( XUSUUS IYO HIBASHO ) waa maanso cusub

Unknown
0
( XUSUUS IYO HIBASHO ) waa maanso cusub oon kula dardaarmayo hablaha soomaaliyeed ee muslimiinta ah ee dariiqa qaldan maraya
Markaan arko xaal maroora
Dareenku xanuun ma waayo
Xusuus iyo hibasho joogta
Ladhbaa igu beera xiise
Waxaan maantana xal moodey
Suugaanta xikaayaheeda
Intaan xigsin kuu magaabsho
Xoor iyo dhay kaa durduuro
Xujada kugu oogo maanso
Xaqiiqada taabanaysa

Dadkeyga xilbayga saaran
Xumaanta inaan ka waansho
Wanaagana ugu xadiiso
Xusuusiyo waajibaadka
Xagayga waxaan awoodo
Xakiimkuna ii rumeeyo

Adoo xidig yahay ilwaadka
Intaa dheer xaawaleyda
Allihii sida xuural-caynta
Xariirta a kuu abuuray
Xaqiisa hadaanad oofin
Xurmayn labadaada waalid
Xilkooda u dhabar adaygin
Xayaatada nuuri maysid


Haddaanad xishoon asluubta
Xumaanta ka dhowrsanaanin
Xijaabka ku dhaadan diinta
Intaad xidhatood jeclaato
Xadkii rabbi kuu asteeyay
Haddanad ku haanin xaadir
Xantiyo beenta iska dhaafin
Xayaatada nuuri maysid


Nin’aan meher kugu xalaashan
Intaad laabtaada xaydo
Inaad la xadreyso maaha
Miisigu xaaraan cad weeye
Xaqqiiqada noloshu maaha
Inaad xurmo beel ahaato
Naftaadu waxay u xiisto
Sidii xayawaanka yeeshid


Ma tihid sida xoolihiiye
Xikmuu rabbi kuu abuuray
Xilbaa guudkaaga saaran
Xisaabbaa kuu dambeysa

Naftuu wadku kaa xayuubin
Xabaalbaa lagugu aasi
Xigtiyo aan aadmi joogin
Halkaa waxa xaasil kuu ah
Markaad ifka xaawineysay
Acmaashaad xoogsaneysay
Xumaan iyo waxay samaato
Miisaanka u xoog badnaato


Xurmoy xaalwaa sidaase
Anoo jecel xuural-caynta
Jannada xarfanaysa laydha
Inaad meel kula xarooto
Talada xejiyoo dhagayso
intaan xaajadu adkaanin
Xoriyadbaad haysataaye
Xiligad gaadheyso mooyi

Adduunkuna waa xawaare
Naftaada xusuusi mawdka
Dikriga ku xidhnow illaahay
Xusoo waynee rasuulka ( scw)

Curiye cabdiraxmaan xiiray

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)