Talooyin Wanaagsan

Unknown
0
                 
1-ka dheerow Cadhada badan Cadhadu waa Dilaaga Wanaag nafta.
2-Qofka aad la Saaxibayso ku dooro shayga la yidhaa Dabeecad waayo dabeecadu
Waa shayga qudha ee ku Bara qofka hab dhaqankiisa nololeed .
3-Qof kasta jeeruu kaa khaldan yahay adiga ku abaal mari Wanaag
Hubaal dadka adiga u mudan .
4-Ma og tahay marka aad naftaad u sheegto runta kuna qanciso inaad shay kasta qaban kartid Allena aad tallo saarato waxa hubaala inaad guulaysanayso .
5-Talaabo kasta oo aad dhinaca wanaaga u qaado waxa aad u qaaday dhinaca horumarka aad hayaanka nolosha ugu jirto .
Laakiin talaabo kasta oo aad u qaado dhinaca xun waxa aad u qaaday dhinaca
Dib u dhaca iyo wadooyinka xumaantu u badan tahay .
6-Qofka wanaagsan wanaag ka baro wanaaga waa layska bartaaye .
7-Naftaad hadii aad samirka barto waad guulaysan
Se Hadii aad la heshiin waydana waa mashaakil .
8-Saaxibka dhabta ahi waa kuma ? waa  ka kula jecel wax kasta oo wanaagu
Ku jiro iyo horumarka aad hayaanka ugu jirto  sidoo kale waa ka kula qaybsada
Farxada iyo dhibaato kasta idilkeed . eeg bogga labaad
9-Qofka nolosha ka dhacay waa kuma ? waa ka nool ee moodaya inuu sidaa suun U noolaanayo Usoo taagnaanayo ee aan Alle waajibaadkiisa gudan idilkeed Kaasi waa qofka nolosha ka dhacay .
10-Ugu danbayn saaxiib adoo wax qabsan kara qayrkaa iyo qayr xigahaa ha baryin
Ee ka dhaadhici naftaada oo ku dhiso moraalka inaad shay kasta qaban kartid .
WAAD BAAHIN KARTAAN WAANAD KU SOO BANDHIGI  KARTAAN
 AALAD KASTA oo fariin lagu gudbiyo  ..mahad sanidiin idilkiin
Wabilaahi tawfiiq .
Waxa qoray : Eng Abdifatah jama Ahmed
F.B: Eng Sir-Abdifatah jama
Email:Sircabdifataxj@gmail.com




Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)