maroodigii somaliya yimi isagoo iskaga yimi kenya

Unknown
0

Hadal Haynta Maroodiga La Magac Baxay Moorgan Kadib Laba Toddobaad Iyo Soo Guryo Noqoshadiisii Soomaaliya
Kismaayo (Foore)- Maroodigii dhawaan dib ugu soo laabtay wadanka Soomaaliya ee ka soo kicitimay wadanka Kenya ayaa hadal hayntiisu wali haysataa baraha xidhiidhka Bulshada iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliya iyo Kenya iyada oo warbixintii ugu dambaysay ee Maroodigaasi soo guryo noqday la sheegay in uu wakhtigan ku sugan yahay goob ka tirsan dhulka keymaha ah ee maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland gaar ahaan xuduudda Kenya iyo Jubbaland. Maroodigan oo lagu Magacaabo Moorgan ayaa dalka Soomaaliya ka qaxay 1991-kii wakhtigii ay dagaalada ba’ani ka socdeen dalkaasi Soomaaliya, waxaana uu dib u soo laabtay isagoo 30 sano jir ah oo xusuusanaya wadadii uu maray xilli uu yaraa tasi oo hadal hayn aad u badan ka dhalisay dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Moragn ayay 3 Toddobaad ku qaadatay inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya sida ay shaacisay Hay’adda dalka Kenya u qaabilsan duur-joogta oo dusha kala soccotay safarkiisa mudadii uu Maroodigamn Moorgan dib ugu soo safrayay wadanka Soomaaliya illaa uu ka soo tallaabayay xuduuddida Kenya iyo Soomaaliya oo uu ka soo kicitimay dhulka keymaha ah ee dalkaasi Kenya.
Maroodigan ayaa ka soo gudbay deegaan xeebeedka dalka Kenya ee Lamu, waxaana uu soo galay xuduuda Gobalka Jubadda hoose ee Dalka Soomaaliya iyada oo dadka deegaankaasi markii ay ka war heleen maroodigan soo tallaabay ay aad ugu farxeen iyaga oo markii ugu horraysay dalkaasi dib loogu arkayo maroodi Duur Joog ah wakhti dheer kadib markii dalkaasi ay ka dabar go’een Maroodigu. Wakaaladda wararka ee AP ayaa warbixin qoto dheer ka samaysay dib usoo laabashada maroodigan lagu magacaabo Morgan waxaanu hadal hayntiisu noqotay arrin aad u xiiso badan oo aad looga hadal hayo Soomaaliya iyo Kenya.

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)