Shinni ku qasabtay Diyaarad in duulimaadkeeda dib u dhaco

Unknown
0
 
Diyaarad laga leeyahay dalka Indonesia ayaa dib uga dhacday waqtigii ay duuli laheyd, kadib markii mid ka mid ah matoorada diyaarada ay dhex gashay Shinni.
Diyaaradan oo ay leedahay Shirkadda lagu magacaabo Garuda Indonesia ayaa muddo afar saacadood dib u dhigtay duulimaadkeeda, markii duuliyaha diyaarada uu dareemay inay cilad jirto.
Afhayeen u hadlay Shirkaddan oo lagu magacaabo Benny Butarbutar ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay lagu ogaaday in mid ka mid ah matoorada diyaarada ay dhex gashay Shinni, sidaas ay diyaarada saacado dib ugu dhacday.


Duulimaadka Diyaaradan oo ahaa GA197 ayaa ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee Kualanamu ee waqooyiga Gobolka Sumatra, gaar ahaan xarunta Medan, waxayna ku sii jeeday Caasimada Jakarta,

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)