Waa maxay Maamul Wanaag? ( Good Governance ) Read more: http://www.qurbo.net/waa-maxay-maamul-wanaag-good-governance/#ixzz44DU5ihiR

Unknown
0
Maamul wanaagu wuxuu yeelan karaa qaybo badan sida mid shaqsiyeed oo reer qura ku kooban ama mid wadareed sida maamulidda bulshoweyn leh deegaan iyo dal u gaar ah sida Somalia. Qofka ama dadka wax maamulayaa waa in ay leeyihiin damiir wanaagsan, dareen alle kacabsi, khibrad maamul, aqoon diineed iyo tu maadi oo heer sare ah, waana in ay u dheer tahay dareen iyo garasho fog oo wadanimo.maamul wanaag
Nebi Muxamed(SAWS) wuxuu yiri ” qofkastaa waa raaci, waxaana Allaah-SWT kula xisaabtami doonaa wixii la raaciyay ama masuul looga dhigay qofkasta”. Kolka xaajada adduunka iyo maamulkeedu waa tu ka fog ama ka xeelad durugsan jaantaa rogan ! Waxaa kaloo aan bannaaneyn in wax lagu xukumo, maamulo ama dhaqo haddii aysan waaqfaqsaneyn manhajka alle soo dajiyay ee Al-Islam(dunida muslimka).
Qodobada muhiimkaa oo kamid ah maamul wanaaga
1. Akhlaaq wanaagsan ,damiir fiyow iyo alle kacabsi
2. Khibrad maamul dowladnimo, aqoon sare
3. Caddaaladda ijtimaacigaa oo la sugo lana xafido
4. Dastuurkii la degsado oo la raaco lana dhowro
5. Musuq maasuqa iyo khiyaanada oo laga fagaado
6. Qabyaaladda iyo qof jecleysiga oo laga dheeraado
7. Ilaalinta karaamadda dadka, dalka, hantidooda, iwm
Ugu dambeystii, waxkasta oo salka ku haya musuq maasuq, eex, khiyaano, qabyaalad, anshax xumo, iwm, waa wax ka baxsan maamul wanaaga (good governance) waana wax usoo jiidi kara ummadda halaagyo baahsan sida haysta shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba maanta. Haddii aad eegtid musiibooyinka hareeyay dadweynaha Soomaaliyeed meel ay joogaanba gudo iyo dibadba, waxaad arkaysaa in dhibaatooyinkaasi salka ku hayaan:-
1. Maamul xumo baahsan
2. Anshax xumo xad dhaaf ah
3. qabyaalad gaamurtay
4. Musuq maasuq caadi laga dhigtay
5. Daciifnimo xagga caqiidada ah
6. Dareen la’aan wadanimo
7. Jaahwareer hiddo dhaqan bulsho iyo damiir suulay
Haddaba, waxaa Sunnada alle kamid ah in haddii waxaas fasahaad ah ay mujtamaca ama bulshoweynta ka dhex abuurmaan, in Allaah-SWT ku salido dadkaas musiibooyin sida dagaalo sokeeye, cadowyo kusoo duula oo laaya islamarkaasna booba hantidooda, kala irdhow ijtimaaci ah oo baahsan, jirooyin dawo loo waayo, fidnooyin kala soo darsa xagga caqiidada, dhulka iyo dadka oo waaya naxariista alle, iwm.
Sidaas awgeed, shaki kuma jiro in ummadda iyo dalka Somalia ay marayaan maanta marxaladdii ugu adkeyd ebed.
Waxaa Qoray: Hassan S. Ali


Read more: http://www.qurbo.net/waa-maxay-maamul-wanaag-good-governance/#ixzz44DU1MnHf

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)