Akhlaaqda wanaagsan iyo fadliga ay leedahay

Unknown
0
Akhlaaq wanaaga iyo fadliga ay leedahay: Allaah ayaa mahad mudan, naxariis iyo nabad gelyo rasuulka korkiisa  ha ahaato
Waxaan walaalahayga muslimiinta ah usoo gudbinayaa hadal kooban oo kusaabsan akhlaaqda wanaagsan iyo fadligeeda.
Waxaan shaki ku jirin ahmiyada ay leedahay  akhlaaqda wanaaagsani iyo heerka ay ka taagantahay diinteeena islaamka.
Hadaba  in taynaaan ka hadlin wanaaaga ay leedahay iyo qiimaheeeda, waa maxay akhlaaaq wanaagu ?
Culimada islaaamku waxay u qeeexeen akhlaaqda wanaagsan qaabab kala duwan, markaa waxaynu ka doooran kuwa ugu balaadhan ee ugu faahfaahsan
 
1- waxay ku fasireeen culimada qaaarkoood in akhlaaqda wanaagsani tahay:
Samafalka  oo lala yimaado, dhibta oo lala joogsado, dhibta oo loo dulqaato:
Waxa hadalkaa macnihiisu yahay  akhlaaqda wanaagsani waxay kusoo urur santahay in lagaa helo sedex arin, oo kala ah:
1-     in aad dadla u sama fasho oo aad wanaaga u gasho.
2-     In aad dhibtaada dadka ka haysato oo aanad dadka dhibin, af iyo adinba.
3-     In aad u dulqaadato dhibta dadka kaa soo gaadhaysa.
 
2- waxay culimada qaarkooodna ku fasireen akhlaaqda wanaag san in ay tahay:
In aad xidhiidhiso cidii ku jarta, oo aad wax siisi cidii ku siin wayda, oo aad saamaxdo cidii kugu gardaroota.
4-     waxay yidhaahdeen culimada qaarkood: akhlaaqda wanagsani waxay ku taagan tahay shan tiir, oo la, aantood ayna  ku suuro gela hayn, waxayn kala yihiin:
1- adkaysiga amaba sabirka .2-  dhawrsoonaanta. 3- geesinimada.  4- garsooorka ama cadaalada.
 
Waa maxay fadaaisha iyo wanaaga akhlaada wanaagsani ku leedahay diinteena ?
Akhlaaqda wanaagsani waxay leedahay  wanaagyo badan oo qofku ku helaayo  if iyo aakhiroba.
Akhlaaqda wanaag san qiime heedu aad ayuu u sareeyaa xaga diinteena suuban,
Hadaba sikooban ayaynu u sheegaynaa fadaaisha akhlaaqda wanagsan :
1-     ugu horayntii  akhlaaq wanaagu waa  fulin iyo ku dhaqanka islaamka, waayo ilaahay ayaa ina faray akhlaaqda suuban, sida ilaahay yidhi :
)الجاھلين خذ العفو وأمر بالعرف وأعرض عن   )( (199 الأعراف،
Aayada ilaahay wuxu ku ururiyay akhlaaqda wanaag san oo uu ina  farayna in laynaga helo.
2-     akhlaaq wanaagu waa  adeecitaan  la adeecayo rasuulka , rasuulkeena  -amaanta allaah iyo nabad gelyadiisu hakor ahaatee- ayaa ina farar akhlaaqda wanaag san, sida ku sugan inu yidhi :
 ) وخالق الناس بخلق حسن (والترمذي أخرجه أحمد .
Wuxuuna ina faraya rasuulku in aynu dadka akhlaaq wanaagsan kula dhaqano.
 
3- akhlaaq wanaagu waa ku dayasho lagu dayano rasuulkeena suuban, waxa rasuulku uu ahaa dadka ka ugu akhlaaq wanaagsna, cid la hiigsadona waxaa ugu sharaf badan rasuulkeena- korkiisa amaanta alle iyo nabad gelyo ha ahaatee.
 
4- akhlaaq wanaagu waxa u keenaa in qofka kor alle u qaado darajadiisa, sida rasuulku yidhi:  ) إن العبد ليبلغ بحسن خلقه درجة الصائم القائم (داود أخرجه أبو
Waxa xadiisa macnihiisu yahay; adoonku akhlaaqda wanaagsan waxa uu ku gaadhaa darajada qafka sooman ee  tukanaaya habeenkii.
 
5- aklaaqda wanagsan waxaa lagu galaa janada, waxaa rasuulkeenu yidhi :
)الخلق وأعظم ما يدخل الناس الجنة تقوى ﷲ، وحسن  (وغيره أخرجه الترمذي .
Waxa macnaha xadiisku yahay, waxa ugu wayn  ee janada lagu gala  cabsida allaah iyo  akhlaaq wanaaga.
 
5-     akhlaaqda wanaag sani waxay keentaa in loo dhawaado fadhiga rasuulka  maalinta yawmal qiyaamaha. Sida rasuulku sheegay:
 ) إن من أقربكم مني مجلسا يوم القيامة أحاسنكم أخلاقا(
Waxaa idinku dhawaan shiiyo badan  agtayda malinta dambe ku wiina ugu akhlaaq wanaag san.
 
6- akhlaaqda wanaag sani waxay cuslaysaa miisaanka qofka maalinta yawmal qiyaamaha ,sida rasuulku sheegay,
 )الخلق ما من شيئ أثقل في الميزان يوم القيامة من حسن  (أحمد أخرجه .
7-     akhlaaqda wanaagsani waxay kordhisaa cumriga, waxayna camirtaa daaraha, sida ku
sugan xadiiskan :  ) حسن الخلق وحسن الجوار يعمران الديار، الأعمار ويزيدان في  ( رواه أحمد
8- akhlaaqda wanaagsan quluubta dadka ayaa lagu kasbadaa.
9- akhlaaqda wanaagsan qofka ceebihiisa ayay asturtaa.
10-  akhlaaqda wanaag san dhibta dadka ayaa lagaga badbaadaa.
Fadaaisha akhlaaq wanaag wax la koobi karo ma ah,
Akhlaaqda wanaag san fadaaishiisu way badantahay, wax lakoobi karona maha,
 
Waxaa haboon in la is waydiiyo  akhlaaqda wanaag matahay  wax la kasban karo mise waa aabuur ?
Dad badan ayaa aamisan in akhlaaqda wanaag sani abuur tahay oo aan la kasban Karin, taasina waa fikrad aan sax ahayn,  way jirtaa in akhlaaq wanaaagu abuur u  yahay dadka qaarkoood, hadana waa wax la kasban karo oo laysku beeri karo, sidaaa darteed ayay  ilaahay faray in lagu dhaqmo oo rasuulku faray, wax aan suurto gelayna la isma faro,
Markaa ku dadaal akhlaaqda wanaag san waad heliin oo waad ku tilmaamnaane.
 
Maxaa lagu helaa akhlaaqda wanaagsan hadaba?
Waxaa akhlaaqda wanaag san lagu helaa arrimo badan, oo ay ka mid yihiin:
1- baryada rabbi, ilaahay  in laga baryo akhlaaqda wanaag san, ilaahayna wu kaa ajiibayaa.
2- in nafta lagu la dadaalo akhlaaqda wanaangsan iyo ku dhaqan keeda.
3- in lala xisaabtamo nafta, oo  xadhiga loo siii day nee lagu soo dabaalo akhlaaqda wanaag san, taxuna lagala xisaabtamo.
4-  in loo fiirsada  midhaha wanaag san ee laga gaadhaayo akhlaaqad wanaagsan ee ay leeedahay.
5- in loo fiirsado dhibta iyo cawaaqib xumada akhlaada wanaagsan.
6- in  naftada laga saaro aragtida ah in aan akhlaaqdu is bedalin.
7- in doonida qofku sarayso oo arrimaha sare uu hiigsado .
8- in dadka diinta toosan iyo akhlaaqdaba  lala saaxiibo.
9- cilmiga sharciga ah in labaroto.
10- in dadka akhlaaqda iyo diin xun laga dheeraado.
 
Muuqaalada akhlaada wanaagsan ay leedahay:
Waxaa kamida muuqaalada akhlaada wanaag san ay leedahay arimahan soo socda:
1- adkaysiga  ama sabirka, sabirku wuxu keenaa in dhibta loo dulqaato oo aan la aar goosan.
2- dhawr soo naanta,  oo macnaheedu yahay in nafta laga dheereeyo waxii xun ee xumaan keenaya hadal iyo falba.
3- geesinimada, waxay nagta ku beerta in wanaag lagu dhiirado, xumaantana ladiido.
4- cadalada ama garsoorka, waxay keenaysa in qofka arrimihiisu dhexdhexaad noqdaan, oo iska ilaali xad gudubka iyo gabood  falkaba.
5- dulqaadka.
6- in laga jeesto dadka aqoon laa wayaasha ah, oo aan  la dhex gelin  wax ay ku dhex jiraan.
7- cafiska iyo saamaxaada.
8- deeqsinamada.
9-  sama falka.
10-  cadhada in laga dheeraado oo aan lafulin.
11- muranka in laga dheeraado.
12-  debecsanaanta
13- runta
14- beenta in laga fogaado.
15- tawaaduca ama dadka in aan layska  waynaysiin.
16- in laga dheeraado dadka in la caayo ama la af lagaadeeyo.
17- xishooda.
18- furfurnaanta, weji furnanta.
19-  salaanta oo la faafiyo.
20-  dibta in aad dadka ka haysato
Ugu dambayn; akhlaaq wanaagu waa waxyaaba  loo baahanay in layna ga helo, si aynu ugu  toosnano  diinteena oo dadka  kele ee aan islaamka ahayna inoogu soo hirtaaan,
Qofkasta waa in uu naftiis dib ugu noqdo oo akhlaaqda wanaagsan kusoo dabaalo,
Bulshada waxaa ku dhex faafay akhlaaq xumo, waa in lagu bedelo akhlaaq wanaag
Ilaahay akhlaaq deeena  ha wanaajiyo
 Qore: Muuse Tarax
Tags

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)