QIIMAHA AF SOOMAALIGA IYO SIDA LOO DHAYALSADO

Unknown
0

Dadka ku takhasusa barashada luqadaha waxey isku raaceen in Af Soomaaligu yahay luqad qadiim ah. Dadka Suugaanyahanada ahna waxey qireen in Af Soomaaligu yahay luqad hodan ah dhinaca gabayada, maahmaahyada iyo heesahaba.
Suugaanta Soomaalida waxey caan ku tahay isticmaalka xarafraaca ama qaafiyad(alliteration),waxeyna leedahay habdhac/jaangooyo(rhythm) oo aan deelqaaf iyo laaxinna lahayn. Suugaanta habkaa u dhisan luqadaha caalamka intooda badan wey ku adag tahay umana dhisi karaan. Tani waxey markhaati ka tahay hodannimada luqada Soomaaliga.
6000 (lix kun) oo luqadood ayaa caalamka lugu hadlaa. Luqadahaas caalamka lugu hadlo Af Soomaaliga wuxuu kaga jiraa booska 64 waa haddii tirada guud ee Soomaalida laga dhigo 20 malyan (Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo kuwa caalamka kale ku nool). Sidaa darteed liiska tirada luqadaha caalamka lagu hadlo hadii la eego af Soomaaliga wuxuu ka horeeyaa wadamo badan oo dunida ka tirsan oo luqadooda qiimaha u yeeley oo Iskuulaadka iyo Jaamacadaha lagu dhigo sida luqdaha Greek, Hungrian, Hebrew, Bulgrian iyo Swedish-ka oo ah luqada dadka ugu tirada badan ku hadlaan wadamada laysku yiraahdo scandinavian.
Luqada Af Soomaaliga waxaa ku yar eray bixinta culuumta sayniska iyo tiknoolajiyada, waxaa kaloo dhameystir u baahan naxwaha af Soomaaliga.
Waxaase muhiim ah in aqoonyahanada Soomaalida in ay qiimo weyn u yeelaan Af Soomaaliga adeegsigiisna in ay kordhiyaan halka ay luqada Ingariiska ay ka isticmaalayaan marka ay wax qorayaan.
Waxaa kaloo muhiim ah in Soomaalida qurbaha ku nool in ay xooga saaraan sidii ay caruurtooda u bari lahaayeen luqada Soomaaliga. Waxaa ayaandaro ah ilmo Soomaali ah oo ku hadlaya Af Danish ama Swedish oo aan af Soomaali aqoon. Luqadaha ay ku hadlaan wadamada scandinavian-ka laysku dhaho ma helaysid cid ku hadasha marka aad xuduudkooda ka baxdid, Af Soomaaligase maanta meelo badan oo caalamka kamid ah ayaad ka heli kartaa koox Soomaali ah oo ku nool oo aad kula hadashid ama aad kula sheekeesatid. Qofka luqdaha badan yaqaan ogow in markasta uu ka caqli iyo aragti dheer yahay qofka hal luqad ku hadla. Qiimeey luqadaada si aad qiimo u yeelatid.
W/Qorey: ilyaas Maxamuud Xuseen

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)