Posts

Showing posts from April, 2016

Akhriso: 10-ka Hogaamiye ee ugu qanisan Qaarada Africa & Lacagta.

Image
Qaaradda Afrika oo ah Qaaradda labaad ee ugu weyn caalamka, isla markaana ah tan labaad ee ugu dadka badan caalamka oo dhan, ayaa waxay ka kooban 54-dal oo ay hoggaamiyaan madax qaarkood ka mid ah ay soo hoggaaminayeen dalalkooda muddo Rubuc Qarni ka badan. Madaxda qaarkood iyo qoysaskooda ayaa ah kuwo aad qani u ah oo haysta dhaqaale ay ka sameeyeen khayraadka waddamadooda dhex-ceegaaga; balse shacabkooda ay yihiin kuwo faqiir ah, waxayna hoggaamiyeyaashaani leeyihiin shirkado kala duwan oo ay ugu magac-dareen xubno qoysaskooda ka mid ah. Haddaba, warbixin ay soo daabacday shabakad lagu magacaabo Africa-cradle ayaa looga hadlay 10-hoggaamiye oo isugu jira madaxweynayaal iyo boqorro ka taliya qaar ka mid ah waddamada Afrika iyo kuwo xukunka horay u soo qabtay, kuwaasoo la sheegay inay yihiin kuwa ugu qanisan madaxda Qaaradda Afrika. KAALINTA KOOWAAD:  Jose Eduardo dos Santos oo ah madaxweynaha Angola oo la sheegay inuu haysto hati gaaraysa $20 Billion, wuxuuna dalkiisa soo x...

10 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso

Dabcan dad badan waxay isbedel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo. Halkan hoose waxaa ku xusan fikrado wax ku ool ah: 1. Jooji inaad naftaada been u sheegto, Khiyaalina aad ku maaweliso. – Nooca ugu xun beenta waa inaad naftaada been u sheegto. Nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu horeysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono. 2. Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun. – Noloshu way gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada. Kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal buu kuu dhigaa. 3. Jooji inaad ka cararto dhibtaada. – Wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso. Ma aha wax sahlan mana jiro qof aduunka dhib la’aan ah. Xaqiiqdii waxaa na soo maraya murugo, kadeed, kufid & dhaawac, Nolosha ayaa sidaa ah. Waxaa la rabaa in wajaho, la aqbalo, laga feejignaado lana xalliyo. Tani waa waxa kaa dhigaya qofka aad r...

Waa maxay ‘Saaxiib’? – W/Q. Nimco M. Axmed

Image
S aaxiibku waa qofka inta badan noloshaada kugu lammaan. Saaxiibku amma saaxiibtinnimadu ma aha, mid ku xidhan; da’, midab iyo qabiil amma jinsi laakiin waxa muhiim ah inaad diinta Islaamku siday kuugu tilmaantay saaxiibka wanaagsan aad ku raacdo. Saaxiibku waa lagama maarmaan inta aynu nool nahay. Inaad saaxiib heshaana, waxa ay ku xidhan tahay, badiba shakhsiyaddaada. Sidoo kale waa in uu qofku si fiican u fiiriyaa, cidda uu saaxiib ka dhiganayo, waayo isaga ayaa marna jannada kugu leexiya marna cadaabta kuu jiita. Haddaba Saaxiibnnimada bini aadamku, waa inay leedahay qiimo, qaddarin, ixtiraam, daacadnimo, xafidaad, ku dayasho, caawimo iwm. Ilaahay waxa uu quraankiisa ku sheegay; suuratul Furqaan, aayadda 26 ilaa 29: Haddaba hal su’aal ayaa meesha taalla:  Maxaa laba qof iskugu keena kana dhiga saaxiibbo aad iskugu wanaagsan? 1.     Waxbay wada xiiseeyaan:  Markay jirto dan guud amma xiiso guud aad qof kale wada...

Wax ka baro Tobanka dhismo ee aduunka Ugu dhaadheer, Sawiro..

Image
Dhismayaasha Tower-ka cajiibka ah & daaraha dhaadheer ee dunida laga dhisayo waxay ahaayeen yoolka ugu weyn Injineerada & dadka Hantiilayaasha ah ee ku kala firirsan dacalada dunida, waxaa maanta dunida ka dhisan tobanaan daaro dhaadheer oo qurux badan loona farsameeyey hab la yaab leh, kuwaasi oo ay u soo daawasho tagaan malaayiin qof. Hadaba daaraha dhaadheer ee xiligan dunida ugu caansan uguna dhirirka badan waxay ka dhisan yihiin wadamada Carabta, iyadoo Mareykanku uu ka harey daaraha ugu dheer caalamka ka dib markii dhulka la dhigay labadii daarood ee mataanaha ee (Twin Towers) ee magaalada New York ka dib weerarkii September 2001-dii. Warbixintan waxaan ku eegaynaa tobanka daarood ee xiligan ee dunida ugu dhaadheer uguna quruxda badan, iyadoo ay ugu horeeyaan kuwa ku yaal wadamada Carabta sanadkan dhamaadka ah ee 2012. 1. Burj Khalifa Dhismahan wuxu ku yaal magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuu socdey dhismihiisu mudo lix san...

Afkeenii hooyo qiimo beel waa AFSOOMALIGEE

Image
Allaa mahad leh, ilaaha innagu galladay, nimcada amniga iyo islaannimada, Rasuul baa amaan leh kaas oo hadal, fal iyo sugidba diinta innagu soo gaadhsiiyey Intaasi ka dib waxaan jeclaaday idin idila wadaago Qormo yar oo kooban oo afkeena somaaliga sida ay u isticmaalaan dadkeena qaar ka mid ahi   akhri qoraalkan hoose ka dibna ka jawaab Ama kawar celi waydiinta ugu danbaysa. Sidaynu ka war qabno Umadii u dhalatay afkan somaaliga ahi waxa inoo cadaatay in ay  ka guureen Afkoodii hooyo oo ay u guureen af English oo wadamo kale lee yihiin sidaynu wada ogsoonahay umadani luuqada somaliga iska lehi Qiyaasta boqolkiiba 40% waa ay ka tageen Afkoodii hooyo waxay u guureen English marmarka qaar kalmadaha ay isticmaalayaan Somali iyo English ayaa laysku qabanayaa sidaynu arki doono . Hadaba aan idinla wadaago kalmado Aanu ka maarmin qof kastoo Af somaliga ku hadla isla markaaasina ay u badan yihiin adeegsigoodu af English iyo  af Somali isku qasan   Adna kuwa...

Sualo iyo jawabo Aqoon korodhsi

Image
Dhamaan bahda ku xiran webka waxan jecel nahay inaad nagala fa’iideysataan su’aalaha iyo jawaabaha hoose ku qoran oo ah xaqiiqdii kuwa dhaxal gal ah – hadaba waxan su’aalahu iyo jawaabu kala yahiin toban qeybood oo kala duwan bal nala akhri QEYBTII KOWAAD 1= su’aal. sheeg ninkii afhayeenka u ahaa asxaabtii u hijrootay ardul xabash?jawaab. wuxu ahaa jacfar bin abii daalib rc. 2= su’aal. sheeg kumuu ahaa asxaabigii loo-aqoon jiray tartamaagii quraanka kariimka?jawaab. wuxu ahaa c/laahi bin cabaas rc. 3= su’aal. sheeg magaca islamka kahor madiina loo yaqiinay?jawaab. waxa loo yaqiinay yaidrib. 4= su’aal. sheeg sanadkii uu soo islaamay halyeey-gii cumar bin khadaab rc?jawaab. wuxu soo islaamay sanadkii 6-aad ee nabinimada rasuulka nnkh loo-soo saaray. 5= su’aal sheeg abuu bakar rc magaciisa oo seddexan?jawaab. waxa waaye c/raxmaan bin qaxaafa. 6= su’aal. sheeg magaca rasuulka nnkh hooyadii oo seddexan?jawaab. waxa waye aamina bintu wahab bin cabdi manaaf. 7= su’aal. sheeg ninkii d...