Wax Badan Ka Baro Sida Ugu Fiican Ee Aad Iskaga Difaaci Karto Khatarta Isticmaalida Computer­ka.

Unknown
0
Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa aad u sii badanaaya isticmaalka aaladaha electronics ka ah,waxaa sidoo kale marka ay siikorodho isticmaalkoodu isna la kordhaaya dhibaatada ama wax yeelada ay dadku ka dhaxlaan,maanta waxaan idiin aynaa oo aan halkan kaga hadli doonaa sida indhaha looga ilaaliyo dhibaatada shucaaca computers ka.


1. Barnaamijka FLUX waa barnaamij aad u wax tarbadanle kaas oo muraayada computerka ee aadka u cad kaaga dhigaya mid casuus ah oo u eeg midabka quruxda badan ee galabtii marka cadceedu sii dhacayso,barnaamijkan waxaad kala soo dagikartaa www.justgetflux.com.

2. Isticmaalida qaaciidada loo yaqaano 20­20­20: oo macnaheedu yey marka aad 20 daqiiqi computerka eegtaba 20 daqiiqo(Second) eeg meel kuu jirta 20 feet (6 Mitir) waxaa kale oo aad samaynkartaa 20 daqiiqo ee aad eegi lahayd meel fog in aad indhaha isku qabato.

3. Si joogto ah u ilbilidhso marka aad wax muhiim ah daawanayso si ay indhahaagu u qoyaan waxaa lagayaabaa in aad ku dhaygagto muraayada oo aad isku ilowdo,isku day in aad si joogto ah indhaha u nasiso.

4. Soo iibso muraayadaha loogu talo galay in ay indhaha ka difaacaan shucaaca computer ka.

5.Muraayada Computerka si joogto ah u nadiifi muraayada usgaga ahi waxa ay la mid tahay adiga oo indhaha ku xidha muraayad uskag ah oo aan faraha ku taataabatay.

6. Computer ka u jirso gacantaada in le’eg si aad u tijaabiso inta uu kuu jiro,gacantaada kala bixi ka dibna baabacadaada ku taabo muraayada computer ka (sida marka aad gacantaada miiska dul saarto oo kale).

7.Muraayada dacalkeeda sare waa in uu ka hooseeyaa halka ay ku beeganyihiin indhahaagu.Waa in aanay muraayada computer ku ka sarayn indhahaaga mar walba waa in ay muraayadu kaa hoosaysaa.

8. Soo iibso muraayada shucaaca celisa ee computerka la huwiyo.

9.Wakhtyada qaar isticmaal HIGH CONTRAST: high contrast wuxuu madow ka dhigaa dhamaan muuqaalka muraayada computer ka isaga oo wixii qoraal ah na ka dhigaaya cadaan.Si aad u furato High Contrast taabo SHIFT+ALT+PRTSC (print screen) botonkan oo ku yaala laynka u sareeya ee keyboard ka computer ka badiyaana ku xiga batanka f12.

10. Habee oo wax ka badal computer kaaga,sida iftiinka ama brighnes ka gee meel kugu haboon, kordhi oo weynee farta aad akhrinayso,sida marka aad akhrinayso browserka ee aad internet ka isticmaalayso.

Xuquuqda qoraalkan oo dhan waxa iska leh barta kobciye.com Xigasho: kociye.com
Tags

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)