jaadka iyo soomaalida

Unknown
0
Hordhac:
somaalidu aduunka oo dhan waa dadka ugu isticmaalka badan balwada jaadka,hadana somalidu jaadka ma beertaan laakiin waxaa u iibgeeya Ethiopia iyo kenya,jaadka maadada ku jirta ama active igredient ka jaadka waxaa la yiraahdaa cathinone wuxuuna ka helaa ruuxa isticmaala jaadka farxad aan jirin iyo dareen kacsanaan (mild joy and excitement) wuxu dareema feejignaan mudo kooban ah (hyper activeness),wuxu abuuraa khilaaf qoyska ah,wuxuna hoos u dhigaa shakhsiyada ruuxa isticmaalaya jaadka ilaa uu ruuxu ka develop gareeyo xaalada cilmi-nafsi loo yaqaana inferiority complex ama inuu ruuxu dareemo in dadku ka sareeyaan ama ka fiicanyihiin,hadaba ahristow 1980 kii ururka caafimaadka aduunka ee loo yaqaano WHO waxay jaadka ku dareen liiska daroogada halista ah.
khasaarihiisa dhaqaalaha ee guud.
Labada wadan ee Ethiopia iyo kenya oo ah laba wadan oo ay iska ilaalin jirtay somalia waxay maalin kasta uu iib geeyaan jawaano jaad ah waxayna kala soo noqdaan jawaano lacag ah.
Sanadii 2011 kenya oo kaliya waxay somalia kula jirtay ganacsi ku kacaya $300,000 maalintii taasoo ka dhigan in sanadkii lacag dhan $110 million ay gasho kenya.
Xigasho:kenya’s national agency for the compaign against drugs.
Ethiopia waxay djibouti ka heshay sanadkii 2012-2013 dakhli gaaraya 42 million oo birr halka somalia iyo somalilandna ay ka heshay 201 million oo birr,sanad kastana waxaa sii kordha dakhligaa dalalka deriska la ah somalida ay ka helayaan wadanka burbursan ee somalia.
khasaaraha dhaqaale ee dhinaca shakhsiga
1.wuxuu ruuxa ka dhigaa mid aan shaqaysanin oo aan wax soo saar lahayn(unproductive and lazy) maadaama uu waqtiga intiisa badan fadhiyo
2.wuxuu abuuraa job insecurity
keenaana in shaqada laga cayriyo ruuxa balwadan isticmaala.
3.wuxaa lagu lumiyaa malaayiin lacagta adag ah taaso wax u tari lahayd qoyska iyo qarankaba.
maxaa ka dhalan kara arintan?
marka taariikhda la eego,waxaa ka dhalan kara arrintan in dhulka somalida ay la wareegaan dadyow aan u dhalanin somali sida dadyowga faraha badan ee ku hareeraysan sida oromada oo ah dadka qiyaas ahaan ugu dhaw sidii ka dhacday wadanka maanta maraykanka loo yaqaano,
america waxaa degi jiray dadyowga kala ahaa native indians ka aztec,mayans ka iyo qabaa’ilo kale,waxaa dhacday in daroogadii xashiishka loo raqiisiyo si ay aad ugu isticmaalaan,kadibna talada mustaqbalkooda iyo aayahooda aysan kaalin ugu yeelanin kadibna ay u fududaato in loo taliyo.
xigashobahda nabadiyo cadaalad

Post a Comment

0Comments
Post a Comment (0)