidii somaliland u noqon lahayd wadan lagu majeerto nabadiisa quruxdiisa iyo horumarkiisaba lagana dhaadhiciyo in ay ku soo dhiiradaan in ay maalgashadaan ,


8:In wax kasta oo somaliland u dana laga qayb qaato laga qayb galo .
inahaas ayaan ku soo koobayaa 
wasalaamu calaykum 

Maqaalkan waa la qaadan karaa waana lagu daabici karaa  Aalad kasta oo waxa gudbisa
Waxa qoray maqaalkan :
Eng Abdifatah Jamac Ahmed  {Amiir RIdwaan }
Hargeisa Somaliland
Fb:Eng Sir Abdifatah  
Wabilaahi Tawfiiq .

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)