Ka dhig hankaaga mid sare si aad noloshaada guul uga gaadhid…

Unknown
0
Waxaynu qormadan ku eegidoonaa sida aynu nafta ugu dhiiri galin lahayn in han sare iyo sababaha lagu koriyo hanka sare
Noloshu waxa ay isu kaa tusinaysaa sida aad adigu doonayso inay kuugu muuqato ee isu kaa tusi mayso sida ay iyadu doonayso in ay kuugu muuqato
Qofkii ku tala gala inuu hankiisa kor u qaado ha ogaado in dariiqa loo marayaa inuu san ubax iyo roog cas goglanayn, ee uu yahay dariiq ay ka sokayso daal, rafaad iyo hurdo yari nafta oo laga ilaaliyo waxa ay jeceshahay.
Haddaba akhriste waxaynu wada eegaynaa qodobo dhawra oo kuu sahlaya inaad kobciso hankaaga korna u qaado oo aad higsato meel sare waayo “alle waxa uu jecelyahay waxa sareeya
1:- dadaal aan kala go lahayn waayo dadaal la’aantu waxba kuuma hirgalayaan yoolna kuuma xaqiiqoobaayo
2:-rabbi bariga iyo inaad alle waydiisato inuu himmadada kor u qaado yoolkaagna uu ku gaadhsiiyo
3:-waa inaad qirsan tahay in hankaagu hooseeyo, waayo taas waxa ay kuu sahlaysaa inaad dawayso meelaha aad dareemayso inaad ku liidato. Laakiin waxa aduunka ugu xun qof hankiisuna hooseeyo isla markaana aan qirsanayn ama aan ogayn in hankiisu hooseeyo
4:-inaad akhrido taariikhda iyo sheekooyinka dadkii kaa horeeyay ee aduunka iyo aakhiraba meel sare gaadhay, dhuux sheekooyinkooda, hakuu noqdeen meel aad ka dab qaadato
5:-la saaxiib dadka hankoodu sareeyo, ka dheerow inaad la saxiibto dadka hanka hooseeya . waayo saaxiibku saameyn ayuu kugu yeelan karaa, ee ka fiirso saxiibka aad yeelanayso
6:-caajiska iyo wahsiga faraha badan. Waayo waa laba shay oo aad u xun waxaana ka docaystay nabigeenii Mohamed (SCW)
Saddex qudhaan jada kaga dayda:-
  • Joogtaynta shaqada
  • Ku cel-celinta iyo isku dayga
  • Sixida khaladaadka
Haddaba akhriste han sare waxa uu la mid yahay himma saraysa. Han hooseeyaha wuxuu la mid yahay himmad hooseysa, himmaduna waxa ay la mid tahay, shayga qofku ku hammiyo oo niyaysto oo uu ku fikiro inuu sameeyo kana sal gaadha

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)