Massage ma la isku Guursadaa Mise waa La’isku Furaa..? (Dhacdo Cajiib ah)

Unknown
0
Guurka casriga ee Somalida wuxuu cagta geliyay ciriftii ugu dambeeysay ee la yaabka dunida,tani waa sheeko xiiso badan oo aan jecleeystay inaan qoro.
Nadiifo waa gabadh ku nool Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan xaafadda Somalida ku badan tahay ee Islii, Nadiifo marka dhinaca quruxda laga eego dooqeeyga waa gabadha labaad ee gabdhaha Somalida Nairobi ugu quruxda badan,maashaa allaah, ilaah ku maneeystay 32 xubnood ee dumarka laga daawado iyo labada soo raacda,oo ah qosolka iyo codka raxmada leh.
Gabdhaha Somalida jooga Nairobi oo u badan dhoof sugayaal iyo qaxooti danta baday dhamaantood kalama dhacaan,oo mar ayaan isweeydiiyay toloow qoys waliba gabadha ugu qurxoon miyeey Nairobi u soo direen si is xambaar ama dhoof uga hesho.
Nadiifo oo ah gabadha aan ka sheekeeynayo todobaadkaan qisadeeda Ibrahim ayey isbarteen horaantii 2010.
Ibrahim waa 38 jir degaan ahaan ku nool Magaaladda Toronto ee dalka Canada.marka la waydiiyo dhalashadiisa wuxuu afkiisa u bartay inuu yiraa “ I am Somali Canadian” Maalmahii Ibrahim joogay Nairobi waxay u ahayd jawi xasuus leh,wuxuu hiifay waqtiga iyo waayaha isdabaraya maxaa yeelay Nadiifo wuxuu bartay toban maalmood xilli ay ka dhiman tahay ticket-kiisa laabashada.
Sheeko guur ayaa dhexmartay Ibrahim iyo Nadiifo hasse yeeshee waqtigiisii safarka ayaa idlaaday oo danta ayaa ku qasabtay inuu dib ugu laabto Toronto isagoo jecleeysanaya inuu bureeqada ku soo ildoogsada.
Ibrahim iyo Nadiifa,Wada hadalkii ayaa khadka telefoonka iyo Aalada Internet-ka laga sii ambaqaaday,xiisaha la isu qabo maaha mid laga sheekeeyn karo,habeenkasto waxaa la iska arkaa barta MSN MESSENGER LIVE-KA.
Guur ayaa lagu heshiiyay laakiin Ibrahim jaaniskiisa ayaa aad u liita sida uu Nadiifo u sheegay,waa Darawal wada gawaarida waaweyn ee safarka gasha laakiin Nadiifo wuxuu u sheegay inuu Jaamacad dhigto,uuna la shaqeeyo laanta qaxootiga Canada.
Ibrahim oo sheekadiisa u koobaya Nadiifo,wuxuu ku yiri” Mar hadii aan ku heshiinay inaan isguursano looma baahna Marqaatiyaal ,waxaa Fariin qoraaleed SMS kuu soo diri doono nin Sheekha oo Magaaladaan Toronto si weyn looga qadiriyo,hadaba waxaa lagaa doonayaa in su’aalahiisa aad uga jawaabto,aniganan sidoo kale ayuu iigu soo diri doonaa SMS.
Nadiifo ayaa ka argagaxday sababta aan Marqaati loogu baahneeyn laakiin Sheekhii ayey jecleeysatay inay la sugto su’aashaas.
SMS,fariin qoraaleed deg dega ayaa u soo dhacay,waxaa lagu yiri,”hadii aad tahay Nadiifo hebel hebel,waxaan ahay Sheekha ku nikaaxinaya oo magaciisu yahay hebel hebel,fadlan iiga soo jawaab su’aalahaan soo socda!!
Ibrahim Hebel hebel guur maku heshiiseen oo diyaar ma u tahay?
Aabahaa ma nool yahay mise waa dhintay,hadii uu nool yahay halkee joogaa
Adiga hore malaguu guursaday mise Gabadh ayaad tahay?
Hadii aad ka raali tahay nikaaxa,meherkaaga meeqo ayaad ka dhigatay?
Nadiifo ayaa su’aalaha Sheekha ka shakisay,waxay qiyaastay in qoraalka uu saaxiibkeed u soo diraya isagoo iska dhigaya Sheekh.
Telefoonkii ayey wacday,waxaa ka qabtay nin cod waaweyn oo Kala hortagay ASSALAMU CALEYKUM.
Salaanta ayey ka ridisay,WCWW,Ma Sheekh hebelbaa ayey u raacisay?
Haa waa Sheekh hebel ,maashaa allaah soo dhawaaw Nadiifo ayuu ugu jawaabay!!
Nadiifo oo yara xishooneysa ayaa ku tiri” Sheekh adigoo raaliya sidee nin iigu mehrin kartaa bilaa Marqaati?
Sheekhii ayaa u yara qoslay,isagoo leh Maashaa allaah,waa su’aal fiican Nadiifo! Wuxuu u raaciyay,dunida horumar beey gaartay,SMS-ka ayaa noogu filan marqaati ee waxaa lagaa doonayaa inaad SMS-ka xafidid.
Nadiifo hadalkii waa uu ka dhamaaday,waxay ku koobtay,waa mahadsan tahay Sheekh,kadibna waxay u qortay jawaabahii uu ka sugayay.
Sheekhii ayaa Ibrahim u qoray,waxaan kaa doonayaa inaad iga aqbashid,Nadiifo hebel hebel,oo meherkeedu yahay intaas,inaan kugu nikaaxsho,fadlan hadii aad aqbashay,aniga iyo Nadiifo noo soo wada dir SMS aad nagu leedahay,waan aqbalay Sheekh,waxaana u ahay diyaar inaad igu nikaaxiso?
Fariin qoraaleedka Sheekha waxaa wada helaya Nadiifo iyo Ibrahim,markasta waxaa sharuuda in qofka fariinta uu dirayo labada qof u wada diro,
Ibrahim Sheekha wuxuu u qoray,HAA SHEEKH WAAN AQBALAY INAAD IGU MEHRISID IYO MEHERKEEDABA?
Sheekhii ayaa Nadiifo soo weydiiyay,haye Nadiifo waxaan kaa rabaa inaad ii soo qortid,ANIGOO AH HEBLAAYO HEBEL,waxaan kuu dhiibtay walaayadeeyda,si aad iigu nikaaxisid Ibrahim hebel hebel.
Nadiifo intii Sheekha Waydiistay ayey u dirtay,kadibna waxaa u soo dhacay,SMS uu Sheekha ugu hambalyeeynaayo Ibrahim iyo Nadiifo,kuna leeyahay maashaa allaah,guurkiina waa hagaagay Seey iyo Marwadiis baad tihiin,allaha isu kiin barakeeyo.
Ibrahim iyo Nadiifo haasawahoodii Jaceyl wuxuu isu bedelay mid qoys,waxay xaq u yeelatay biil joogtaa inuu bil waliba u diro.
Lix bilood kadib wuxuu Ibrahim u tegay gacalisadiisa ay hiloowga iyo xiisaha xoogan isu qabaan ee Nadiifo.
Shan iyo toban maalmood markii uu Ibrahim ,Nairobi la joogay Nadiifo ayuu Toronto dib ugu dhoofay laakiin maxaa dhacay?
SMS,Fariin qoraaleed ayuu Ibrahim u soo diray Nadiifo,telefoonkii ayey haabatay,waa fariintii ugu horeeysay ee gacaliyaheeda ama ninkeeda ay ka hesho tan iyo markii uu Nairobi uga tegay.
Akhris ayey ku biloowday” Anigoo ah,Ibrahim Hebel hebel,waxaan halkaan kuugu cadeeynayaa inaan laba dalaaqo kugu furay adigoo ah,Nadiifo hebel hebel,sidaas daraadeed waxaan kuu rajeeynayaa guul iyo Mustaqbal wanaagsan,hana ku mashquulin sababta laakiin ku qanac inuu yahay go’aan ka turjumaya rabitaankeeyga shaqsi.
Nadiifo yaab , amakaag iyo film horara ayaa u shidmay,waxay ku waalatay SMS miyaa la isku furaa? Sheekh hebel walaalayaaloow ii waydiiya.
Nadiifo oo xanaaq badan ka muuqdo,aadna uga soo horjeeda in saaxiibkeed Ibrahim SMS ku furo,ayaa iigu timid Hotel aan ka deganaa Nairobi,waxaa la socday sedex gabdhood,waxay igu tiri” Dahirow ninkii I qabay ee sheekadiisa aan kaaga sheekeeyn jiray sidaan isku guursanay,wuxuu ii soo diray SMS,wuxuuna igu dhahay waan ku furay,ee walaaloow SMS MA LA ISKU FURI KARAA? Sheekha ii weydii!! Inta aan yara qoslay,ayaan ugu jawaabay “ SMS MALEEYSKU GUURSAN KARAA?
Shactaro iyo qosol ayey isu bedeshay sheekadii,HAA ayey iigu jawaabtay Nadiifo,waxay igu tiri” heblaayo iyo heblaayo iyo heblaayo ayaa SMS lagu guursaday oo guurku waa niyadda uun walaalow”
Sheekhii ayaan telefoon la tiigsaday anigoo rumeeystay in gabdha badan SMS lagu guursaday laakiin Nadiifo tahay gabadhii ugu horeeysay ee SMS lagu furo.
Sheekha ayaan waydiiyay Sheekhoow SMS ma la isku furaa mase la isku guursan karaa?
Sheekhi ayaa aamusay markaa ayuu yiri “ Tana ma I sugeeysay,kheeyr allaha idin siiyee,su’aashaan waligeey ma filane,bal maalmo I siiya,aan baaris ku sameeyee xaga diinta!!
??????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)