9 ka shay ee ay sameeyaan dadka guulaystaa si ay u rumeeyaan riyooyinkooda:

Unknown
0
  1. marmarsiiyo lama imaadaan: Hadii aad dhab ahaantii raadinayso guul waa in aad
    joojisaa cudurdaarrada iyo marmarsiiyaha aad cuskanayso, waayo waxba kama faaidaysid balse dib ayay kuu dhigaysaa.
  2. U roonaanta dadka kale: Dadka badiyaa nolosha guulo ka gaadhaa waxay wax u tareen dadkale, waayo heerkaa ay gaadheen kumay gaadhin kaligood ee waxay ku gaadheen caawimo uga timid dadka kale.
  3. Shaqo aan kala go’ lahayn: Marka ay liibaanayaashu ama guulaystayaashu u socdaan inay xaqiijiyaan yididiilooyinkooda wax ay u shaqeeyaan habeen iyo maalin si aan kala go’ lahayn, ma daalaan mana caajisaan ilaa iyo ay xaqiijiyaan waxa ay raadinayaan, dadkani waxa ay toosaan habeenkii si ay u raadiyaan yididiiladooda isla markaana waxaad aragtaa iyagoo subixiina arinkan raad guridiisa ku jira.
  4. Awood iyo karti saraysa: Hadii aad dib u raad gurtid taariikhda waxaad helaysaa in dhamaan guulaha la gaaadhay waqti kaste ay ku hareeraysantahay awood iyo karti aad u heer saraysa, taasi oo ka dhigtay in dadkii guulahaasi gaadhay ay marba marka ka dambaysa usii dhawaadaan heerka ay hiigsanaayaan, iyaga oo isla markaasina awoodoodu sii kordhaysay.
  5. Mabaadi’da: Waxa ugu wayn ee guulaha gaadhsiiyay dadkii nolosha hore guusha uga gaadhay waxa weeye mabaadi’dooda, mabda’aagu waa waxa hore kuu socodsiiya kuguna caawiya inaad gaadhid yididiiladaa, noqo qof mabda’ leh.
  6. Imaan adag oon la liijin karin : Cida guulaha waawayn u saaxiibka ahi iimaankoodu amaba waxa ay ka aaminsanyihiin yididiiladooda marnaba kama habaabaan, inbadan oo noloshooda kamid ah ayay la kulmeen cid ka shakida, cid dhaleecaysa iyo cid wax xun ka sheegtaba, balse iskadaa inay arintani cabsi galisee waxay kusii caawisay inay kusii adkaystaan yididiiladooda iyo shaqada oo ay kordhiyaan isla markaana wadaan ilaa ay ka gaadhaan guusha ay rabaan.
  7. Sabab ka dambaysa guusha: Cid kaste oo guul gaadhay waxa ka dambaysay sabab ku dhalisay inay heerkaa gaadhaan, sababtaas oo dhimbiil ka dhex shida maskaxda qalbiga iyo ruuxda qofka si aanuu u fadhiisan ilaa iyo uu gaadhayo heerka uu tiigsanayo una dhaafo dhibaatooyinka kaga imanaya arinkan sababtiisa.
  8. Baadhis mug dheer: Dadka guulaystaa waxay aad u darsaan amaba u baadhaan waxa ay rabaan inay gaadhaan oo ay xaqiijiyaan si ay si fudud u rumeeyaan riyooyinkooda iyo yididiiladooda.
  9. Garab marida dhibaatooyinka: Dadka guulaysta waxa ay si fudud u garab maraan dhibaatooyinka soo waajaha, oo ma noqdaan qaar halkaas ku joogsada oo yididiilooyinkooda kaga hadha dhibaatadaa ay la kulmeen awgeed balse waxay sii galisaa xamaasad iyo awood dheeraad ah oo ay hore ugu socdaan. 
XIGASHO BAHDA FAAIDO

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)