Xikmadda Nolosha Wanaagsan.

Unknown
0



Odhaadhada iyo dhaqanka wanaaagsan ayaa ah astaamaha dadku ku kala duwan yihiin. Qofka hadalka iyo dad la dhaqanka wanaagsani wuxuu saamayn weyn ku yeeshaa bulshada inteeda kale. Kan intaba ku xumina waxa uu noqdaa tuke baal cad oo la isu tilmaamo  agtiisana laga cararo, oon dhib mooyee aan bulshada dheef iyo waxtar u lahayn.
Dhaqanka wanagaasan ayaa noqday  mid ay dhamaan culimadu isku raaceen inuu yahay koronto soo jiidata bulshada, taasi oo keenta in qofkaasi uu noqodo mid ku dayasho mudan, bulshada ixtiraam iyo qadarin ka mudan.
Islaamkuna wuxu inagu dhiiri geliyay in odhaahdeena iyo akhlaaqdeenu noqoto mid ku xakamaysan diinteena , kuna silsiladaysan dhaqankii Rasuulkeena Muxamed (SCW).
Qisooyin Mucjisooyin ah:
Dhaqanka iyo Akhlaaqda wanaagsan:
Imam Abu Xaniifa, Nucmaan Binu Thabit, waxuu ahaa, Caalim aqoon iyo xikmad Allaah siiyay. Wuxu Imaam shaafici yidhi isagoo ammaanaya Abu Xaniifa, “Dadku carruur bay ka yihiin Fiqhiga Abu Xaniifa”.
Imaamka waxa jaar la ahaa nin aan cibaadaysan jirin oo muskaraadkana cabi jiray, dhaqan ahaana aan wanaagsanayn. Habeen kasta marka imaamku Salaatu_laylka tukanayo ayuu qayladiisa maqli jiray..
Habeen ayuu sheekhii maqli waayay ninkii qayladiisi wuxuuna waydiiyay aroortii markii waagii beryay jaarkiisii kale waxa ku dhacay ninkii ay jaarka ahaayeen?
Waxay ugu jawaabeen in la xidhay oo xabsiga ku jiro… Imaam Abu-Xaniifa wuxu ugu tegay xabsigiis si usoo booqodo.   Amiirkiina magaaladana markii loo sheegay in Imaamka Abu Xaniifa soo booqday ayuu sii daayay ninkii aan dhaqanka wanaagsanayn.
Ninkii markii la soo daayay wxuu u yimi Imaam Abu Xaniifa wuxuuna waydiiyay sababta uu usoo booqday.. wuxu ugu jawaabay waxaynu nahay jaar waxaanad xaq iigu leedahay inaan ku soo booqdo haddii ay waxa kugu dhacaan. Ninkii halkii ayuu isku bedelay oo uu ku noqday nin Allaha caabudaya… Dhaqanka wanaagsan ee aad bulshada u muujiso ayay kugu raacayaan. … Hadal, cadho iyo uur xumo aan macno badan lahayn kuma kasban kartida qalbiga qof keliya iskaba dhaaf  bulsho dhane.
“ Kelmadda wanaagsani waa Sadaqo”

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)